London(AGGM) In ka badan 116 Ruux oo sida la sheegay u badan Tahriibayaal Soomaali ayaa Ciidamada Ilaalada Xeebaha Talyaaniga waxaa ay ka badbaadiyeen Xeebta Siisali. Waxaana dadkaasi loo soo qaaday sida la xaqiijinayo dhinaca Jasiirada Lampedusa oo hoy u ah Tahriibayaasha.
Sida ay qortay Wakaalada Wararka ee AFP ayaa waxaa ay shacisay sabtidii ilaa iyo in kabadan 200 oo tahriibayaal ah laga badbaadiyay Xeebaha kala duwan ee dhaca Badda Talyaaniga inay ka badbaadiyeen Ciidamada Badbaada ee iyagu qaabilsan ilaalada Xeebaha Talyaaniga.
Sida la sheegayo tahriibayaashan ayaa u badan kuwo u dhashay wadamadda Afrika gaar ahaan wadanka Soomaaliya, Nayjeeriya ,Ereteriya & itoobiya,waxaana inta badan ay soo galaan wadanka Talyaniga iyagoo halkaas kala kulma dhibaatooyin badan oo dhinaca nolosha ah.
Tahriibayaashan ayaa marka ay soo gaaran gudaha wadanka talyaaniga qaarkood laga qaadaa Faraha isla markaasna aysan awood uu lahayn inay si xor ah ugu noolaadaan wadaamada kale ee yurub iyadoo intooda badan marka ay iska dhiibaan wadamada Yurub dib loogu celiyo wadanka Talyaaniga oo ay ku qabsato dhibaato lixaad leh.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com