Midawga Yurub Oo Ka Digey In Weeraro La Mid Ah Kuwi Westgate Shabab Ka Fuliyaan Muqdisho

0

eu-flagMuqdisho(AGGM) Saraakiil ciidan oo ka tirsan Midawga Yurub ayaa ka digay in weeraro la mid ah weerarkii ka dhacay suuq ku yaala magaalada Nairobi  ay ka dhici karaan magaalada Muqdisho oo ay ku yaalaa xarumo muhiim ah.

Saraakiishaan waxaa ay sheegeen inay qabaan walaac ah in Al-Shabab ay bartilmaameed ka dhigtaan  xarumaha diblomaasiyadeed iyo kuwa hay’adaha gar gaarka ee ku yaala Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho waxaana ay sheegeen inay qubaro dhanka ciidamada ah ay Soomaaliya u soo direen si ay u caawiyaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa midawga Africa ee AMISOM.

Jen Partick de Rousiers oo ka tirsan saraakiisha sar sare ee ciidamada midawga Yurub ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters inay walaac badan ka qabaan in Al-Shabab ay weerar la ayni ah kii ay ku qaadeen suuqa Westgate ay ka geystaan gudaha Soomaaliya.

Sargaalkaan waxaa uu xusay in 52 sargaal oo qubaro military ah ay Soomaaliya u soo direen isla markaana ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ku bixin doonaan casharo ku saabsan ka hor tagista weeraro argagixiso ay Shababku geystaan sida uu yiri sargaalkaan

Sidoo kale sargaalkaan waxaa uu xusay inay ka fakarayaan  talaabooyin kale oo lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah burcad badeeda Soomaaliyeed ee ka qawlaysata biyaha Soomaaliya Soomaaliya

Ugu dambeyntii weerarkii Al-Shabab ay ku qaadeen magaalada Nairobi wal wal badan ayuu ku abuuray wadamo badan oo arrimaha Soomaaliya daneeya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com