Maqaaal: Yuusuf Garaad Warramaa Aan War Hayn!!

0

yusuf-garadLondon(AGGM) Nin Carab ah ayaa waxaa la dhihi jiray “Mucaydi” dadka ayaa sheegsheega had iyo jeer, magaciisa uun ayaana afka lagu wada hayaa. Ku celcelinta badani dhibkeeda ayey leedehee, ninbaa is yiri ninka sidan loo sheegsheegayo waxa uu yahay ka sargaar bal.

Ninkii xuuraansi iyo waraysi ayuu ku dhaqaaqay, mise qof “Mucaydi” arkay ama qof soo arkay uu uga sheekeeyey ma jiro. Markaa uuba go’aankiisii u sii xoogaystay, oo hoosta ka xarriiqay inuu ninkaa lagu wareershay madaxana looga cunay mar uun hor istaago ishiisana ku soo arko.

Ninkii safar iyo socdaal ayuu u galay inuu ninka la sheegayo soo arko, geeddi dheer ka dib, ayuu soo galay deegaankii ninka loogu sheegay, hadduu cagta soo dhigay, ayuu isagoo u caabboon ama u hamuun qaba ninka araggiisa, weydiin iyo waraysi u galay, mise dadkuu u yimid waaba la yaabeen, ninka uu weydiinayo iyo sida uu magaalka ka yahay awgeed, illeen ma ahan nin magac iyo muunad gaar ah ku lehe, iska daa in lagu soo raaco xigmad, garaad iyo gargoyne, micnaha caqli badan, kaaga darane, qurux iyo qaab qummanna ma lahayn.

Haddii laga ehbiyey, asuu ku adkaystay inuu arko, ayaa loo tilmaamay aqalka uu magaalada ka deggan yahay. Ninkii orod ayuu xaf isku siiyey, sidii u sii ordayey ayuu dalaq ugu yiri Buushkii uu magaalada ka deganaa, mise waxaa ka soo hor muuqday Bidde gaaban, oo calool kuusani ka soo horrayso!

Inta hillaabtay oo indhaha isku qabtay ee kala furay, isagoo rumaysan la’ qofka ka hormuuqda inuu yahay “Mucaydi” iyo in kale, ayuu mar kale indhaha ku celshay, oo waliba ku gubay si uusan ugu ekaan inuu arkayo cawir ama hummaag uun kaliya, mise sawirka u muuqda, waxa magaalada uu deggan yahay looga sheegay iyo middii uu markuu magaciisa maqli jiay ka haystay ayaa isu qaban waayey.

Markaa ayuu inta soo gaddoomay, oo reerkii uu ka baxay iyo deegaankiisii ku soo laabtay laga reebay hawraartan cajiibka ah ee ah: “Intaad Mucaydi maqli lahayd, inaad aragto ayaa ka wanaagsan!” dhanka kale, ma is tiri, ninkan waxaa ku habboonayd hawraartii ahayd: “Ma waxaan ku mooday, mise waxaad noqotay mise waxaan loo noqon doonin?” intuba waxay ku aroorayaan inuu “Mucaydi” soo bartay, oo maanta ka dib agtiisa in lagu sheego iska daaye, agagaarkiisa aan lagu xusayn.

Yuusuf Garaad in badan iyadoo qoraallo laga qoray waan arkay, haba ugu darraadaan berigii JIHAADKA JINNIGA iyo WADAADADII WAALLUDU WADDAY ay Xamar qabsadeen, oo ay bar iyo bog walba ku qorneed Yuusuf reerkiisa ayuu la saftay, waxaa cirka ku sii shareeray ka dib markii ay dhawr shaqaale oo BBC u shaqaynayey shaqada isaga tageen siyaabo kala duwan, taa oo tuhunka sii badisay, haddi Soomaali awalba isaga kaa sannifsanayd, hadday marmarsiyo kuu hesho adba ka badbaad.

Maanta Yuusuf Wariyennimo xagga ayuu iska soo dhigay, in kastoo hore loo yiri: “Nin walba wuxuu bartoo barigashoow billaabayaa” wuxuu u soo qalabqaatay Siyaasad [NACALLO QABTO]  oo ay ku noqotey meeshii laashimku uu ka yiri: “Aadan Yabaal u soo aroor, Abaalna kuuma erganee!” waa tii la yiri: “Nin Durbaan qaaday ilaaq dalbaye!” taladu maalin bay ku seegtaa, fudayd ama faham la’aan mid uun, hadday kuu wehliso tashi xumo iyo taraanturrana kuma sii jirto, tallaabo aad ku gaarto taran tolmoon ama tanaad toosan midna ma tiigsatid.

Horta Yuusuf maalintuu xilkuu naftiisa, inta af Soomaaliga ku hadasha, Geeska Afrika iyo Qaaradda Madawba u hayey ka soo tagay ayuu waddo habaw ah qaaday. Ma qof la talshuu waayey? Ma isagaan raadin? Mise waa heloo, laba mid ayey ku noqdeen TALA XUME TARAANTURRA la rabay iyo inuu TALA FIICAN helay ee uu ka dhaga adaygay, aniga tan dambe ayey ila tahay. La yiri: “Talo adaa ku noole ayadu kuguma noola”.

Maalintuu xilkaa iska casilay, ayaan rag asxaabtayda ah ku iri sidan: “Yuusuf Garaad isagoo ah MADAXWEYNAHA inta af Soomaaliga ku hadasha, ee kala joogta, Soomaaliya, Gaarisa, Jigjiga iyo Jabuuti, hadduu ka doorbiday inuu Madaxweyne uusan hubin ka noqdo XALANE waa nin si kale [cudurkii madaxnimada] loo hayee, ninka yaan loo daymo la’aan!”

Ninbaa laga sheegay “La iimana Waxyoodo, waxna ima seeggana!” Yuusuf Garaad maalintii koowaad ee uu Muqdisho tagay isagoo wali Jaakadduu gashanaa ka muuqdo Jactadkii kursigii uu ku fadhiyey, warkii u horreeyey ee uu Istaag ku sheego waxaa ku jiray; “in Guryaha la iska haysto la isu celiyo!” Yaab. Ma Oday Dhaqameedaa? Ma masuul xil hayaa? Ma Guddoomiyaha Guddiga isu celinta Hantidaa? Midda kale, berigaa dadka dhan wuxuu ku sii jeeday kuna mashquulsanaa DOODDII DASTUURKA, inta uu taa aragti iyo feker ka dhiiban lahaa, sheeko aanba meesha ool ayuu la yimid, haba la yimaadee, wax ma u tartay?.

Dhanka kale, adoo xaniif iska dhigaya oo dooddaadu tahay guryaha la kala haysto ha la isu celsho, hadduu dhabarkaaga tagan yahay Yuusuf Siyaad Indha Cadde ka warran? Waxay ka dhigan tahay: adoo leh ha la is cafiyo, oo yaan is dilin, haddana, dadka Daab iyo Waran la dhacaya! Aqriste, tusaaluhu sidee kula yahay?.

Haddii doorasho ku sheeggii ay dhacday, tartankii madaxtinimada uu ku soo baxay Xasan Sheeq, oo sida dhawaan la sheegay ay MAALGASHATAY DALKA QADAR, asii markii hore dad badan ku wareersanaa, illeen Yuusuf isagaa gabbaad iyo gargaar la’aan iska yimide, midda is weydiinta mudan baa ah: Yuusuf isagoo intaa Caddaan iyo Madaw, Muslin iyo Gaalo ku dhexjiray miyuu isagoon koox iyo kaadir wadan iska yimid?  Alleylahe Soomaalidu waxay tiraahdaa: “ISHAAN MEEL DHEER WAX KA ARAGEEY DHAC!” mise Yuusuf sheekadu waxay ka ahayd Is tijaabi uun? Bal adba.

Maalintii lagu kala baxay dhismaha Golaha Wasiirrada, oo dad badan u saadaalinayeen inuu noqdo Wasiirka Warfaafinta, dadkaa oon afhayeen qaldan u noqdayn wa kan: http://bilediraac.wordpress.com/2012/09/30/maxaa-dhacay/
Haddaanse xitaa lagu soo darin ku xigeennaadii iyo Wasiiru dawlayaashii ayuu ka soo huleelay Xamar sida rag badan oo isaga oo kale ah, sida Formaajo, oo maalintii Saacid la magacaabay maalintii xigtay soo dhoofay,
ama Prof Samatar oo caraduu ka soo qaaday Xamar Hargaysa ku tagay, sheegayna inuu u tartamay sidii uu Soomaaliya u kala goyn lahaa! Waa iga su’aale, nimanka aqoonta lagu sheegay aaway? Xaggee ka martay? Mise waa sida weel daba duleela oo kale?.

Yuusuf Garaad wuxuu xarun iyo saldhig ka dhigtay Dalka Kenya, dabcan waa xarun istiraatiiji ah, inay Soomaaliya u dhawday ka sokow, waa meel ka nabdoon Muqdisho, oo aadan u baahnayn istaaf iyo waardiye, taa ka sokow, waa xarunta laga maleego qorshe walba oo Soomaaliya laga hirgaliyo, maadaama ay wali ku yaallaan badi Xafiisyada Qaramada Midoobay ee Soomaali qaabilsan.

Siduu xaruntaa u degay, Yuusuf wax badan ayaa iska badalay, sideeda qof aan aragtidiisa badalin waa noole aan qiime lahayn, balse, haddaad u badasho dhanka xun iyo gedda gurracan waa dhibaato inteeda la eg. Yuusuf wuxuu in badan isku mashquuliyey isku murjiyey inuu arrin aan u ool inta uu ka galana uu kala mid yahay muwaadin walba oo Soomaaliyeed isku hawlo, maadaama uusan wax xil ah iyo jago dawladda ka hayn shacabkana u hayn.

Arrintaa waxay ahayd marka si dhab ah loo kala qaado dhibaatada ka taagan Gobollada xadka la leh Kenya ee ay afduubka iyo xoogga ku haystaan Keenyaanka oo kaashayana Malleeshiyo diimeedka iyo beeleedka Axmed Madoobe, oo hore uga tirsanaa Maxkamadihii iyo Xisbul Islaan, [ARGAGIXISADII BURBURTAY]. Tan kale waa arrinta Faroole iyo Gobollada Bari iyo midda uu ka hurinayo Jubbooyinka.

http://www.shaaciye.com/?nid=61092&c=Rayiga%20Dadweynaha
Yuusuf labada arrinba sidii qof xog ogaal ah ugama hadal, kaaga darane xitaa sidii qof dhexdhexaad ah ugama hadal, ee wuxuu eedda dhan dusha ka saaray Madaxda Dawladda, dabcan is mari waaga jira qayb ayey ku leeyihiin kana yihiin, balse, taa ma suuragalinayso in looga dhigto bartilmaameed siyaasadeed.

http://caasimada.com/yuusuf-garaad-oo-qoray-qormo-uu-ku-difaacay-cumar-crashiid-gaas-prof-gaandi-iyo-axmed-madoobe/
Maxaa yeelay labada nin ee arrinta lugta ku leh, midna waa gacan ku dhiigle, qabable ah, midna waa Fidne wade kala dilay dadkii maamulka u dhiibtay. Labada arrrinba marka aad ka hadlee, waa inaad labadan xagal muujisaa, haddii kale sheekadaadu waxay noqon “war la qabaa xiiso ma leh iyo nin meeli u caddahay meeli ka madaw!”.

Faroole oo Farta lagu wada fiiqay! Q: 1-aad
Yuusuf wuxuu aad u buunbuunshay afar nin oo dhalmo reeri ka dhaxeeyo, asii aan isku dan iyo hadaf ahayn, oo ay sawir la galeen Madaxda Dalka Kenya, isagoo markaa farriinta uu dadka soo gaarsiinayey ahayd meeshan rag culus ayaa isugu yimid, dhawaan sheekadu dhan ayey u dhacaysaa. Haddaba, arrintu waa laba: ama Yuusuf isaga ayaa Filim kale u shidnaa, oo indha sarcaadis lagu hayey ama ujeed gurracan ayuu ka lahaa marka uu waxaa oo kale oo gudbinayey!  Sidaa waxaan u leeyahay xitaa hal su’aal ma duldhigin ah, maxaa isu geeyey raggan?   Madaxda Kenya maxay rag aan xilal ka haysan Soomaali sidan rasmiga ugu qaabishay? Ka sii muhmsane, Faroole maxaa Kismaayo iyo Gedo ka soo galay? Markii hore Muqdisho Caasimadda Soomaaliya ma ahan ayuu taagnaa, haddana ma wuxuu u socdaa Kismaayo Soomaaliya kama mid ahan? Wax kale ha ka filan.

Faroole oo Farta lagu wada fiiqay! Q: 2AAD
Yuusuf Garaad hadday muddo ka dhex hadlayeen Axmed Madoobe iyo Faroole, OGAAL iyo LA’AANBA, ayuu u gudbay fulintii, micnaha qoraalladiisii inuu u wareejiyo fal iyo dhaqangalin. Wuxuu si rasmi ah ugu soo dhaweeyey magaalada Nairobi Faroole, oo ay ahayd inuu halkaa kula kulmo Madaxweyne Xasan Shiiq. Waaba iga su’aale, adoo bed qaba, maankaaguna deggan yahay Faroole gega dayuuradeed ma ku soo dhaweyn lahayd?.

https://www.youtube.com/watch?v=cdaUa_Cn7P0&feature=player_embedded
Aan idin xasuusiyee, Ra’iisul Wasaare Saacid markii uu socdaalka ku tagay deegaanka Bari, Faroole wuxuu u soo diray ku xigeenkiisa inuu Garoonka ku soo dhaweeyo, isagu wuxuu ku haray aqalkuu daganaa, haddaba, ma idin la tahay Faroole inuu wanaag uga hayo soo dhaweynta Yuusuf? Midda kale, markii Axmed Madoobe tagay Bari waxaa garoonka ku qaabilay isla Faroole, ladaba soo dhaweyn kala mudan, Jabhad Hoggaamiye kooxeed ah, walina dhiig daadin wada iyo Ra’iisul Wasaare madani ah oo nabad iyo naruuro ka shaqaynaya, gaabisba ha ku jiree.

Intaa hadduu Yuusuf sameeyey, waa ku fillaa waysay, oo waxaa Garoonka Muqdisho laga soo dejiyey Xasan Daahir Aways, oo laga keenay Maamulka Ximan iyo Xeeb oo uu isu soo dhiibay, hadal uu ka qoray wuxuu ku soo daray erayadan: “…Xasan Daahir wuxuu noqonayaa ninkii ugu horreeyay ee Madax ah ee lagu soo oogo dacwad ku saleysan in uu dalka dembi ka galay loona xiro.”
Hadalku macne gaar ah ayuu leeyahay, maxaa yeelay isagu ma mooga in Xasan uusan meesha u joogin Soomaali iyo Amisom midna, iska daa beel iyo odayaale, balse, isagu wuxuu ka doorbiday xaqiiqdaa inuu dhan kale naga tuso. Waa su’aale, Xasan dacwadda ku socota ee uu Yuusuf sheegayaa waa tee? Maxkamadda uu Yuusuf ka hadlee waa tee? Ma mid maankiisa ka dhisanaa, mise waa mid loo meershay oo lagu yiri sidaa dheh? Anigu garan waayey, ee qofkii noo sheegi kara waan ka sugaynaa.

Hadduu Faroole soo dhaweeyey, hadduu Axmed Madoobe si dadban ugu hiillinayo, ma bannaanka iska keen baa lagu yiri mise isagaa jeclaystay oo ula kac ayuu u sameeyey mise waa ka noqotay oo waa ka hoos baxday? Midda ay noqotaba wuxuu ka soo dhex muuqday shirkii QASWADAYAASHA ee ka dhacay Nairobi.
Ragga uu shirka la qaatay waa rag aan sumcad iyo magac midna Soomaali iyo dunidaba ku lahayn, oo wada shaati madoobayaal iyo cayayaanka siyaasadda ah,  waxayna u kala baxaan afar qaybood:
Gacan ku dhiigayaal dagaal oogayaal ah, sida; Geeddi, Axmed madoobe, Sheekh Shariif, Gaandi  iyo Xuseen Caydiid. (GACAN KU GARAADLAYAAL).

Madaxda Musuqmaasuqa Soomaaliya, sida: Laba Shariif, Galayr, Gaas, Sharmarke IWM. (JEEB KU GARAADLAYAAL)
Kuwo urur diimeed ku daaban,  sida Baadiyow, asii qof walbaa iska ilaalinayo, si uusan ugu noqon sida Morsiga Masar oo kale. (QAMIIS KU GARAADLAYAAL)
In aan meelna haysan ama hiyi raac,  oo hadba meesha ay mukul, muuq ama hummaag ka arkaan iska aada sida Yuusuf Garaad oo kale. (YAA I WACDEY).
Sidan waxan u leeyahay, maalintii shirka xigtay Yuusuf isagaa been qalinkiisa ku xarriiqay, maalintii ka labaad dadkii wuxuu ku afjigay “iga aamusa aniga ima dhaliili kartaan, qof walba wuxuu aaminsan yahay ha haysto” hadday inqaastiisu qoyan tahay yay inqaastiisu engegtey ama ka qallashay? Maalintii ka saddax ahaydna sida loo dhigay hadalka waa ka toobad keenay wixii uu sameeyey, isagoo yiri: “waxaan idiin ballan qaadayaa in aanan ka qayb gali doonin fadhi umadda Soomaaliyeed lagu waxyeelayo!” la yiri: “afkii ba’ay yiri towba ma waayo!”.

http://caasimada.com/wp-content/uploads/2013/07/yu.png
Weydiinta yaa ah: ninka damac baa dabada ka riixayee, yaa damaanad qaadaya inuusan dib ugu laabanayn? Midda kale, markuu beenta isla kala jiidayey, ee dadka ku afduubayey “waxaaga ha igu qasbin” muxuu qarinayey? Inta uusanse ballanta noo qaadin waa inuu soo bandhigaa waxa beentiisii hore burinaya, haddii kale cid aaminee ma jirto. Kaba muhimsane, waa inuu sheegaa waxa ku kallifay inuu been intaa la eg sheego, iskuna dayo inuu qariyo wax aan qarsoomayn. La yiri: “nin daad qaaday xunbo cuskay”.

Yuusuf mar kale ayuu ku soo laabtay arrintii Xasan Daahir, oo haddana qoray sidan: ““Laba mid ayuu xalku ku imaan karaa. In la sii daayo (masaafuris iyo haddii kaleba) iyo in Maxkamad la soo taago qareenna loo oggolaado. Labada tallaabo middii ay dowladdu ku dhaqaaqeyso waxaa la gudboon in ay si dhakhsa ah ugu tallaabsato.” Waa iga su’aale Maxkamaddan Jaan ee uu ku hadaaqayo maxay ahayd?.
Aniga waxaa isu kay qaban waysay, waxaan gogol SHAYDAAN la fariisanayaan Geeddi, Axmed Madoobe, Xuseen Caydiid, Gaandi iyo Sh. Shariif oo dhan ah iyo Gaas, Ina Sharmarke, Cali Khaliif Galayr iyo rag ka sii liita oo dhanka kale ah, haddana, waxaan ku celcelinayaa in Xasan Daahir Maxkamad la saaro! Isma qabanayso, ee ama madaxa ayaa Yuusuf looga jiraa ama si kale ayaa wax ka yihiin.
Maxaa yeelay dagaal oogana inaad xumaanta la laaqdo, midka kalana aad tiraa ha la maxkamadeeyo waxay ka dhigan, adoo Nijaas ku dhexjira inaad qof kale ku tiraa; waxaas waa Nijaas! Oo adi xaadan isaga ilaalin, kaba muhimsane, adi maad ka dhex baxdid?!
Dhanka kale, Xasan Daahir dagaal oogayaasha kale wuxuu uga duwan yahay waa in ragga baacsanayaa ay yihiin Shisheeye caddaan iyo madaw isugu jira, halka GACAN KU DHIIGLEyaasha kale ee Yuusuf la Qaxweeyo aysan sidaa ahayn! Taa oo aan dadka qaar wali fahmin, Yuusuf Garaadba ha ugu horreeyee ama ha gartee, ha iska indha xiro dan doqomeedku ha ku qasabto.  Bal erayadan hadduu kii aqoon yahanka sheeganayey ku hadaaqayo, xaad caamiga ka filan kartaa?.

Xasan Daahir Maxkamad laguma soo oogin, ee waa nin booqasho QALDANTAY Xamar ku jooga, illeen haddaba XABSI kuma jiroo, GURI ayuu deggan yahay. ogoow, in la sii daayey raggii Xasan la socday badankooda. Qormo ku saabsan mawduucan mardhaw filo.
Dhibka jira baa ah, inta Yuusuf u aragta nin heego sare gaaray baa badan, waxaana u badan dhallinta saxaafadda iyo warbaahinta dhawaan ku soo biirtay, oo habeen iyo maalinba ku Alla barya: “Allaw Yuusuf oo kale iga dhig!” “Allaw nimaan wax ogayn ha cadaabin” baa hore loo yiriye, ninka u ah tusamda iyo tusaalaha inaan xariggiisa xigmadi ku jirin ma oga! Hubaal inuu intaa oo sano BBC soo hagayey, balse, weydiinta yaa ah: xuu ka soo kororsaday?.

QABQABLE iyo WADAAD, QASWADAA ka daba maray!
Yuusuf Garaad waligii wax ma qorin (buug), inta uu xog hayana qof Soomaali ah oo haya waa yar yahay, halka dad badan oo dhagaysan jiray waraysiyadiisa ay buugaag badan qoreen, dadkana wax ku soo kordheeyiin aragti ama dhacado mid uun.
Yuusuf Garaad ma nin xabad xaaranaa? (Dhaladnimo ama dadnimo lahayn) Nin Xis maranaa? (Ogaal ama aqoon lahayn) Nin Xoog la’aa? (Awood ama itaal haysan) Nin xil kasaynaa? (xishood ama xarrago lahayn) Nin xukun garanayaa? (Muddac iyo eedayn ogaynaa) Nin xog la’aa? (garasho ama garaad lahayn) Yuusuf Garaad ma nimaan eeddu karinaa? Nin aan eeddu karin waa meel xunfadhi! Aqriste,  adigu bal middee ku qiyaasi lahayd?.

Yuusuf maalmahaan “aan la ii dirsan” aa kugu badataye, haddaan laguu dirsan maa iska daysid, illeyn Soomaalidu waxay tiraa: “Hoowli wanaaggeed, waa ha laguu dirsadee!” haddii kale, “YUUSUF AAN LOO DIRSAN” ayaad ku dambayn doontaa.

Midda isaga kaa laban ee aan kuu kala saarnayn yaa ah: maalintaad BBC-da u shaqaynaysaba taladaada waa loo boohnaa, wax ku oolna waa ahayd, haddaadse maalintaa is lahayd kuuma habboona waad qaldanayd, maanta oo aan meel aan loo baahnayn iyo qaab aan loo baahnayn aad u sheegasyana kaba sii daran, marka tii horeed mudnayd haddaad la gaabsatay, maanta oo aan lagaa maqlayn illeen loollan ayaad kula jirtaaye maad dhaqaalaysatid?.

Tan kale, midda aad mudnayd ee aad mar kale garab martay waa inaad wixii aad taqaannay dhallinta u hamuun u qabta, ee adiga ku fiirsata aad u faa’iidayn waysay, waxaan uga jeedaa, ka warran haddii aad Xafiis u furato ee aad ku lafa gurto hannaanka warbaahinta Soomaalida, ayna wehliso, baaritaanno, tirakoobyo, siminaarro, casharro, kulammo, aqoon si weydaarsi IWM?.

Ma waxaad ku qanacday inaad maalin walba Nairobi shir Soomaaliya looga hadlayo adoo marti ka ah aad ka qaybgasho? Ka warran haddaad adigu qabanqaabiso, oo aad qorshaha, qaabka iyo qodobbada dajiso, ee aad dhulkii hooyo ku qabato? Ka warran haddaad xil iyo masuuliyad iska saarto inaad inta baahida u qabta warbaahinta aad ka haqabtirto, maadaama aad aqoon fog iyo fiiro badanba u leedahay, oo wax noloshooda wax ka baddali karo, dadkana wax tari kara adna aan wax kaa goynayn aad ugu deeqdo?.
Ka warran haddaad inta aad Facebook iyo Blog yar ka dhex naanaalayn lahayd, aad xarun rasmi ah, xaqlo cilmi, xafiis mudane iyo xer kuu gaar ah oo kuu soo xeraysata aad isku dubbaridato?.

Ka warran intaad MA GUDBAYAASHA lagu GUDBO/lagu GUURO aad ag gabraari lahayd, ama inta MA LIIBAANAYAASHA lagu LIIBAANO aad ag yuurari lahayd haddaad liibaanta iyo guusha aad horseed u noqoto? Saw adna kuuma roona, dadkana uma rayso?.
Bal inta sare ee ama qallooc kaaga muuqan karo, ama aan is qaadan karin ama kuu cuntamin iska dhaafto, oo candhuuftaada dib u laqdid, horta maskax deeggan iyo maan fadhiya inta aarinta ku maamushid, afarta baragaraf ee u dambaysa miyaanan haleelin?.

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com
www.bilediraac.wordpress.com

Afeef: Allgalgaduud Mas’uul Kama Ahan Aragtida Qoraalkan Iyo Cinwaankiisa.