Muqdisho (AGGM): DowladDa Yeman ayaa sheegtay in dowlada Soomaaliya ka tageeri doonto dhinaca tababarka Ciidamada islamarkaana ay gacan ka gaysan doonaan ka shaqaynta amaanka Dalka Soomaaliya.
Madaxwaynaha Dalka Yaman Cabdi Raabi Mansuur oo kulan la qadanayay maalintii shalay Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in Dowlada Yaman is garab istaagi doonto Dowlada Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in saraakiil ciidan dhawaan u soo diri doonaan Soomaaliya si uga saacidaan soomaaliya dhinaca tababarka Ciidamada oo Soomaaliya u baahan tahay in laga kaalmeeyo.
Waxa uu sheegay Madaxwaynaha Yaman in Dowlada Yaman ay waligeed Saaxib la ahayd Soomaaliya waxa uuna sheegay in diyaar u tahay in amaanka kala shaqayso Soomaaliya.
Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya ayaa safar ku maraya Dalka Yaman halka oo dhawaan safar ku tagay raii,sul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi faarax Shirdoon Saacid.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com