Muqdisho(AGGM) Mudane Cabdilaahi Maxamed Xirsi ”Qorax”oo ah Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay saacadihii la soo dhaafay xasuuq ba,an oo maleeshiyaadka Raaskambooni ka wadeen gudaha Magaalada Kismaayo halkasi oo ay ku dileen in ka badan 8 ruux 24 saac ee la soo dhaafay kuwaasi oo ah dadka ka soo jeeda gobolladda Jubooyinka.
Xildhibaan Qorax waxaa uu daboolka ka qaaday in ciidamada dawlada kiiniya ee qaybta ka ah ciidamada Amisom ay waajibkoodii nabad ilaalineed gabeen isla markaasna magaalada Kismaayo maalin kasta si bareer ah loogu dilayo shacabka degaanka,waxaana uu sheegay in ciidamada kiiniya ee qaybta ka ah hawlgalada Amisom aysan wax jawaab ah ka bixin talaabadaas.
Qorax waxa uu sheegay in Maleeshiyaadka Jabhadda Raaskambooni ay magaalada ka wadan falal ka baxsan shareecada islaamka isla markaasna maalin kasta lagu dilo dad aan waxba galabsan,waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in Maleeshiyaadka Jabhadda Raaskambooni oo uu ku tilmaamay inaysan cidna ka amar qadan banaanka magaalada loga saaro.
Si kastey ahaataba waxaa hadalkan imaanayaa xilli ay Magaalada Kismaayo ka dhaceen dilal kala duwan kuwaasi oo loo geystey dad shacab ah iyo kuwa ka tirsan maleeshiyaadka Raaskambooni balse qabiil ahaan loo dilay gaar ahaan qaarkood ahayeen ilaalada ku xigeenka Jabhadda Raaskambooni .
Dhageyso
[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/09/Xildhibaan-Cabdullaahi-Maxamed-Xirsi-Qorax.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com