War Deg Deg Ah: Gudoonka Baarlamaanka & Xubno La Socda Oo Hadda Gaaray Baydhabo

0

Breaking-NewsMuqdisho(AGGM)Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, iyadoo booqashadiisa ay ku soo aaday, xilli odayaasha iyo waxgaradka beelaha ka soo jeeda Digil iyo Mirifle ay muddo labo cisho u qabteen Xildhibaanada iyo wasiirada uga midka ah dowladda Soomaaliya.

Gudoomiye Jawaari ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya xubno ka tirsan Baarlamaanka ee ka soo jeeda beelaha digil iyo mirifle, iyadoo lagu wado inay kulamo la qaataan qeybaha bulshada ku dhaqan Gobolka iyo odayaasha si ay ugala hadlaan waxyaabo ay tabanayaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari iyo wafdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Baydhabo, waxaana la sheegay in ammanka aad loo adkeeyay, ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa ka qeyb qaadanaya sugida ammaanka.

Safarka Gudoomiyaha baarlamaanka Jawaari uu Galabta ku tagay Baydhabo ayaa waxaa ka horeeyay booqasho saaka barqadii ay xubno ka tirsan baarlamaanka iyo siyaasiyiin ay ku tageen magaalada Baydhabo.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa dhowaan ka dhacay banaan bax looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya, iyadoo odayaasha iyo waxgaradka beelaha digil iyo mirifle ay aad u saluugsan yihiin heshiiskii Addis Ababa ee dowladda Soomaaliya iyo Maamulka KMG ah ee Jubba.

Ugu dambeyntii qorshayaal lagu dhisayo maamul goboleed ayaa beryihii u dambeeyay ka socday magaalada Baydhabo, iyadoo xiisada siyaasadeed ee dowladda uga furantay Baydhabo ay tahay mid culeyskeeda leh, maadaama beelaha Digil iyo Mirifle ay cadeeyeen in wax badan oo xuquuqdooda ah la duudsiiyay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com