Maamulka Galmudug Oo Ciidamo Amaanka Dadka Suga Kala Dhex Dhigaya Reer Guraaga.

0

BaastoGaalkacyo (AGGM): Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Maamulka Galmudug Axmed Baasto ayaa sheegay inay dajiyeen qorshe cusub oo looga hortagayo dilalka ay isku gaystaan dadka reer guuraaga ah ee deegaanada Miyiga.

Axmed Baasto waxa uu sheegay in ciidamo Boolis ah oo suga ammaanka ay gayn doonaan deegaanada ay ka dhacaan dilalka salka ku haya aanooyinka qabiil ee ku badan deegaanada reer guuraa si buu yiri uusan u daadan si macno daro ah dhiig dambe.

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Maamulada hoos yimaada ayaa ku heshiiyay wixii haatan ka dambeeya inay wada shaqeyn ka yeeshaan amaanka iyo maamul wanaaga.

Deeganada maamulka Galmudug uu ka arimiyo ayaa badi waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo ay isku gaystaan dadka reer guuraaga ah kuwaasi oo isku qabsada arimo la xiriira dhul daaqsin iyo ceelbiyood.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com