Sarkaal Booliska Ka Tirsan Oo Degmada Hodan Lagu Toogtey

0

dagaal-27Muqdisho(AGGM)Kooxo Bastoolado ku hubeysan ayaa Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaliya gaar ahaan Taliska Ciidamada degmada Hodan waxa ay ku dileen degmadaasi.

Goob Joogayaal la hadlay Allgalgaduud xafiiskeeda ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in 2 Nin Bastoolado ku hubeysan ay toogteen Shariif Aadan oo loo yaqaaney Seefle kaasi oo ka mid ahaa Saraakiisha Buliiska degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

“ gurigiisa ayuu ka soo baxay , waxaana ay ku dileen nawaaxiga Tarabuunka , weyna baxsadeen” ayuu yiri Goob Jooge la hadlay Allgalgaduud Xafiiskeeda ee Magaalada Muqdisho.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka Buliiska degmada Hodan ee ku aadan dilka Shariif Aadan oo ka mid ahaa Saraakiisha degmadaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com