Dad Tiradooda Boqol Kor U Dhaafayso Oo Soomaali Ah Oo Ku Go’doonsan Badda U Dhaxeysa Liibiya Iyo Talyaaniga.

0

tahriibayaalRoma (AGGM): In ka badan 100 oo Soomaali ah ayaa ku xayiran inta u dhaxeysa Liibiya iyo Talyaaniga kadib markii doonta ay la socdaan ay fadhiisatay gudaha badda sababo la xiriira Shidaalka oo ka go’ay.

Sahra Nuur oo ku sugan Xeryaha Dhadhaab oo gabar ay la dhalatay ay ku jirto dadka xayiran ayaa waxa ay sheegtay in ay ka walaacsan tahay xaaladda Walaasheeda iyo dadka kale.

Dadkaani waxaa la sheegay in aysan haysan raashin iyo biyo intaba, waxaana labo maalmood ka hor ay doontaani ka baxday dalka Liibiya.

Dhawaan ayaa waxa ay doon ku gadoontay badda u dhaxeysa Liibiya iyo Talyaaniga halkaasi oo Soomaali badan ay ku dhinteen kuwa kalana lagu waayay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com