Soomaalida Canada Oo Cambaareysay Falalka Argagixasada.

0

Soomaalida-Canada-300x225Toronto (AGGM): Soomaali ku nool magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa Khamiistii yeeshay kulan ay ku cambaareeyeen falalka kooxaha argagixisada ah oo ay tilmaameen inay halis ku yihiin nolosha dadka rayidka ah.

Kulanka oo uu martigeliyay raadiye ay leeyihiin Soomaalida Canada ayaa waxaa ka qeyb galay 100 qof oo muujiyay inay lagama maarmaan tahay in la dabar-jaro kooxda Al-Shabaab.

Isku-duwaha raadiyo Ogaal Xasan Cabdullaahi ayaa sheegay inay tahay markii ugu horreysay oo kulan noocaas oo kale ah ay qabtaan, wuxuuna ujeedka isku imaantinka ku tilmaamay sidii ay bulshada go’aan mideysan uga qaadan lahayd falalka argagixisannimo.

Kulanka waxaa si gaar ah loogu cambaareeyay weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga Westgate ee magaalad Nairobi, kaas oo dadkii ku dhintay ay ku jireen labo qof oo Canadian ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com