BOGAADIN IYO HAMBALYO: Waxaa hambalyo iyo bogaadin mudan Xukuumadda, Golayaasha, iyo ummadda Somaliland guud ahaan sida ay nabadgelyada iyo qaranimada Somaliland dhidibada ugu aaseen. Somaliland waxay noqotay maanta xiddig ka ifaysa Geeska Afrika oo aan la inkirikarin. Somaliland oo aan ka go’in Somalia balse ka noqotay midnimadii 1960 waxaa hubaal in aanu fogayn aqoonsigeedu maadaama ay leedahay xuduud u gaar ah sida dalalka Afrika. Marka labaad, waxaan ka hadlayaa maanta tabashooyin beelaha qaar qabaan oo la xidhiidha dhismaha xukuumadaha, golayaasha qaranka, iyo mashaariicda horumarinta Jamhuuriyadda Somaliand oo loo arko inay ka jirto cadaalad-darro iyo sed-bursi saa’id ah oo lagu eedaynayo Beelaha Isaaqa ee u badan dalka. Waxaan kale oo aan ka hadlayaa isku-shaandhaynta xukuumadda Somaliland iyo saamiga Beelaha dalka. Ugu dambayn, waxaan soo jeedinayaan talooyin aan u arko inay qiimo u leeyihiin dalka iyo dawladnimada Somaliland.
TABASHOOYINKA BEELAHA HARTIGA SOMALILAND
Marka laga reebo isku-shaadhayntii u dambaysay ee xukuumadda Somaliland, wasiirada ugu muhiimsan iyo maareeyayaasha hay’adaha madaxbanaan ee ugu muhiimsan ee dalka waxaa runtii isku koobijiray markasta Beelaha Isaaqa mudadii 22sano ahayd ee dalku dawlad ahaa, Welina Guddoomiyaasha Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida, iyo Guddoomiyayaasha Axsaabta Qaranka (Kulmiye, Wadani, iyo Ucid) waxay gacanta ugu jiraan Beelaha Isaaqa. Gobollada Sool iyo Badhan ma helaan saamiga ay ku leeyihiin mashaariicda horumarinta dalka. Waxaa muuqata in dawladnimada iyo mashaariicda horumarintaba intooda badan lagu koobo Galbeedka Somaliland. Somaliland waxaa dadkeedu ka koobanyahay Beelaha Isaaqa, Beelaha Harti, Beesha Samaroon, Beesha Ciise, Beesha Fiqi Shinni, Beesha Gabooye iwm. Waa hubaal in sida loo kala badanyahay loo kala saami badanyahay dhinaca tirada wasiirada laakiin gar iyo dow midna maaha in loo kala nuxur bato oo beelana lagu taxo wasiiradda ugu qiimaha badnaa dalka, beelo kalena la siiyo wasiirro aan nuxur weyn lahayn oo weliba tiro yar. Sidaas oo kale, gar maaha in mashaariicda horumarinta dalka ay ka qatanyihiin gobollada Sool iyo Badhan.
Haddii dawlad la noqday, dalka dhib, dheefba, iyo horumarinba waa loo wada simanyahay. Markaas beelina ama gobolna xaq uma laha inay hesho wax ka baxsan saamigeeda. Cadaaladdu waxay ummad kasta u keentaa midnimo, midnimana waxay dhalisaa nabadgelyo iyo horumar. Sida la ogyahay, Beesha Dhulbahante waxay la simantahay beelaha waaweyn ee Somaliland ee kala ah: Beesha Habar Awal, Beesha Habarjeclo, iyo Beesha Habaryoonis. Beesha Warsangeli waxay iyaduna la midtahay Beelaha Dhexe ee Somaliland. Sidaas oo kale, Beesha Gabooye waxay ka mid tahay beelaha dhexe ee Somaliland oo iyadana markasta la duugo saamigeeda. Sida aan la wada soconno, ummadda Somaliland waa is wada cafiday sannadkii 1991 taas oo ahayd arrin qiimo badan oo Eebbe (S.W.T) raalli ka yahay kuna weyn Diinta Islaamka. Eebbe (S.W..T) waxa uu ku leeyahay Suuradda Al-Acraaf, Aayadda 199, “Qaado cafiska (Saamaxaadda) oo amar wixii wanaagsan kana jeeso jaahiliinta.” Waxaa kale oo Eebbe (S.W.T) Suuradda Al-Anfaal, Aayadda 61aad, ku leeyahay, “Oo haddii ay u iishaa xagga nabadda adigana sidoo kale u iilo, oo talo saaro Eebbe. Xaqiiqdii, waa Isaga Maqal Badanaha, Cilmiga Badan.” Cafiskaas awgii ayaa ummadda Somaliland ku wada aasaastay Jamhuuriyadda Somaliland ee ay ka dhaxashay nabadda iyo dawladnimada ay maanta haysato.
BALLAN-KA-KABIXII BEELAHA HARTIGA SOMALILAND
Beelaha Hartiga Somaliland (Dhulbahante iyo Warsangeli) waxay ka mid ahaayeen beelihii wax ka aasaasay dalka Somaliland sannadkii 1991. Nasii-darrose waxaa qaybweyn oo ka mid ah siyaasiyiinta iyo madaxda dhaqanka ee labadan beelood ka qayb galeen aasaaskii Maamulka Puntland sannadkii 1998 iyaga oo ay ka xoog-roonaatay caadifad qabiil. Labadan beelood waxay taariikh, dhaqan, dal, dad, xuduud, iyo dawladnimaba la wadaagaan umadda Somaliland. Xuduuduhu kuma dhisna qabiil balse waxay dhammaan xuduudaha Afrika iyo adduunkuba ku dhisanyihiin dhul. Afrika kama jirto dal ka kooban hal qabiil, dal kasta waxaa deggan beelo kala geddisan, beelo badanna waxay kala deggan yihiin dhawr dal oo Afrikaan ah. Dalalka Afrika dalna ma sheegankaro dad iyo dhul ka tirsan dal kale oo Afrikaan ah sababta oo ah waxay abtirsiimo wadaagaan beel ka tirsan dalkiisa. Arrinta beelaha Harti ee Somaliland ku kaceen waxay ahayd ballan-fur. Ballan-furka ama wacad-furka waa arrin ku xun dhaqanka Somalida amaba Diinta Islaamka lagumana liibaano lagumana guulyasto. Dalkaaga iyo dadkaaga lama inkiro, dagaalna looma abaabulo.
Madaxda sare ee Somaliland waa inay garawsataa tabashooyinka Beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli ee Somaliland, degdegna wax uga qabataa tabashooyinka la xidhiidha saamiga dawladnimo iyo mashaariicda horumarinda ee ay xaq u leeyihiin gobollada Sool, Buuhoodle, iyo Badhan. Beelahan waxaa iyagana waajib ku ah inay aaminaan dadkooda iyo dalkooda kana soo baxaan Maamulka Puntland ee Somalia ka tirsan. Somalidu waxay ku maahmaahdaa, “Caws Jilaal waa Lama huraan.” Dhulkiinnu iyo dadkiinnu waa Somaliland waana lama huraan.
MAAMULKA PUNTLAND
Puntland oo ka kooban labada gobol ee kala ah Nugaal iyo Bari waxay ka tirsantahay Somalia oo ay taariikh, xuduud, dhaqan, iyo qaranimaba la wadaagta. Maamulka Puntland waa ogyahay inay xuduudda Somaliland ee caalamiga ah marto Garoowe iyo Ceelaayo. Sida Maamulka Puntland aanu u sheegankarin Hartiga iyo dhulkiisa ka tirsan Itoobiya ayaanu marnaba u sheegankarin Hartiga iyo dhulkiisa ka tirsan Somaliland. Danta iyo nabadda Puntland waxay ku jirtaa inay ilaaliso shuruucda caalamiga ah ee la xidhiidha xuduudaha adduunka oo aanay cidna ku xad-gudbin. Waa in Puntland ka hadhaa xuduudda Somaliland oo aan laga reebin.
GOBOLKA SANAAG
Dadka Somaliland waa badanayaa, dhulkuna waa ku yaraanayaa mustaqbalka badashadaas awgeed. Sida lala wada socdo Gobolka Sanaag waa gobolka ugu weyn Somaliland waana gobolka ugu muhiimsan xagga arrimaha degaanka, xoolaha, beeraha, macdanta, kalluunka isla markaana waa gobol istaraatiiji ku ah xagga arrimaha milateriga iyo difaaca. Dawladda Somaliland aad ayay u hagratay Gobolka Sanaaga waaxanad moodaa inay saartay diiwaanka horumaringa dawladnimada mudadii ay jirtay Somaliland. Waxaa loo baahnaa in gobolka Sanaag lagu sameeyo maalgelin xoog leh waayo waa dhulweyn oo aad muhiim u noqondoona mustaqbalka. Waxaa lagama maarmaan ah maanta in la dhiso jidka dheer ee isku xidha Ceerigaabo iyo Burco si is-gaarsiinta gobolku u fududaato. Waxaa kale oo muhiim in xukuumaddu aad u maalgeliso gobolkaas kuna dhiirigeliso ganacsatada dalka inay maalgashadaan gobolkaas oo si weyn loogu jeesto.
SAAMIGA BEELAHA EE ISKU-SHAANDHAYNTA XUKUUMADDII U DAMBAYSAY
– BEESHA Habar AWAL: Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Warshadaha, Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Wasiir-kuxigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, iyo Wasiir-kuxigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha
– BEESHA HABARJECLO: Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Duulista hawada, Wasiirka Macdanta, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Wasiiru-dawlaha Waxbarashada, iyo Wasiir-ku xigeenka Beeraha
– BEESHA Gar-Xejis: Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Deegaanka Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Wasiiru-dawlaha Maaliyadda, Wasiir-kuxigeenka Ganacsiga, Wasiir-kuxigeenka Caafimaadka, Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta, iyo Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada
– BEESHA DHULBAHANTE: Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Hawlaha Guud, Wasiirka Biyaha, Wasiiru-dawlaha Nabadaynta Gobolada Bari, iyo Wasiir-kuxigeenka Arrimaha Gudaha.
– BEESHA SAMAROON: Wasiirka Arrimaha Bulshada, Wasiirka Beeraha, Wasiirka Xidhiidhka Goloyaash, Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda, Wasiir-kuxigeenka Qorshaynta Qaranka.
– BEESHA ARAB: Wasiirka Caddaladda, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Wasiir-kuxigeenka Arrimaha Dibadda, iyo Wasiir-ku xigeenka Arrimaha Bulshada.
– BEESHA WARSANGELI: Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Kalluumaysiga, Wasiiru-dawlaha Xannaanada Xoolaha, iyo Wasiir-kuxigeenka Macdanta
– BEESHA CIISE: Wasiirka Dib-udajinta iyo Wasiir-kuxigeenka Caddaalada
– BEESHA FIQISHINNI: Wasiir-kuxigeenka Warfaafinta
– BEESHA GABOOYE: Wasiir-ku xigeenka Hawlaha Guud
Sida ka muuaqata Isku-Shaandhayntan, waxay ahayd ta ugu dhaweyd xagga cadaaladda mudadii 22 sano ahayd ee ay jirtay Somaliland oo beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli la siiyay saamigii ay mudnaayeen. Eebbe (S.W.T) waxa uu Suuradd Annisaa, Aayadda 135aad, ku leeyahay, “Ku (Xaqa) rumeeyow! ahaada kuwo u taagan cadaaladda oo ah markhaatiyada Eebbe, naftiiinaba ha ahaatee ama waalidkiin ama qaraabada, haddii ay hodanyihiin ama faqiir, Eebbe ayaa u mudnaansho badan.” Nebi Muxammed waxa uu isna yidhi, “Qofna ma rumayn (Eebbe iyo Rasuulkiisa) ilaa uu walaalkii la jeclaado waxa uu la jecelyahay naftiisa.” (Xigasho: Imaam Al- Bukhaari). Dalka iyo dawladnimada Somaliland waa la wada leeyahay markaas waxaa waajib ah in loo maamulo si cadaalad ah lagana ilaasho qabyaalada iyo eexda. Saamiga wasiirada iyo guddoomiyaasha Golayaasha Qaranka waa inay markasta ka muuqataa cadaalad ummaddu ka wada tahay raalli una bogto. Labada shay ee Afrika ka jira oo sida qaalibka madaxda ka fogeeya cadaaladda waa: QABYAALADDA IYO FAQRIGA markaas waa in madaxda Somaliland ay ka digtoonaataa in labadaas arrimood ka fogeeyaan cadaaladda.
Guud ahaan Golaha Wasiiradu aad ayuu u badan yahay waxaanu ka koobanyahay 46 xubnood.Tirada wasiirada waxaa muuqata inay yihiin xad-dhaaf aanu dhaqaalaha dalku qaadikarayn. Waxaa tirada intaas le’eg keenay in la raalligeliyo beelkasta taas oo aan runtii u fiicnayn nidaamka dawladnimada oo u baahan tiro kooban oo nuxur leh, dalkana wax u qabta.Waxaa la yaab leh in beelaha qaar oo ku magacaaban wasiirada ugu badan ee xukuumada ay weli qaylinayaan oo doonayaan wax dheeraad ah sida ay dalka iyo dawladnimada keligood leeyihiin iyaga og inaan beelaha qaar waxba la siin sida Beesha Ciraan oo la tartamaysa beelaha dhexe maanta. Wasiirada iyo wasaaradaha ma laha beeli umana shaqeeyaan beel gaar ah. Wasiirada iyo wasaaraduhu waa jagooyinka iyo hantida qaranka Somaliland waxayna u shaqeeyaan ummadda Somaliland. Markaa ma aha wax maangal ah in beeli isku mashquuliso inay hesho wasiirro badan iyada oo aaminsan in beeshii wasiiro badan heshaa ay gaadhayso nolol wanaagsan.
SAAMIGA GOLAHA WASIIRADA KU QURUX-BADAN SOMALILAND
– Beesha Habar Awal : 2 Wasiir + 2 wasiir ku xigeen
– Beesha Habarjeclo: 2 Wasiir + 1 Wasiir ku xigeen
– Beesha Habaryoonis: 2 Wasiir + 1 wasiir ku xigeen
– Beesha Dhulbahante: 2 wasiir + 1 wasiir ku xigeen
– Beesha Samaroon: 2 Wasiir + 1 wasiir ku xigeen
– Beesha Arab: 1 wasiir + 1 wasiir ku xigeen
– Beesha Ciida-Gale: 1 Wasiir + 1 wasiir ku xigeen
– Beesha Warsangeli: 1 wasiir + 1 wasiir ku xigeen
– Beesha Gabooye: 1 wasiir + 1 wasiir ku xigeen
– Beesha Ciise: 1 wasiir + 1 wasiir ku xigeen
– Beesha Cimraan: 1 wasiir + 1 wasiir ku xigeen
– Beesha Fiqi Shinni: 1 wasiir ku xigeen
– BeeshaTol-Jecle : 1 wasiir ku xigeen
– Beesha Ayuub: 1 wasiir ku xigeen
– Beesha Sanbuur: 1 Wasiir ku xigeen
Tirada Golaha Wasiiradan:16 wasiir + 16 wasiir ku xigeen = 32. Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo maareeyayaasha guud ee hay’adaha madaxbanaan iyagana waxay noqonayaan kuwo kooban. Wixii intaas ka badan ma qaadikaro dhaqaalaha dalku, mana fiicna in beel lagu raaligeliyo wasiirro badan oo kharashka ku baxaya lagu dhaawacayo horumarka dalka isla markaana lagu furayo waddo horseedda wasiirro xad-dhaaf ah markasta.
TALOOYIN KU SOCDA XUKUUMADDA IYO UMMADDA SOMALILAND
1. Dastuurka Dalku waa saldhigga dawladnimada iyo qaranimada Somaliland markaas waa in qofkasta iyo cidkastaba u hoggaansantaa. Sharciga dalka ee ku salaysan Dastuurka dalka waa in loo wada simanyahay oo uu qabtaa qofkasta iyo cidkastaba oo ku xad-gudubta maadaama fulintiisu ay maslaxad u tahay ummadda iyo dalkaba. Dalka iyo dawladnimada Somaliland waxaa leh oo u qudha umadda u dhalatay Somaliland ee ku abtirsata dhulka Somaliland. Kala sheegashada magaalo-madaxda dalka Somaliland iyo magaalooyinka waaweynba waa qaran-dumisnimo aan la aqbalikarin loona baahanyahay in qofka ku kaca lala tiigsado sharciga dalka. Waa in dalka iyo dawladnimada Somaliland laga ilaaliyaa figradda aan jirin ee SOMALIWEYN. Marnaba lama aqbalikaro in Dalka iyo Dawladnimada Somaliland ay noqoto mid ka dhaxaysa 5ta Somaliyeed oo aan la kala lahayn iyada oo lagu soo gabbanyo magaca Somaliweyn sida maanta ka taagan Somalia. Dadka ku jira Golayaasha Qaranka, haya jagooyinka dawladdda, ama ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Milateriga, Booliiska, Asluubta iwm waa inay noqdaan dad u dhashay Dalka Somaliland oo qudha. Somaliweyn aan jirin oo lagu soo gabbado hore ayay dhibaato weyn ugu geysatay ummadda Somaliland intii u dhaxaysa 1970-1990.
2. Dawladnimada Somaliland waxaa wada leh beelaha Somaliland oo dhan, dhib iyo dheefba, markaas waa in saamiga Golaha Wasiiradda, maal-gelinta iyo maashaariicda horumarinta dalka lagu saleeyaa cadaalad, gobolkastana xaqiisa helo. Madaxweynaha, Guddoomiyayaasha Golayaasha Qaranka, iyo Guddoomiyayaasha Axsaabta (Muxaafid iyo mucaaradba) waa in cidkastba xaq u yeelataa inay u tartanto loona doorato iyada oo shuruuddu tahay daacad u ahaanshaha qadiyadda Somaliland balse aan marnaba lagu duudsiyin magac beeleed. Eebbe (S.W.T) waxa uu Suuradd Annisaa, Aayadda 135aad, ku leeyahay, “Ku (Xaqa) rumeeyow! ahaada kuwo u taagan cadaaladda oo ah markhaatiyada Eebbe, naftiiinaba ha ahaatee ama waalidkiin ama qaraabada, haddii ay hodanyihiin ama faqiir, Eebbe ayaa u mudnaansho badan.” Nebi Muxammed waxa uu isna yidhi, “Qofna ma rumayn (Eebbe iyo Rasuulkiisa) ilaa uu walaalkii la jeclaado waxa uu la jecelyahy naftiisa.” (Xigasho: Imaam Al- Bukhaari). Dadka waxaa isu keena oo isu soo jiida cadaalad waxaana kala fogeeya oo iska horkeena cadaalad-darro. Haddii Beelaha Isaaqa lala wadaagi lahaa Guddoomiyayaasha Golayaasha Qaranka iyo Axsaabta Qaranka waxaa aad u yaraan lahayd is-muuqashada siyaasiyiinta Isaaqa dhexdooda ee maalinkasta iska eedeeya iskuna weerara Saxaafadda Dalka.
3. Hargeysa waxaa ay noqotay magaalo weyn oo ku habboon ganacsi oo qudha. Waxaa ay aad uga fogtahay gobollada Bariga Dalka, waxayna ku dhawdahay xadka Itoobiya oo u jirtaa 50 mayl oo qudha. Sababahan awgeed Hargeysa kuma habboona inay sii noqotay magaalo madaxda Somaliland. Sidaas oo kale, Burcana kuma fiicna magaalo madaxda waayo waxay iyaduna noqotay magaalo weyn oo ganacsi iyo degsiimo sida magaalada Hargeysa. Waxay magaalo madaxdu ku fiicantahay badhtamaha dalka ee Bari iyo Galbeedba soo gaadhikaraan, siiba meel u dhaxaysa Sheikh iyo Ceel-Afweyn ama Shiikh lafteeda.
4. Dalka waxaa ku habsaday madax dhaqameed xad-dhaaf ah oo dawladnimadii laga maamuli la’yahay. Jilibkastaba waxa uu samaystay suldaan ku salaysan hunguri iyo beel-u-dood jago raadinaysa, waxayna maalin kasta hortaaganyihiin magarafoonka saxaafadda iyaga oo ku hadla Af-beeleed kana hadlaya siyaasadda iyo xukunka dalka halkii ay ka hadlilahaayeen arrimaha dhaqanka ee beelaha. Arrintaas waxay ka soo horjeedda, dhaawacna ku tahay ixtiraamka iyo xushmada loo hayo salaadiinta, ugaasyada, iyo garaadada dhabta ah ee dhaqanka. Hawsha ama waajibka madaxda dhaqanku waxa weeye, sida hiddaha soo jireenka ah uu qabo, nabadaynta beelaha iyo kala saarkooda haddii wax kala galaan iyaga oo raacaya Diinta Islaamka iyo xeerarka dhaqanka ee soo yaalka ah isla markaa xukuumadda weydiista ciidan nabadeed haddii loo baahdo. Madaxda dhaqanku siyaasadda iyo hoggaaminta dalka shuqul kuma laha. Siyaasadda iyo hoggaaminta dalka waxaa leh oo qudha madaxweynaha, xukuumadda, iyo golayaasha qaranka. Sidaas ayaa hawluhu u kala cadyihiin. Xataa madax dhaqameedka xad-dhaafka ah waxay keentay in beeshii loo kala qaybiyo jilibyo iska soo horjeeda iyo tafaraaruq beeleef. Markaas waxaa habboon in aanay dawladdu marnaba aqoonsan madaxda dhaqanka xad-dhaafka ah ee aan loo baahnayn dhaqan ahaan, waana in tallaabo laga qaadaa haddii ay siyaasadda dalka ku milmaan oo khalkhal geliyaan nabadgelyada dalka. Dalka Yaman isaga oo dawlad ah muddo dheer ayaa ilaa maanta xukuumaddu xukumikari la’dahay dalk oo qabiilba meel goostay, waxaana sabab u ah madax dhaqameed xad-dhaaf oo dabarka goostay midkastana haysto milliishiyo hubaysan oo aan amar ka qaadan dawladda dhexe. Dalka Somaliland waa in laga ilaashaa fawdadaas oo kale, sharcina laga dejiyaa madax dhaqameedka dawlad aqoonsantahay.
5. Bedka dhulka Somaliland waxaa leh oo mas’uul ka ah dawladda Jamhuuriyadda Somaliland. Marnaba lama aqbalikaro in la horjoogsado wixii ku salaysan danta guud iyo horumarinta dalka sida shidaal qodis, macdan qodis, jid-bixin, dhul dan guud loo rabo iwm. Beeshii is-hortaagta arrimahaas waa in aan looga tanaasul danta qaranka ee dan u ah qofkasts, qoyskasta, beelkasta, iyo ummadda oo dhan
6. Tartanka siyaasadeed ee ka dhaxeeya mucaaradka iyo muxaafidka dalka waa muhiim waana mashiinka horumarka dalka maadaama qolaba isleedahay ka badi qolada kale xagga horumarka dalka. Tartanku waa inuu nadiif yahay oo mucaaradku muujiyaa ama tooshka ku ifiyaa khaladaadka xukuumadda ee jira si uu usoo jiito maskaxda iyo quluubta dadweynaha si uu ugu guulaysto doorasho soo socota markaas, muxaafadkuna waa inuu ummadda u muujiyo waxyaabaha xukuumadu u qabatay dalka si uu kursiga u sii haysto doorosho soo socota markaas. Ummadda Somaliland waa dad muslim ah oo ay xaaraan ka tahay wax ku raadinta beenta, munaafaqnimada, qabyaaladda, nacaybka, cayda iwm. Markaas tartanka siyaasadeed ee dhexmara muxaafadka iyo mucaaradka waa inuu ka yihiin nadiif arrimahaas. Eebbe (S.W.T) waxa uu Suuradda An-Naxal, Aayadda 105aad, ku leeyahay, “Waxaa uun abuurta been kuwa aan rumayn Aayadaha Ilaahay, waana kuwaas kuwa ah beenaalayaasha.” Waxaa kale oo Eebbe (S.W.T) Suuradda Az-Zumar, Aayadda 3aad, ku leeyahay, “…. Xaqiiqdii, Eebbe ma hanuuniyo kan isagu ah beenaalaha, gaalnimo badan.” Waxaa kale oo Eebbe (S.W.T) Suuradda Annisaa, Aayadda 145aad, ku leeyahay, “Xaqiiqdii, munaafiqiintu waxay ku sugnaan doonaan dabaqa ugu hooseeya ee Naarta, umana helidoontid gargaare.” Munaafiqiintu waa kuwa afkooda iyo uurkoodu aanu islahayn. Mucaaradnimadu waa in aanay ku dhisnaan hunguri iyo jago-doon balse ku dhisnaataa wadaninimo, toosin, iyo ballanqaadyo wax-qabad run ah. Waa inay ka fogaataa khalkhalgelinta nabadgelyada dalka, fitno abuurka iyo iska horkeenka beelaha dalka si aanay uga bixin xadka mucaaaranimada una gelin dembi.
7. Saxaafadda dalku waa warbaahiyaha dadweynaha iyo wakiilka ilaaliya xukunka dadweynaha. Waxay ku dhaqantaa runta waxayna tooshka ku ifisaa ku-tagrifalka hantida ummadda iyo jagooyinka qaranka oo ay ku kacaan madaxdu iyada oo cuskanaysa caddaymo cad. Waa inay markaas ka fogaataa male-awaalka, been-abuurka iyo qabyaaladda. Saxaafad been abuurta, fidno iyo isku-dirka ka talisa, nabadgelyadana khalkhalgelisa kuma sifowdo magaca saxaafadda, waxaana waajib ah in xukuumad kasta oo jirta ka qaado tallaabo cad saxaafadda noocaas ah. Ururada saxaafaddu waxay xaq u leeyihiin inay u doodaan haddii weriye ama wargeys dulmi lagu xidho, Laakiin xaq uma laha inay u doodaan saxaafadda wax dumisa waayo ma fahamsana markaas waajibkooda ka saaran dalka. Wa Billaahi Towfiiq.
Qore: Ibrahim Hassan Gagale
Email: ibrahim_hg@yahoo.com
Taariikh: August 29, 2013.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com