Kismaayo(AGGM)Maamulka Jubbaland ee uu madaxweynaha u yahay Col Bare Aadan Shire ”Hiiraale” ayaa ka hadlay hadal shalay ka soo yaarey Horjoogaha Maleeshiyaadka Raaskambooni,waxaana Maamulka Bare Hiiraale waxaa uu sheegeen in Maleeshiyaadka Raaskambooni aysan xal ka dooneyn arrimaha jubooyinka isla markaasna aamisan yihiin in dhulku kiiniya leedahay.
Xoghaynta Maamulka Bare Hiiraale Dr Maxamed Cali Stateman oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in Maleeshiyaadka Raaskambooni ay aaminsan yihiin inaysan dhulka lahayn soomaaliya isla markaasna ay aaminsan yihiin in dawlada Kiiniya leedahay,waxaana u Stateman shaaciyey in Maleeshiyaadka Raaskambooni aysan xal doon ahayn balse aaminsan yihiin in kiiniya waligood gacan siinayso.
Dr Stateman waxaa uu daboolka ka qaaday in hore ay u ogaayeen in Maleeshiyaadka Raaskambooni iyo horjoogayaashoodu aysan marnaba dooneyn inay shirka xamar ka dhacaya ay ka qayb galaan isla markaasna aaminsan yihiin in lagu waxyeelaynayo,waxaana uu sheegay inay aaminsan yihiin in dhibaato iyo cago jugleyn ay kala kulmayaan Shirka Muqdisho.
Dr Statesman waxaa uu shaaciyey in beesha caalamka iyo wadamada deriska ahi ka war hayaan cidda nabad diidan,waxaana uu daboolka ka qaaday inay yihiin dad aan nabad iyo horumar midna dan ka lahayn isla markaasna loo baahan yahay in gacan bir ah lagu qabto,waxaana uu sheegay inaysan adkeysi dagaal lahayn hadii foodda lays darro isla markaasna xadka soomaaliya waydaaran doonaan.
Ugu dambeyntii Dr Statesman waxaa uu sheegay in hadii Maleeshiyaadka Raaskambooni ay banaanka uga soo baxaan Ciidamada Kiiniya aysan ciidamdooda ku qaadan karin 10 daqiiqo inay Soomaaliya oo dhan kaga saaraan isla markaasna wadamada xadka ay gelin karaan,waxaana uu sheegay inaysan adkeysi u lahayn dagaal ay si toos ah u galaan.
[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/10/State-Man-Waraysi.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com