Ninkii Furtay Maqaayadii "JOQOFEEY" Aheyd Iyo Siyaasiyiinta Soomaalida Oo Isku Habdhaqan Ah. By. Dr. Truman

0

Dr_-Truman5Sida aan wada og nahay dagaaladii sokeeye ummadda soomaaliyeed waxaay badadeen “halaag,murugo iyo xanuun badan” dadkii intii qaxday welina qaxaysa qaar kood waxaay ku dhammaadeen badaha,saxaraha,xabsiyada,dil bareer ah, fufsi iyo addoonsi aan tiro laheyn, dadkii intii waddanka gudahiisa ku hartayna xsuuq bareer ah aan dhammaad laheyn, dil,barakicin,daryeel la’aan dhinaca caafimaadka, wax barasho la’aan,kufsi,dhac iyo boob,in qaarkood gaajo u dhammadaan iyadoo cuntadii loo diiday lagu badbadin lahaa. Arrintaan ma ahan sheeko qiyaali ah” science fiction” ee waa xaqiiqo dhab ah ” facts” markii la qaxay dad baa nasiib u yeeshey iney garaan meelo aad looga soo dhaweeyey kana heley daryeel dhinacyo badan leh iyo soo dhaweyn” bini-aadnimo leh” dadkii nasiib kaas yeeshey waxaa ka mid ah mulkilaha maqaayadda ” JOQOFEEY” maqaayaddaan waxaa laga furay magaalooyin dunida caan ka ah sida: London, Paris, Barline iwm waana magaalooyin ah “metropolitan cities” waana magaalooyin ay ku nool yihiin dadyow kala duwan sida dhalashada”Nationality”,diimaha”Religion”,dhaqanka iyo caadooyinka” Culture and Traditions” luuqadaha ama afafka “languages” iyo midabkaba “Colours”. Sidaa awgeed ummad kastaba waxaay leedahay dhaqan weliba dhinaca cuntooyinka ” food of culture” marka qof doonayo inuu sameeeyo ganacsi qaas ahaan sida maqaayad ama dukaan weliba kuwa cuntada Ceeriin iibiya, qof wuxuu ku talo galaa in dadka wax ka gadanaya ay noqdaan kuwo kala duwan sida cuntooyinka maqaayadda la cuno oo kale,qofna wuxuu ugu talo galaa iney wax ka cunaan dad gaar ah.

Aan ku bilaabee maqaayaddii ” JOQOFEY” aheyd soomaalidu badanaaba marka ay maqaayad noqoto wuxuu ku diyariyaa” Pasto,Bariis,Hilb iyo Muus”intaas baa laga cunaa,dadka wax ka cunayana waa soomali waana caadi taas ,waayo cuntooyinka adduunka laga cuno waa lagu kala duwan yahay meelo badan. Mulkilihii maqaayaaddii Joqofeey aheyd wuxuu helay dhaqaale wuxuuna xirtey Garabaati,sina waa isku arkay qof ahaan habeen madoow baa waxaa ku soo booday cudurkii dilaaga ahaa ee Buufiskii qabyaaladda soomaalida halaagay wuxuuna bilaabay inuu tago Shaashadaha la iska arko sida Tv-yada asagoo abuur afka ka tufaya sidii awr qooqan oo kale,intaas waxaa ka daran arrintu Tv-yada kuma ekaane waxaa lagu qoray ama la soo dhigay meel kasta loo adeegsan karo Technology-ada casriga ah. Dadkii soomaaliyeed ee maqaayadda imaan jirey waxaay aad ula yaabeen ninkii mulkilaha ahaa maqaayaddii Joqofeey aheyd sida xanuunka ba’an ugu soo booday, maqaayaddii waa lagu kala guuray xattaa cid kale iska daaye kuwii dad uu islahaa qabiil ku beer laxowso intii dareen soomaalinimo iyo xishood ku dambeysey waa ka qaxeen maqaayddii Joqofeey aheyd waayo waxaa qof walba u arkey armaa lagugu sawiraa indhaha dadku ku qabtaan,meeshii waa isa soo xirtey waayo soomaalida bay ku shaqeyneysey,laakiin nasiib darro mulkilihii maqaayadda ma fahmeyn in waxa ay ku shaqeyneyso ay tahay soomaalida walaalihiis ah ee “Client” u ah.

Siyaasiinta soomaalida ayaa waxaay la mid yihiin mulklihii lahaa maqaayaddii aheyd ” JOQOFEEY” ee kala ceyriyey dadkii client u ahaa,waayo siyaasigu marka uu leeyahay hammi siyaasadeed weliba heer qaran micnaha hammigiisu yahay inuu qabto masuuliyad qaran waa inuu leeyahay fekerkii iyo damiirkii soomaalinimo waayo waxa aad ka dooneysid iney kalsooni ku siiyaan waa shacab-weynihii soomaaliyeed,taas marka haddii aad isku soo xirtid albaabka tolka iyo beesha kuma gaareysid masuuliyad qaran waayo waxaad tahay nin qabiili ah una shaqeyn doona danaha qoyska ama beesha islamarkaasna aan wada og nahay inaan qabiil iyo beeltoona waxba loo qaban laakiin lagu beer laxowsado si jeebka loo buxsado qabiilkuna noqday wax lagu shaqo tago ama aalad loo adeegado siyaasadda qabkaan waxaa isticmaala shaqsiyaadka aan isku isku kalsooneyn arrintaan ma ahan mid hadda soo bilaabatay ee waxaay mid ka soo bilaabatay ” Jabhadihii qabilliga ahaa” ee aabaha u ahaa burburkii iyo halaaggii waddanka ku dhacay . Sida muuqata soomaalidu runta ma sheegto iskumana sheegto, waddanka waxaa halaagay siyaasiin qabiili ah isla markaana doonayey qabiil wax ku noqdaan waana midda keentey iney abuurmaan”ALCAPONE-YAAL”badan oo ah qaswadayaal”Spoilers” dowlad diid ah,qabiilna doonaya iney wax ku noqdaan waxaayna kuwaas qeyb ka yihiin caqabadaha hortaagan sidii shacabka somaaliyeed loo badbaadin lahaa ulana soo noqon lahaayeen sharaftii,karaamadii lagu yaqaanay shacabka soomaalyeed. Waxaan la soconnaakana dheregsan nahay waxa ay yihiin kuwa isku urursanaya waddamada soomaali la derisk ah isla markaana geed dheer iyo geed gaaban u fuuley welina u saaran sidii ay dowladda soomaaliya u curyaamin lahaayeen iyagoo diidan kana xun horumarka ay dowladdu ay sameyneyso, isla markaana la wada og soon yahay iney yihiin shaqsiyaad ku fashilmey siyaasdda soomaaliya iyo sidii xal looga gaari lahaa dhibaatooyinka kala duwan ee heysta ummadda soomaaliyeed marka laga eego dhinacyada : Amniga, dhaqaalaha, caafimaadka,waxbarashda, is dhex galka bulshada soomaaliyeed ee qabyaaladda loo kala qoqobay iwm arrimahaas oo dhan wax ka qabashadoodu waxaay ku xiran yihiin in la soo celiyo sharcigii iyo kala dambeyntii “Law and Order”waddanka dhanna la gaarsiiyo kana hawl galaan dhammaanhey’adaha dowladda.

Waxaa wax aad iyo aad looga xumaado ah dad sheeganaya siyaasiin soomaali ah,aqoon sheeganaya haa,xilal kala duwanna soo qabtay in ay ku fekeraan sidii ay dowladda u carqaladeyn lahaayeen haddana taageero siyaasadeed iyo xulufeysi ka raadiyaan dowlado shisheeye, isla markaana la og yahay shaqsi kasta oo ka mid ah nimankaan meelaha ka qeylinaya,haddii aan in ka mid ah qaswadaayaasha tusaale u soo qaato iyadoo arrintu u micne ekaanaysa caqligii iyo fekerkii mulkilihii maqaayaddii “Joqofeey aheyd” arrintaan ma ahan aflagaado ama ceebeyn waayo siyaasigu wixii afkiisa iyo maskaxdiisa ka yimaada haddii lugu dhaliilo ma ahan in qofkii shaqsiyaddiisa wax loo dhimey. Sidaa aweed shaqsiyaadka siyaasadda ku fashilmay iyagoo  qabiil wax ku doonaya micnaha qabyaalad la siyaasadeey,taarikkhdu ma dhimato qofkuna asagaa taarikhda sameeya isla markaana waxaay leedahay taariikhdu laba weji” mid qurux badan iyo mid fool xun” Tusaale Prof Cali Maxamed Geedi markii uu ahaa Ra’isulwasaarah soomaaliya Dowladdii Cabdullaahi Yuuuf Axmed allaha u naxriiste waxaan soo qaaanaya laba arrimood oo ah qabyaalad cad uu ku fashilmay ninkaan dowlad diidka ah markii ay is qabteen Geedi iyo Yuusuf, Geedi wuxuu shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo oo markaas xarun u ahed dowladdii Yuusuf,Geediawuxuu si cad oo bareer ah u yiri ” Dadka xamar ku nool waxaa dowladdii geeska africa ugu xoog badned ee Maxamed Siyaad Barre waxaa xamar ka ceyriyey wiilal “Dacas qaba” ma annago waxba aheyn miyaad iska kaayo dhicin weydeen” taas uu ula jeeday in hab qabiil loola dagaallamo dowladdi Yuusuf, siyaasigu mar buu noqdaa “death Walking” Geedi maalintaas buu siyaasi ahaan u dhintey waayo Prime-minister micnaheeda ma uusan fahmin sida ay tahay cilmiyan, arrinta kale Geedi ku noqday siyaasi fashilmay waxaay aheyd intii aysan is qabanYuusufGeedi wuxuu tagay Xamar wuxuuna waqtigaas la kulmay Sheikh Xasan Daahir Aweys,Sheikha waxaa wareystey Idaacadaha maxaliga ah “local media” waxaana la weydiiyey waxyaabihii ay ka wada hadleen asaga iyo Geedi “Sheikhu” wuxuu ku jawaabay Geedi waxaan ku iri dadkaagii maxaa kaa dhex saaray,Geedi-na wuxuu iigu jawaabay buu yiri Sheikhu” dadkeygii waa ixumaayeen” arrinta ugu dabeeysa fashilka siyaasadeed ee Geedi waxaa waaye markii asagoo ah Prime-minister wiilkiisa Aroosaya ku bixinayey kumanaan $ Hotel-da Nairobi, lacagtaas waxaay aheyd Hantidii shacabka soomaaliyeed from Raascaseyr to Raaskaambooni isla markaasna waqtigaas Malaayiin soomaali ah baa waxaay la daaladhacayeen dhibaatooyin badan gudaha iyo dibeddaba.

Siyaasiga fashilmay hab dhaqanka qabyaaladda iyo eexdaaba Prof Cabdi Weli Gaas ahna Ra’isulwasaarihii hore soomaaliya asagaa afkiisa ka sheegay afar arrimood muujinaya habdhaqanka qabyaaladda midda koowaad waxaay aheyd arrin ku saabsan Prime-ministerkiisii Dr Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, waayo shaqsiyaddu ma ahan wax la iska helo ama hadiyad la isku siiyo,markii la soo saaray Arrintii ku saabsaneyd Kampala Accord,Farmaajo wuxuu u arkay in lagu bedelo Prof Gaas, waxaa dhacaday marka maalin Baarlamaankii ku meel gaarka ahaa ayaa waxaa la doonayey in Baarlaaanku aqbalo” Kampala Accord” kulanka waxaa joogey laba shariif iyo Prof Gaas markaas u magacaaban inuu yahay Ra’isulwasaaraha soomaaliya,Gaas baa isku dayey inuu ka dhaadhiciyo Baarlamaanka soomaaliya waxa uu yahay iyo sida uu ku yimid “Kampala Accord” wuxuuna si cad Gaas uga horsheegey Baarlamaanka hortiisa inuu asaga Gaas ahaa uu joogey bilow iyo dhammaad Kampala Accord hal mar baa waxaa is qabsaday dhawaq dheer kana imaanayey mudanayaasha Baarlamaanka soomaaliya,waxaayna u fahmeen inuu qeyb ka ahaa cinqalaabka lagu sameeyey Farmaajo, sidoo kale markii UN Report kuna saabsanaa dhinaca dhaqaalaha la musuqmaasuqo kuna saabsaaa waxaaa la wada og yahay in Gaas ku eedeeyey in Dowladdii Farmaajo lacago ku maqan yihiin, isla markaasna asagaa ka mid ahaa dowaddii farmaajo xattaa haddii uu oran lahaa Farmaajo lacag baa ku maqan ee wuxuu yiri dowladdiisii bay lacag ku maqan tahay!!

Sidoo kale Gaas sannadkii 2012 markii soomaalida shirka loogu qabanayey London waxaa jirey Barnaamij TV-Universal ka baxa lana yiraahdo “Dood Wadaag” wuxuuna ahaa barnaamijkii ugu horreeyey ee Un-TV dood qabto maalmihii uu soo dhammaaday shirkii London waxaana lagu casumay Gaas, dadkii ka qeyb galayaasha ah mid ka mid ah baa wuxuu u soo jeediyey Gaas iney iyagu u baahan yihiin dib u heshiisiin waa” Gaas iyo laba Shariif” Gaas wuxuu ku jawaabay ineysan jirin khilaaf ka dhexeeya laakiin wuxuu intaas ku daray haddii uu khilaaf jiro iney caadi tahay waayo buu yiri nin walba wuxuu ka yimid”CONSTITUENT” Cajiib haddii madaxdii qaranka isla markaasna mataleysey iney matalayaan qabiil ama beel gaar ah taas micnaheedu sow ma ahan Gaas asagoo Ra’isulwasare soomaaliyeed ah ayuu isu arkaa inuu qabiil meesha u jooga, inuu yahay nin qaran ma fahansana!. Arrinta kale ee yaab
ka ah waxaay tahay isla markaasna marqaati ah arrinta la xiriirta qabyaaladda Gaas markii uu iska casilay xildhimaanida wuxuu shir ku qabtay Canada wuxuuna shirkaas dadka hortooda ka caddeeyey inuu ” Eex u sameeyey” Maamulka la baxay Puntland ” marka aan leeyahay la baxay micnaha aniga ma ahi dadka aqoonsan dowlado qabiil ku dhisan” Gaas wuxuu u arkayey iney faa’iido u tahay asagoo siyaasada degaanka iska iibanayey laakiin ma uusan fahmin dhibaatada ay ku yeelaneyso asaga shaqsiyaddisa in lagu faano qabyaalad baan sameeyey, midda ugu dambeeysa Gaas Fashilaaddiisa siyaasadeed waxaa waaye wuxuu sheegay inuu yahay musharax u taagan xilka guddoomiyenimo ee Puntland wuxuuna yiri asagoo u wareysi siinayey VOA Somali ” Gaas wuxuu yiri waxaan rabaa haddii aan ku guuleysto doorashada inaan hagaajiyo xirirka waddanku la leeyahay waddamada Deriska ah iyo beesha Caalamka!! waa mucjiso weyn ma waddan gooni ah baa puntland miyuu iloobay dowladdii soomaaliya oo dhan ka dhexeysay iney jirto. Taas waxaay noqoneysaa maxaay ku kala duwan yihiin Faroole iyo Gaas?

Qaswadayaasha ” Alcapones” haddii aan meel looga soo wada jeesan ummadda soomaaliyeed inta ka harteyna waa iibsanayaan maalin cad waxa kaliya looga badbaadi karo waxaay tahay in la ogaado waxaa ay yihiin shaqsiyad ahaan,intooda badan waxaay soo qabteen xilal qaran mid sumcad ku leh ummadda soomaaliyeed ma jiro waayo qofka markuu masuul noqdo waxaa lagu qeymeeyaa wax qabadkiisa, kartiidisa, daacadnimadiisa, waddanimadiisa,waxaaa yaab ah i xattaa kuwii badda isku dayey iney iibsadaan oo dowladda soomaaliya dhaliilaya, kuwii dhacay hantidii ummadda soomaaliyeed baa weli hadlaya oo aan xishooneyn. Dhammantood qaswadayaashu waxaay la mid yihin Mulkilihii Maqaayaddii ” JOQOFEEY AHEYD” clientigisa ka kala carareen ee Ogaantoobay, ma aaminsani iney taageero soomaalinimo ku helayaan qaska ay wadaan dhammaan dowlad diidku waayo dowlad diid wuxuu diidan yahay in shacabka soomaliyeed noolaadaan, dowlad diidku wuxuu diidan yahay qarannimadii soomaaliya, qaran diidku wuxuu diidan yahay karaamadii iyo sharaftii soomaaliyeed iney soo noqoto.

Waxaan ku soo gabagabeynayaa soomaaliyee” dowladnimo,qarannimo iyo midnimo soomaaliyeed lehna karaamo iyo sharaf baan dooneynaa” haddana waxaan sameysaneynaa dowlado qabiil oo sharciyeysan wax is qaban kara ama meel iskugu imaan kara ma ahan waayo nadaamka federalku ma ahan mid xal u keenaya soomaaliya laakiin  waa mid sii kala fogeynaya waayo marka si kooban sharaxaad looga bixiyo ama la qeexo micnaha federalism” waa nadaam dadka ku midoowbay ay dadku waxna kala leeyihiin,waxna ay ka dhaxeeyan, tusaale soomaalidu maxaay kala la haaneysaa ma diin bay kala la haaneysaa?, ma dhaqan bay kala la haaneysaa?, ma luuqad bay kala la haaneysaa?, ma dhalasho bay kala la haaneysaa? U jeedada ka dambeysa federalka ee ah waxna waa la kala la haanaya waxna waa a wadaagaya micnaha sow ma ahan qabiillada soomaalida ayaa dhul kala la haanaya. Tusaale kooban waddana Itoobia ( sagaalka dowladood ee ka jira waddankaas” waxaa jira wax ay kala leeyihiin waayo qofka soomaaliga ah diin, dhaqan,af ama luuqad iyo Ethnic lama wadaago> qofka amxaarka ah, xataa kuwa muslimiinta ah tusaale qofka soomaaliga ah isku dhaqan ma ahan kan Oromada ahn ee muslim ka ah, isku luuqadna ma ahan, sidaa awgeed nadaamka federalka ah wuxuu qeyb ka yahay qaswadayaasha waayo wax walba waxaay leehihiin wax ku wanaagsan ama ku habboon Dacawadu sida libaaxa uma socon karto, haddii ay iska doon doontana ma keeni karto waayo uma dhisna habkaas. Sidaa awgeed soomaaliya waxaay u baahan tahay “Redirection” in lagu sameeyo nadaamka ay hadda ku socoto waayo waan u jeednaa sida loo qaatay inuu yahay Nadaamka federal ka ah, taasna waa nasiib darro meeqa sano bay nagu qaadaneysaa in la xaliyo waan goostay, dowladda waan ka baxay, waxaana loo baahan yahay very simple in la fahmo, Markii qabiil yeesho madaxweyne qabiil dadkiina laga dhaadhacsiiyey anigoo qabiilkaa ah baa madaxweyne kuu ah kana amar qaadaneysaa, dadka ku hoos nool madaxweynaha qabiil maba u baahna madaweyne kale iyo dowlad kale toona waayo wuxuu arkaa nin madaxweyne qabiil ah dibedda u duulaya maalin walba, dowladaha deriska ah la soo shiraya,safiiro Ajaaniim ah soo booqanayaan, dowladba kama maqna
iyagoo dowlad ah marka ma sidaa soomaaliya dowladnimo uga hergeysaa” its very Ridiculousness” somali federal its absurd, absolutely absurd”

W/Q: BY Dr Dahir Nur Jama ( Truman)
 Jama191@hotmail.co.uk

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com