Saraakisha Ciidamada dalka Naigeria ayaa sheegay in laga yaabo inuu dhintay hogaamiyaha Ururka mayalka adag ee Boko Haraam, Abuubakar Shiiko oo ku dhaawacmay rasaas ay is dhaafsadeen Ciidamada Milatariga dalkaas iyo Ururka Boko Haraam oo ku dagaalamay Midaguri.
Warbixinta ay soo saareen Ciidamada dalka Naigeria, ayaa lagu sheegay in Abuubakar Shiiko oo kamid ahaa Hogaamiyaasha Argagixisdada loogu doon doonista badanyahay uu geeriyooday intii u dhaxeysay 25 July iyo 3 Augosto.
Abuubakar Shiiko, oo ay doowlada Mareeykanka ku sifeyso inuu yahay Aragagixiso Caalami ah, ayaa la sheegay inuu ku geriyooday dagal ay Ciidamada Milatariga dalkaas ku qaadeen kal sii horeysay Fariisin ay Boko Haraam ku leeyihiin waqooyiga dalkaas.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in dhaawaca Shiiko si qarsoodi ah loogu qaaday dalka Cameron, si halkaasi loogu soo daaweeyo.
Ciidamada Xooga dalkaas ayaa Bishii May ee lasoo dhaafay weerar xoogan oo saf ballaaran ah ku qaaday waqooyiga dalkaas si ay u tir tiraan dhaq dhaqaaqa Boko Haraam oo xiriir toos ah la leh Ururka Alqacida, waxaana lagu eedeeyaa Ururkaas masuuliyada dhowr qarax oo dad ku dhinteen iyo afduubyo dad ajaanib ah.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com