Kismaayo(AGGM) Gudaha Magaalada Kismaayo waxaa hadda ka dhacay qaraxyo aad u xoogan kuwaasi oo la sheegay inay yihiin qaraxyada meelaha fog fog laga hago. Qaraxyadan ayaa la sheegayaa in lagu duugey meel ay ku shiraan kooxo lagu tilmaamay inay la shaqeyaan Maleeshiyaadka Raaskambooni isla markaasna soo abaabula dilalka qorsheysan ee ka dhaca Magaalada Kismaayo.
Qaraxan ayaa la sheegaya inuu ahaa mid lagu sii diyaariyey goobta kooxdaasi ku shiraan isla markaasna kaga tashadaan qaabkii dadka degaanka Magaalada looga barakicin laha,waxaana la sheegaya in qaraxyadaasi ay sababeen dhimasho iyo dhaawac walow aan si dhab ah loo ogeyn inta khasaaraha rasmiga ahi uu leeg yahay.
Qaraxan waxaa la aaminsan yahay inay dhigeen qaar ka tirsan maleeshiyaadka Raaskambooni isla markaasna ka feker duwan Masuuliyiinta Maleeshiyaadkaasi lana aaminsan yahay inay qabaan Fekerka kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab,waxaana wararku tibaaxayaan in qaraxaasi uu ka dhacay Dhisme ay kooxdaasi kaga tashadaan arrimaha guracan ee lagula kaco shacabka ka soo jeeda gobolladda Jubooyinka.
Sida la wada ogsoon yahay Maleeshiyaadka Raaskambooni intooda badan waxay yihiin rag ka tirsanaan jirey Maleeshiyaadka Alshabaab,waxaana sidoo kale xasuus mudan in hogaanka Maleeshiyaadka Raaskambooni uu ka mid ahaa kooxihii argagixisada ahaa ee la magaca baxay Xisbul Islaam isla markaasna u degel rogtey Alshabaab aakhirkiina u biyo shubtey Raaskambooni oo uu hadda yahay,Waana dhici kartaa inay qaraxyada qaarkood wax badan ka og yihiin.
Ciidamada ka tirsan maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa la sheegayaa inay gaareen goobta qaraxu ka dhacay halka qayb ka mid ah Maleeshiyooyinkaasi u dhaqaaqeen dhinaca shirkadaha magaalada Kismaayo kuna wargeliyeen in la damiyo dhamaan isgaarsiinta,waxaana hadda hawad ka maqan isgaarsiinta Magaalada Kismaayo.
Ugu dambeyntii ma jiraan cid war rasmi ah ka haysa qaraxyadaasi khasaaraha ay geysteen sidoo kalena ma jiraan cid ka hadashay qaraxaasi isla markaasna sheegatey Masuuliyadiisa,waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni qaraxyadaasi ka hadalaan.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com