Baledweyne (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyn ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada saakay ay degan tahay, iyadoo xalay Bandow ay ku soo rogeen hey’adaha ammaanka uu ka dhaqan galay.
Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa Jabuuti ee howl galka AMISOM ayaa howl galo baaritaano ka sameeyay xaafadaha magaalada ka kooban tahay.
Goobtii shalay qaraxa ka dhacay ee maqaayada ku tiil agagaarka Xarunta Gobolka ayaa saaka xiran, iyadoo lagu arkayo ciidamada Xooga iyo kuwa AMISOM.
Weerarkii ismiidaaminta ee shalay ka dhacay magaalada Beledweyn ayaa saameyn ku yeehay dhaq dhaqaaqa guud ee magaalada sida ganacsiga iyo isu socodka gaadiidka.
Taliyaha qeybta booliska ee Gobolka Hiiraan Col. Isaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay inay socdaan howl galo ay wadaan hey’adaha ammaanka, si ay uga hortagaan weerarada noocaan oo kale.
Weerarkii ismiidaaminta ee shalay ka dhacay Beledweyn ayaa waxaa ku dhintay ilaa 16-ruux oo isugu jira ciidamo iyo dad shacab ahaa oo fadhiyay maqaayada.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com