Daawo:Ilaalada Aqalka Cad Ee Mareykanka Oo Toogtay Haweeney Aan Lagaran Waxey Dooneysay.

0

naag1Washington DC (AGGM): Ilaalada Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa toogtay Haweeney wadatay gaari oo dooneysay inay xoog ku gasho Koontaroolka laga sugo ammaanka Aqalka Cad, iyadoo haweeneydan aan la sheegin inay hubeysneyd.

Booliska ayaa sheegay in Haweeneyda ay soo dhaaftay meel waqooyi bari ka ah Aqalka Cad, halkaasoo Ciidamada ay u yaaleen bar koontarool laga hubiyo ammaanka, iyadoo gaariga xawaare ku socday.

Gaariga ayaa laga dhex helay gabar hal sano jir ah oo ay dhashay, taasoo la geeyay Isbitaalka.

Labo askari ayaa ku dhaawacantay shilkan oo aan lagu tilmaamin inuu ahaa mid argagixiso.

Xilliga shilkan dhacayay ayaa waxaa ku sugnaa Aqalka congress-ka Senataro, kuwaasoo maqlayay rasaasta ay ridayeen ciidamada markii gaariga uu xoog ku soo jiirayay wadada laga soo galo aqalka cad.

Wargeyska Washington Post ayaa sheegay in gaarigan horay looga diiwaan geliyay hooyo 34-jir ah, taasoo booliska aaminsan yahay inay iyada aheyd, sidoo kale waxaa socda baaritaan.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmeysa labo todobaad kadib markii toogasho ka dhacday Xarunta Ciidamada Badda Mareykanka ay ku dhinteen 12-ruux.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com