Farmaajo Oo Ka Qayb Galay Munaasabad Qalin Jabin Ah Gobolka Ohio (Sawiro)

0

IMG_7701London(AGGM) Hay’adda SOMALICAN ayaa waxa ay soo abaabushay xaflad qalinjibin ah oo loo qabanayay ardayda Soomaaliyeed ee ka soo baxday dugsiyada Sare, Jaamacadaha, iyo Kuliyadaha gobalka Ohio,  iyadoo ardayda lagu dhiiro galinayay sii wadida waxbarashada.

Xafladani ayaa waxaa  ka soo qeyb galay Arday, Aqoonyahano, Siyaasiin, Masuliyiinta gobalka Ohio sida duqa magaalada Columbus Michael B. Coleman, Ra’isul  Wasaarihii hore ee Soomaaliya  Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, Wasiirkii waxbarashada ee Xukuumadii  Farmaajo, Dr  Cabdinur Sheekh Maxamed, Xildhibaan Boonoow, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Biljam Cali Siciid Faqi,  Duqii magaalada Muqdisho, iyo Dadweyne aad u fara badan.

Munaasabadda ayaa waxaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyay Hey’adihii dhiira galiyay barnaamijkani, iyo ardaydii dhameysatay sanad dugsiyeedka 2013-ka, iyadoo si weyn ay u faraxsanaayeen dadkii ka qeyb galay munaasabadaasi.

Ardayda  wax ku soo bartay xeryaha qaxootiga ayaa ka hadlay dhalinyarada xeryaha ku jira iyo dhibaatada ay wax ku bartaan,  iyagoo   xusay in ay yihiin dad lagu xisaabtami karo oo leh Mustaqbal fiican kana fa’iidaystay xiligii adkaa ee ay soo mareen.

Dhamaan masuliyiintii ka hadashay xafladda ayaa ku dheeraaday ahmiyadda waxbarashadu ay u leedahay Dadka iyo in ay tahay waxa kaliya ee qofka gaarsiin kara nolol dhab ah oo uu dunida wax kula wadaagi karo.

Ardayda ayaa lagu guubaabiyay in ay sii laba jibaaraan waxbarashada una guntadaan in ay wax u taraan dalkooda iyo dadkooda maadaama ay dhameeyeen waxbrashada.

Tani waa qalinjibintii 4aad oo ay Hay’adda SOMALICAN u qabato ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Mareykanka  oo ay 4tii  sano  ee la soo dhaafay u qabaneysay  munaasabad noocaan oo kale ah iyadoo taasi ay dhiiro gilin u tahay ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan halkaasi.

Jibril Maxamed oo ah madaxa Hay’adani ayaa ka mahdceliayay xaflada iyo sida ay jaaliyadu uga qeyb qaadatay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

IMG_0052IMG_7673IMG_7677IMG_7680IMG_7687IMG_7699IMG_7706IMG_7700IMG_7701IMG_7726IMG_7727IMG_7734IMG_7777IMG_7968IMG_7975IMG_8022IMG_8031IMG_8042