Daawo Sawirada:Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ka Mid Noqday Baarlamaanada Caalamka.

0

barlBaarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay inuu si buuxda usoo ceshado xubinnimada Midowga Baarlamaannada Caalamka inter Parliamentary Union IPU oo ay ku mideysanyihiin Baarlamaannada 165 dal oo Caalamka ah mudo 44 sano ah kadib.

“kadib dadaallo badan oo uu sameeyey Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo soo bilowday tan iyo bishii September ee sanadkii hore waxaan ku guuleysanay inaan si buuxda usoo ceshano ka mid ahaanshaha xubinnimada Midowga Baarlammaannada Caalamka oo Soomaaliya ugu dambeysay sanadka markuu ahaa 1969kii,waana guul aad u weyn oo Baarlamaanka Soomaaliya gaaray” ayuu yiri Xildhibaan Dr Khaalid Cumar Cali oo magaalada Genčve ee caasimadda dalka Switzerland uga qeybgalaya shirka IPU.

“Waxaan kusoo dhaweyneynaa Baarlamaanka Soomaaliya IPU waxaan go’aankan uu ka dambeeyey hormarka iyo isbedelka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu sameeyey iyo talaabooyinka uu u qaaday hormarinta dhinaca dimuqraadiyadda, waxaa uu ahaa xiriir hore oo taariikh leh markii Soomaaliya ay IPU ka tirsaneyd hadana waxeynu ka taageeri doonnaa hormarinta hay’addaha Dowliga ah iyo iney kusii talaabsadaan hormarro kale oo dhanka dimuqraadiyada ah”ayuu yiri Madaxweynaha Midowga Baarlammaannada Caalamka Internal Parliamentary Union IPU Abdelwahad Radi.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa isaguna yiri “waa qeyb ka mid ah guullaha dhanka hormarka ah ee uu ku tallaabsaday Baarlamaanka Soomaaliya sidoo kalena waa guul usoo hooyatay dowladda Soomaaliya iyo guud ahaan shacbigeeda,waxaan u mahad celinayaa hogaanka iyo dhammaanba xubnaha Midowga Baarlammaannada Caalamka ee IPU sida ay usoo dhaweeyeen Baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana ay isha ugu hayaan qaabka aynu u shaqeyneyno iyo guullaha aynu gaarnay mudadan kooban,runtii weli wax badan ayaa inoo harsan waxaanna Alle ka rajeyneynaa inuu noogu guuleeyo si lamid ah guushan taariikhiga ah”.

Tallaabadan uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ugu guuleystay inuu si buuxda uga mid noqdo midowga Baarlammaannada Caalamka ee Internal Parliament Union IPU ayaa waxey ka mid noqoneysaa guullaha ballaaran ee uu ku tallaabsaday Baarlamaanka Soomaaliyeed mudo hal sano ah gudaheed ayadoo dhammaan guulahaanna ay qeyb ka yihiin istiraatiijiyadda uu Gudoonka Baarlamaanka u dejiyey howlaha Golaha Shacabka.

barl

barl1

barl2

barl3

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com