Muqdisho(AGGM) Kooxo Alshabaab ayaa xalay ku dilay mid ka mid ah xaafadaha Beledweyn askari ka tirsan booliska degmada, iyadoo laga qaaray qorigiisa. Wararka ayaa sheegaya in ragii hubeysnaa ee dilka geystay ay baxsadeen, waxaana dilkan uu saameyn ku yeeshay Xaafad Xaawo Taako oo ah halka dilka ka dhacay, halkaasoo saakay ay howl galo ka wadaan ciidamada ammaanka.
Askarigan ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Faarax, waxaana uu noqonayaa askarigii u horeeyay ee lagu dilo magaalada muddo bilooyin ah. Dilkii ugu dambeeyay ee ka dhaca Beledweyn ayaa waxaa uu ahaa dilkii loo geystay Afhayeenkii odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan oo bishii Ramadaan ee tagtay la dilay.
Ciidamada ammaanka ayaa wada howl galo lagu baadigoobayo kooxihii dilka ka geysta magaalada, iyadoo saraakiisha ammaanka ay xaqiijiyeen in howl galada ay sii soconayaan. Magaalada Beledweyn ayaa ah qeybta afaraad ee howl galka nabad ilaalinta AMISOM, waxaana ku sugan ciidamo ka socda Jabuuti.
Ugu dambeyntii dilkan waxaa uu ku soo beegmayaa xilli ciidamada dawlada iyo kuwa Amisom hawlgallo culus ka wadaan gudaha Magaalada Baladweyne kuwaasi oo ay kula dagaalamayaan kooxda Alshabaab oo dhibaato lixaad leh ku haysa shacabka Magaalada Baladweyne.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com