Labo lamaane oo u dhashay dalka Uruguay, ayaa is guursaday kadib xiriir soo jiitamayay mudo 80 sano ah.
Jose, hada waxa uu jiraa 103 sano, halka Lopez Martines iyaduna ay jirto da’da 99 sano, waxayna soo wada socdeen mudo 80 sano ah.
Jose oo Kursiga kula fadhiya Caruusadiisa Lopez, ayaa balan qaaday inuu waqtigiisa iyo noloshiisa u hibeeyay Xaaskiisa uuna la dhiman doono jaceylkeeda.
Baadariga isku mehriyay labadaan lamaane, ayaa warbaahinta u sheegay in labadaan lamaane ay yihiin labada Caruus ee dunida haatan jirta ugu weyn, waxaana uu u rajeeyay nolol wacan.
Xalada Arooska labadaan lamaane ee gaboobay, ayaa waxaa soo xaadiray 8 kamid ah ilmahooda, iyo 50 ilamaha ay dhaleen ah iyo 35 Ilmaha ay sii dhaleen oo ay awoowayaasha u yihiin kamid ah.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com