Horjooge Axmed Madoobe “Kama Qeyb-gali Doonno Shirka Dib-u-heshiisiinta Jubbooyinka Ee Magaalada Muqdisho.

0

axmed madoobeKismaayo (AGGM): Horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in aysan ka qeyb gali doonin shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka oo 21-ka bishan lagu wado in lagu qabto magaalada Muqdisho.

Horjooge Axmed Madoobe ayaa xusay in heshiiskii dhex maray maleeshiyadiisa iyo dowladda federeraalka ah ee Soomaaliya uu dhigayay in horjoogeyaasha maleeshiyadiisa ay tagaan Muqdisho, taasoo ay fuliyeen, kaddibna shir dib u heshiisiineed lagu qabto magaalada Kismaayo.

Wuxuu tilmaamay in aysan qorshaha ugu jirin ka qeyb galka shir looga arrinsanayo arrimaha Jubbooyinka oo lagu qabto magaalada Muqdisho.

Isku soo wada duuboo Dowladda Soomaaliya ayaa saddexdii bishan  dib u dhigtay shirka dib u heshisiinta Jubbooyinka oo shanta bishan la filayay in wajiga koowaad lagu qabto  Muqdisho, halka wajiga labaadna loo qorsheeyay in lagu qabto magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com