Hargeysa(AGGM)Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland ayaa Waxa Ku nool Labba caruur ah gaar ahaan Wiilal ah oo Abuurta Eebe u sameyey tahay Mid Mucjiso ah oo Qofkii Arkaaba uu la yaabo Sidda ay u egyihiin, inkasta oo ay abuurta eebe tahay, hadan dadka ku nool xaafada Isha-boorma ee magaalada Hargeysa ayaa wax yaabaha ay ugu hadal haynta badan yihiin ay tahay labadaasi wiil ee Mucjisada ah, Labbadan Wiil oo la kala Yidhado Maxamed Aamin Xassan Axmed oo Da’diisuna tahay 7Jir, iyo Cabdifataax Xassan Axmed oo isna Da’diisu tahay 5Jir ayaa waxay ku dhasheen Meel miyi ah oo u dhaw Degmada Sayla Barri.
Waalidiinta dhallay labadan wiil oo uu wareystay Suxufi ka socday Warbaahinta Allgalgaduud ayaa waxay u sheegen in ay ku dhasheen wakhtiga caadiga ee dadku ay ku dhashaan ee ah 9Bilood, balse muddo 3Billood markii ay jireen ay ogadeen in aanay siddii dadka u korayn ee ay wax ka si yiihiin, iyaga xusay in ay u malaynayaan in aanay Maskaxiba aanay ku jirin in kasta oo aanu waydiinay in ay wali wax dhakhtar ah geeyen balse waxay noo shegeen in aanay wax dhakhtar ah geeynin.
Hooyo Saynab Cali oo ah Waalidka dhallay labad wiiil ee Mucjisad ah ayaa waxay Tidhi “Labadeyda Wiil waxay ku dhasheen Degmada Sayla barri, markaa walaal sidani waa Abuurta eebe, oo in Abuurta illahay ku cibro qaadano uunba wanaagsan in ay faaqidnana ma ah ma dee shabahaad gooni ah aynu siino, lakiin dee sidda aad arkaysaba dadka caadiga ah way ka duwan yihiin, oo iyagiiba islaynaya, kaweyn sidda aad aragto waan xidhay caata socodka caadiga ah socon maayo, lakiin wuu gurguuranaya waana dee 7Jir , waxa kale oo jirta in haddii dhulka uu ku dhaco ama madax dhulka ku dhufto aanu waxba noqonayn, waxaanu u malaynaynaa in ayna maskixiba ku jirin, Illaa wakhtigii ay dhasheen illaa maanta wax dhakhtar ah oo loo geyey ma jirto, marka bulshada reer Somaliland dal iyo dibadba meesha ay ku sugan yihiin waan ka Codsanayaa in ay isoo cawiyaan caruurtasi yaryar si aanu dhakhaatiir ugu geyno”Ayey Tidhi.
Xassan Axmed oo isaguna ah Aabaha dhallay Caruurtan ayaa ka waramay heerarkii kala duwanaa ee ay soo mareen caruurtiisu waxaanu yidhi. “Haddii aan kaga waramo heerarkii kala duwanaa ee ay soo mareen caruurtaydu, horta waa Abuurta illahay ayaan odhan karaa, oo dee wixii xagga raabi kaga yimaadaba waa waxad illahay loola caban karo uun, waxay labadan wiil ku dhasheen 9billood ee qof walba ku dhalan jiray, lakiin markii ay jireen Saddex Billood ayaanu dee oganay in sidii dadku u korayeen in ay ka duwan yihiin, waayo madaxoodu illaa wakhtigii ay dhasheen ilaa maanta waa sidiisi oo ma korayo marka dee waxa noo cadaatay in ay maskax la’aani jirto, oo xubnihii kale ee jidhka ee kori lahaa oo aan isna aaan koreyn ayaan halkasi ku arkay, dhinca kale waxaan jirin ismaamulkii qofku ismaamul jiray, iyo waliba hadalkii caadiga ahaa oo aanay hadlaynba”.Ayuu yidhi.
Hadaba Ciddii caruurtaasi caawinaysaa wixii caawimo ah hagu hagaajiyaan Accunka Nembberkiisu yahay Accoun.HRGD.37293 Ama kala xidhiidh Tellefoonkan 063. 4474094 ama 4156468.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com