Waxaan la wada soconnaa arrimaha looga wada hadlaayo Gobolada Jubbooyinka ama jubbooyinka iyo Gedo,sida aan og nahayna waxaay ka socdaan waddanka”ITOOBIYA” waxaayna u dhaxeeyaan dowladda soomaaliya iyo kooxda Raaskaambooni ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe( Ahmed-Alcapone).Dowladdu waa ku qasban tahay iney dadka la hadasho,wada hadalna xal lagu raadiyo waayo Qori in xal lagu raadiyo waxaa ka wanaagsan in wadahadal wax lagu raadiyo lana isku tanaasulo.
Laakiin ma ahan iney dowladdu aqbasho afkaar lagu curyaaminayo dowladda laftigeeda iyo dadaalada ay ku dooneyso iney soo celiso sharcigii iyo kala dambeyntii lagu yaqaanay astaamaha dowladnimo.
Waayo haddii ay dowladdu aqoonsato maamullo aan heysan sharciyad dastuuri ah waxaa imaaneysa iney noqoto jaantaa rogan oo qof walba waxa uu doono sameeyo asagoo isticmaalaya allaadda wax gumaadda ee ay soomaalidu beryahan ku caan baxday toosoo ah”Qabiil la siyaasadeeyey qabyaalad ku dhisan” waxaana imaaneysa iney qabyaaladdu hesho taageerayaal badan meeshii la doonayey la yareeyo ku dhaqanka qabyaaladda ama in qabiil la siyaasadeeyey lagu doono hammi-siyaasadeed.
Marka ay soo bataan maamullada ay hoggaaminayaan shiqsiyaad ah” Alcapone-yaal) waxaa imaaneysa iney isbaheystaan iyagoo isku kaashanaya beenta,qabyaaladda,dhaca,boobka iyo iney ka horyimaadaan shaqeynta sharciga waddanka u yaal waayo qofku haddii uu ku cayilo sharci darrada, wuxuu u arkayaa in sharcigu yahay cadowgiisa,isla markaana uusan u hoggaansamin sharciga.Alcapone wuxuu ahaa Gangsterkii ugu weynaa Mareykanka isla markaana Alcapone wuxuu isu arkayey inuu yahay nin aan sharcigu qaban waxa uudoona sameeya,wuxuuna magaalooyin badan ka dhigey meel aan sharcika jirin”lawless citiies” sida Chicago ( Alcapone was America’s best known ganster and the single greatest symbol of the collapse of law and order in the united states during the 1920’s prohibition era) Alcapone wuxuu hoggaaminayey dhaqdhaqaaqyo sharci darrro ah ( Capone had leading ride in the illegal activities that lent Chicago its reputation as ” a Lawless city”.
Haddii marka aqoonsi la siiyo dad doonaya iney wax dhacaan sida Mafia -da o kale isla markaana aan dooney iney sharciga u hoggaansamaan maxaa ka imaan kara marka la aqoonsado,waxaa ka imaan kara waa wax iska cad cidna daah kama saarneyn,sidaa awgeed waxaaan leeyahay yaan la isku badin maamullada sharcidarada ku dhisan haddii kale dhibaato weyn baa ka imaan doonta waayo, Alcapone-yaashu ma ahan kuwo u naxayo soomaalinimada, ma ahan kuwo la doonaya kaaramo iyo sharaf ummadda soomaaliyeed.
Sida muuqatana qofku markii koox sameysto isla markaana diido inuu u hoggaansamo sharciyda ama sharuucda dalka u taalla wuxuu noqonayaa qof leh astaamihii Alcapone waayo Capone wuxuu ahaa nin sharciga diidey,isla mar ahaantaasna ka dhigey meel aan sharci ka jirin magaalooyinkii uu saameynta ku lahaa waqtigii uu ku jirey shaqada mafiayada ah.
Isla markaana waxaa la caddeeyey inuu ahaa nin maskaxda looga jiro sida ay caddeeyeen dhaqaatiirka ku taqasusay cudurrada ku dhaca dhinaca maskaxda”Psychiatrists,and his personal doctor” sidii ay u caddeeyeen dhinaca caafimaadkiisa maskaxeed Alcapone( after suffering a mental and physical decline as result of neoresphilis, a Baltimore psychiatrist and Alcapone’s personal physician performed tests that showed his mental capability had diminished to that of a 12 year old) taas waxaay noo sheegeysaa in Capone uu ahaa nin maskaxada looga jiro isla markaana asagoo yar in madaxa laga maray waayo Alcapone ficiladiisii ma aheyn kuwa ay sameyn karaan maskaxada caafimaad ka qaba ama ka fayoow.Sideedana qofka maskaxada looga jiro waxaa lagu gartaa waxa uu sameeyo waa kuwo ka duwan ficilada ay sameeyaan dadka caadiga ah. Waxaa marka mujiso ah in dad aan caadi aheyn lagala hadlo masiirkii ay ummaddu laheyd.
Marka aqoonsi la siiyo waxaa ku xigi doona kuwa badan isla markaana wax ku raadinaya hab ku dhisan Alcapone-nism waayo soomaalidu waxaay tiraahdaa awrba arka ka horeeya ayuu ku deydaa,waan la soconnaa kuwa aan qarsan fekerkooda qaab qabiil ku taageeray iney dhismaan maamullo sharci darro ku dhisan ama aan dastuuri aheyn “unconstitutional administration” sida sharcigu qabo ama sharciyan loo hadlo soomaaliya kama jiro maamul buuxiyey sharuudihii dastuuriga ahaa ama maamul ahaan loogu aqoonsan lahaa waayo waxa hadda jira ee maamullada sheeganaya dhammaantod ma heystaan wax la yiraahdo legitimacy waayo midwalba oo maamul goboleed sheeganaya waa la wada og yahay ineysan aheyn maamullo jira oo dastuurka waafaqsan marka dhinac kasta laga eego sharci-ahaan , midba walbana magac buu la baxay, taas waxaa ka sii daran kuwo doonaya in si qasab ah loo aqoonsado maamullo kale oo aan dastuurka dalka u yaalla waafaqsaneyn waayo iyagaa ku dhisan sharci darro sidaa awgeed waxaay doonayaan iney si xoog ah aan gabasho laheyn weliba aan oran karo waa indho la’aan lagu qasbo dowladda dhexe ee soomaaliya.
Qofka dambiilaha ah haddii uu waayo sharci qabanaya wuxuu iska wadanayaa fal dembiyeedkii uu horey ugu jirey waayo wuxuu u arkayaa inuu xaq u leeyahay inuu sameeyo faldembiyeedka uu ku jiro, laakiin haddii sharciga la mariyo waxaa imaaneysa iney yaraadan fal dembiyeedyada.
Sidaa awgeed waa in la muujiyaa sareynta sharcigu leeyahay, dadka caadada ka dhigtey foowdada waa iney dareemaan in waddanku dastuur leeyahay, in waddanku leeyahay sharuucdii lagu kala hagi lahaa shacabka soomaaliyeed, in dadka la baro lana tuso in sharciga loo siman yahay, inuusan qofna ka sareyn sharciga dalka u yaalla.
Sharcigu ma yaqaanno reer hebel baa badan iyo reer hebel baa yar waa in sharcigu isku si u qabanayo qof kasta soomaali ah ayadoo aan loo eegeyn waxa uu yahay ee loo eegayo waxa uu sameeyey.
Waxaan ku soo koobayaa waddanka yaan loo horseedin in aqoonsi la siiyo maamullo aan sharcga waafaqsaneyn si loo yareeyo fowdada iyo u hoggaaansanaan la’aanta sharuucda waddanka u yaalla,haddii aan taas la sameyn waxaa imaaneysa heer la xakameyn weyn doono maamullo sharci darro ku dhisan oo sida mowjadaha badda soo butaaca ayna timaaddo heer waxba laga qaban waayo.
Waa in kuwa hadda sheeganaya la waafajiyaa sharuucda dalka, kuwa sameysmi doona lagu dhaqan geliyaa si wafaqsan sharuucda dalka u taalla, waa in maamulka sameys maya uu ka nadiif yahay muran dhuleed” Territorial Conflict) iyo in dadka degaanka ay ka wada raali yihiin kana qeyb noqdaan maamulka degaanka laga sameynayo.
Haddii Maamulka ay gadaal ka riixayaan dowladaha deriska la ah soomaaliya sida Kenya iyo Itoobiya marka laga soo tago kuwo meelo fog fog ku yaalla cayaartana qeyb ka ah, Faroole oo aan heysan maamul legitimacy ah haddana doonaya inuu sameeyo mid asaga la mid ah isla markaana ka leh dano siyaadeed, waxaa halkaas ka imaan kara dhibaato badan sida dowladda ay ku sii bataan isbaarooyinkii lagu hagar daameynayey, dad badan oo ku deyda in habkaas maamul lagu hanto, in sharcigii dalka u yaallay uu noqdo mid aan tayo laheyn cid kastana ay baal marto, in dowladda dhexe ay noqoto mid aan micna badan sameyneyn waayo ” Qabiilka Dowladda ah”, (waxaa imaaneysa Dowlad dhexe maxaay kaga baahan yihiin), haddii Dowlad Qabiil ay noqotey in la siiyo mudnaanta koowaad, ma tahay suuro gal inuu dhismo nadaam dowladeed oo tayo leh loona wada dhan yahay, isla markaana soomaaliya dhibaatada ay ku jirto ka saari kara mase waxaan dooneynaa shimbirayahow heesa halkiina jooga.
W/Q. Dr. Dahir Nur Jama ( Dr Truman)
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com