Dhageyso: Maamulka Bare Hiiraale Oo Ka Hadlay Dagaalka Duleedka Kismaayo Ka Dhacay

0

barre-hiiraale2Kismaayo(AGGM) Maamulka Jubaland ee garabka Col Bare Hiiraale ayaa ka hadlay dagaalo culus oo galabta ilaa maanta ka socday duleedka Magaalada Kismaayo,waxaana uu sheegay in dagaalkaasi uu ahaa mid culus,waxaana ay saraakisha Col Bare Hiiraale saxafada u sheegeen in dagaalkaasi ahaa mid ay soo qaadeen Maleeshiyaadka Raaskambooni,waxaana ay sheegeen inay dib ugu celiyeen Magaalada kismaayo gudaheeda oo ay dagaalka ka soo qaadeen.

Xasan Qaasim waxaa uu shaaciyey in ciidamadoodu ay diyaarsanayeen isla markaasna ka war hayeen weerarka lagu soo qaaday,waxaana uu sheegay inay cashar culus u dhigeen maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday isla markaasna ay la noqdeen dhaawac iyo dhimasho ay ciidamadoodu soo gaarsiyeen,waxaana uu shaaciyey in ciidamadoodi aysan u dulqaadan dooni weerar jabhada Raaskambooni ku soo qaadaan.

Waxa kale oo uu shaaciyey in ciidamadoodu ay yihiin ciidamo mileteri oo tababar isla markaasna aysan jabhadda Raaskambooni awood ciidan kaga hor imaan karin,waxaana uu ku tilmaamay inay yihiin maleeshiyaad aan axlaaq ciidan iyo mid tababar lahayn isla markaasna ay cashar u dhigeen.

Ugu dambeyntii Xasan Qaasim waxaa uu sheegay inay maanta cashar u dhigeen isla markaasna ay dib ugu celiyeen Magaalada Kismaayo oo ay dulaan ka soo qaadeen,waxaana uu sheegay in casharada loo dhigayo Raaskambooni ay socon doonaan ilaa iyo inta laga sifeynayo goboladda Jubooyinka,waxaana uu sheegay inaysan ka hari doonin ilaa ay ka saaraan xadka soomaaliya.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/10/Xasan-Qaasim.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com