Qaramada Midoobey Oo Xaqiijisay In Shacabka Syria Lagu Laayay Sun, Balse Ka Gaabsatay In Ay Shaaciso Cida Sunta Isticmaashay.

0

UnitedNations1New York (AGGM): Koox ka socotay QM oo dhawaan baaritaan u tagtay dalka Syria ayaa warbixin ay soo saartay waxa ay ku xaqiijisay in weerarkii 21kii August lagu qaaday duleedka Dimishiq oo ay ku dhinteen dadka faraha badani uu ahaa mid la adeegsaday sun.

Gudidan QM ayaa sidoo kale waxa ay xaqiijiyeen in cidii isticmaashay Sunta ay aheyd cid si wanaagsan u garaneysa hubkaasi.

Sidoo kale Kooxda QM waxa ay sheegeen in weerarka loo isticmaalay sunta loo yaqaano Serin oo tayadeeduna ay sareeysay.

Kooxda QM ayaa sheegtay in dhanka woqooyiga ee caasimada laga tuuray gantaalada siday suntaasi.

Xoghayaha QM Ban Ki Moon oo shir jaraaid uu qabtay ku soo bandhigay warbixintan ayaan shaacin cida weerarkaasi ka danbeysay.

Sababta uu Xoghayuhu uga gaabsaday sheegida cida weerarka sunta ah qaaday ayaa loo aaneeyay kala qeybsanaanta arintan ee xubnaha Gollaha Amaanka ee QM.

Dalalka Ruushka iyo Mareykanka ayaa dhawaan isla qaatay qorshe hubka Sunta ah looga dhigayo xukuumada Syria.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com