Dhageyso: Amisom Oo Ka Hadashay Kulan Ay Soomalida Minisoota La Qaadatay

0

cali-xaamudSaint Paul(AGGM) Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ururka Midawga Afrika ee hawlgaladda nabad ilaalinta ah ka wada gudaha dalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay kulamo muhiim la qaateen shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Mareykanka gaar ahaan Magaalada Minisota,waxaana kulamadasi ay ku sheegeen kulamo ay kaga warbixinayeen waxqabadkooda dalka soomaaliya.

Afhayeenka Ciidamada Amisom Col Xaamud oo arrimahaasi ka hadlay ayaa daboolka ka qaaday inay Soomalida ku dhaqan wadanka Mareykanka ka codsadeen inay dalkooda maalgashadaan isla markaasna ku dadaalaan sidii wax badan looga qaban lahaa dhibaatada ka taagan wadanka Soomaaliya,waxaana ay ku buuriyeen inay dalka ku soo laabtaan kana qayb qaataan nabad galyadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay si cad ugu sheegeen inay dalka dibediisa ka tagaan isla markaasna ku biiraan kooxaha dhibaatada ka wada wadanka Soomaaliya,waxaana uu sheegay in arrimo badan ku cadadeen soomaalida ku dhaqan wadanka Mareykanka,waxaana uu kula dardaarmay inay dhalinyaradooda ay ilaashadaan si aysan kooxaha argagixisada ahi u duufsan.

Ugu dambeyntii waxaa uu Col Xaamud shaaciyey in dhibaatada dalka Soomaaliya xilligan tahay mid dhamaad ah isla markaasna dalka soomaaliya laga saaray intii badneyd kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab,waxaana uu shaaciyey in dalku hadda ku dhaw yahay nabad iyo horumar isla markaasna loo baahan yahay in laga qayb qaato horumarka dalka Soomaaliya.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/10/DHAGEYSO-AMISOM-.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com