Askar Kenyati Ah Oo Ku Dhaawacantay Weerar Xalay Ka Dhacay Magaalada Mandera.

0

kenya-in-somaliaMandera (AGGM): Wararka naga soo gaaraya xarunta countiga Mandera ee Mandera ayaa sheegaya in xalay halkaasi ay kooxa burcad ah ay ku weerareen Gaari ay iska lahaayeen booliiska magaaladaasi .

Weerarkaasi ayaa la sheegay in uu dhaawac ka soo gaaray 2 askari sida ay sheegeen sarakiisha laamaha amaanka ee countigaasi Mandera .

Gariga booliiska ayaa waxa sida ay wararku sheegayaan uu marayay markii xalay weerarka lagu qaadayay bartamaha magaalada Mandera .

Gudoomiyaha countiga Mandera Maykal Ole talaal ayaa dhacdadani u xaqiijiyaya idacada Starfm .

Mr Maykal ayaa waxa uu sheegay in askar loo diray ilaalo iyo in ay soo baaraan Hoteelada uu qof hubaysan banbaano ku tuuray halkaasi oo 2 askari ay ku dhaawacmeen.

Gudoomiyaha countiga Mandera ayaa waxa uu ugu baaqay shacabka in ay la shaqeeyaan laamaha amaanka .

Magaalada mandera ee xadka ku taala ayaa waxa horay uga dhacay weeraro loo gaystay ciidamada amaanka balse dhacdadani ayaa imanaysa ayada oo bilooyiinkii ugu danbeeyay ay dagmada Mandera ahayd meel amnigeedu wanaagsanyahay .

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com