“Miisaaniyadda 2014-ka Ee Aan Golaha Wakiiladda Hor Keenay Wax Siyaasad Ah Kuma lug Laha”

0

samaaleHargeysa(AGGM)Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, Mudane C/casiis Maxamed Samaale ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin wararka sheegayay inuu miisaaniyada 2014-ka u soo qadimay si uu isku casilo.

C/casiis Maxamed Samaale oo maanta u waramay Warbaahinta Allgalgaduud, waxa uu tilmaamay in sharciga dalku jideynayo in miisaaniyadda Golaha Wakiilada la horgeeyo bisha October, waxaana uu tilmaamay in aanay wax siyaasada ku lug lahayn miisaaniyada uu golaha wakiilada soo hor dhigay, iyada oo aanu weli sanadku dhamaan.

Wasiir Samaale oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Xil qaran ayaan gudanayay markaan miisaaniyada soo gudbiyay, sharciga u yaala qarankeena ee dastuuriga ahi waxa uu dhigayaa in odoroska miisaaniyada ee sanadka soo socda golaha wakiilada loo geeyo bisha October 29-ka September ayaan keenay, hase yeeshee hawshan gudushadeeda xilka qaran ee i saaran awgeed ayaan u gudanayay siyaasad kale kuma lug laha, laakiin waxay sii wanaajinaysaa hawsha aan qaranka u hayo, shalay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka ayaan ahaa, shacbiguna si wayn ayay wixii aan golaha ka ahaa iyo waxaan qabanayay uga warhayaan”.

Wasiirka Maaliyadu waxa kale oo la waydiiyay kulan uu shalay la yeeshay guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilada waxyaalihii ay ka wada hadleen, waxa uu ku jawaabay “waxaanu ka wada hadlaynay guud ahaan miisaaniyada sanadka 2014-ka odoroskeeda oo ay hayaan, markaa taas ayay wax iga waydiiyeen waxay aad ugu farxeen xilliga aan miisaaniyada keenay, oo runtii waligeed Somaliland ka dhicin iyada oo sanadkii dhamaan la keeno, markaa is faham aad iyo aad u wanaagsan ayaan ka yeelanay”.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com