Shirkii Kismaayo ku dhex maray Beesha Absame iyo niman sheegtay inay ku hadlayaan magaca Beesha Sade, wuxuu ahaa QUURSI IYO ILHAANO reer Sade loogu sii daray MA HADHADII HORAY LOOGU DHIGAY.
Maxamed Ugaas xaashi maha Ugaaska guud ee beesha Sade, taasna waxaa og dadka uu magacooda fuullan-xaday. Waxaa kaloo og Beesha Absame iyo xitaa isaga naftiisa.
Ugaas Xaashi wuxuu dhintay Maxamed oo carruur ah. Waxaa noolaa dhawr nin oo ilma Ugaas Xirsi ah. Waxaa laga doortay Ugaas Cumar. Sharuud ah in Maxamed lagu siisimayo Ugaasnimada lama astayn. Markuu Maxamed korayna ma sheegan inuu xaq ka maqan yahay. Haddii la oran lahaa Adeerki ayuu ka xishoodayna, dardaaran kama qoran. Taasuna waxay ku filantay in ilma Uaas Cumar dhaxaltooyada iska leeyihiin. Haddii damac ka galay Ugaasnimada waxay ahayd inuu gar-dhigto oo markaas wixii tolku guddomiyo ku qanco hadday u roon yihiin iyo hadday u daran yihiinba taasuna ma dhacin.
Side wax u dhaceen?
* Markii AUN Ugaas Cumar dhintay, waxaa la caleema saaray curadkiisa Ugaas Maxamed Ugaas Cumar.
* Maxamed Ugaas Xaashi wuxuu u soo diray hambalyo iyo lacag (sidaan maqlay).
* Rag ka mid ahaa Dawladii kmg ahayd oo damac madaxeed galay ayaa u baahday Isin leedda-fuul ah oo xildhimaanno hadhow doorta u soo boolya. Qurba jog aan Beesha duco uga dhacin ayaa qandaraas lagu siiyey inay Maxamed tusaan riyo Ugaasnimo iyagana xildhimaanno laga dhigo.
* Magaalada B/xaawo ayaa shir caata ah oo waliba dhuumasha ah lagu qabtay iyada oo habeynkiina lagu hoydo Hotel Mandheera ku yaal.
Raggi xildhibaanada rabay naadadii ayaa looga badiyey, kuwii madaxda rabayna doorashadii ayaa ku hareen, waxaana ka dhacay:- Ha i-dhugan ku dhuganmaayee. Maxamedna shacab uu ku laabto ma haysane Hoteel ayuu ku ururay.
Haddi ilu xiranto ilbaa furanta.
* Markaan Kismaayey ka curatay. Run iyo xaq cinuna ma rabto laakiin, shabbad waraaq diyaarsan lagu dhuto ayaa aad loogu baahan yahay, taasna Maxamed waa ku filan yahay, waliba hadda wuxuu haystaa kaarkii uu Shirkii Turkiga ka dhacay kaga qayb-galay oo uu Maxamed meel u dhigo waayey sidii isagoo Dawladda Turkiga Ugaas u ah.
* Waxaa kaloo la og yahay, inaan Maxamed qaali ahayn oo qiima yar lagu helayo. Taasu waxay caddaatay, markii habeyn madaw dayaarad lagu soo xaday isagoo wata NOTABILAYAAL
(ragaan Isimo ahayn laakiin qab-qablayaal ah). Wuxuuna saxiixay wax kasta ee la weydiistey.
Noole aan danqanayn.
* Wixii kismaayo ka dhacay ee Beesha Sade lagu sameeyey waxay ahaayeen wax aan giyiga Soomaalidu dagto ka dhicin. Haddii sharuudaha kaloo dhan la heli lahaa, waxaan la heli karayn, Dawlado shisheeye ah iyo qabiil sokeeya ah oo wada socda oo quwad Ciidan oo dhul, cir iyo badba leh u isticmaalay dad masaakiin ah oo toodiiba u ciirsan.
* Waxaa calool xumada sii badinaaya, markii la arkay iyadoo ninkii sheeganayey Ugaaska beeshu uu marqaati ka yahay, maydka is dulsaaran, maalka la boobaayo, gabdhaha la fara xumeeyey oo cabaadkoodu baxayo, raga dhaawaca ah oo la dhibib-tiraayo iyo wax kasta oo xun oo dhacya ee aanu juuq ka oranayn.
Allaw iga aamusi islaan ayaa wiilkeedii ku tiri.
Iyada oo Beeshu ka samirtay Maxamed Ugaas Xaash, oo loo qaatay nin dhintay, tolkiisna la aakhir-tagey, ayaa maalintii Sabtida ee taariikhdu ahayd 16/10/2013,warbaahinta waxaa ka hadlay nin magaciisa ku sheegay Buraale oo afka Maxamed Xaashi ku hadlaya. waxaa ninkaasu sheegay in beesha Absame ay beesha Sade Maxamed Xaashi xaal ugu sii dhibtay. Waxaa Maxamed ugaas Xaashi beeshu weydiineysaa dhawr su’aalood oo kala ah:-
1. Mataqaan waxa laaga xumeeyey ee lagaa xaal siinayo?
2. Waligaa ma sheegatay in wax laguu dhimay?
3. Mataqaan dadka lagaa laayey tirsigooda iya magacyadooda?
4. Mataqaan inta dhaawaca kaa ah?
5. Mataqaan inta la dhibib tiray?
6. Mataqaan tirada iyo magacyada gabdhaha la fara xumeeyey?
7. Mataqaan hantida la boobey tirsigeeda iyo noocyadeeda?
8. Mataqaan guryaha la burburiyey tirsigooda?
9. Mataqaan dadka la bara-kacshe tiradooda iyo meelaha ay kala jiraan.
10 Mataqaan dadka xabsiyada sida u jeeddada ah loogu jirdo?
11 Waxaad sheegtay in xaal lagu siiyey, ee maxaa lagaa yiri waxaas oo xaquuq ah oo kaa maqan?
Maxameddow ma kula tahay inay sidaasu Sade u qalanto, mase kula tahay inay adiga qof ahaan kuu qalanto markii ugaasnimo meel ayska dhigo?
Waranka gartaye cagtuna?
HAddaba waxaan Absame leennahay WAALAALAYAALOW NA DILA WAA IDIIN DULQAADANEYNAAYE, LAAKIIN HA NA BAHDILINA U DULQAADAN MEYNNE. Taas waxaan ula jiidnaa cidda dhaqanka oo mataleysa iyo cidda siyaasadda noo mataleysa ha noo doorina ee noo daaya aannu dooranne.
Beesha Sade waxaan ku baraarujinayaa inaan xaaladdu sidii hore ahayn, waxaad arki jirteen qilaaf aad ka soo kabataan, hadda waxaa arrinta faraha kula jira dawladaha dariska ah waxayna filinka is jilayaan dadka aad dhashada iyo dagaankaba wadaagtaan. Haddaad dadka dhagaha nugul ee haruub-raaca yaqaan ee idinka dhashay, qaarkiin qabiil ugu hiilliyo ogaada inaad jinsi guuraysaan.
Taladeydu mahaa inaad walaalihiin colaad iyo canaad kula dhaqantaan oo waxaan waliba leeyahay cunnada inta badan ka Gaajooda, laakiin marna qabkiinna iyo tixgalintiina naxashka ha saarina.
Taas waxa kaliya ee lagu heli karaa waa in, nin kastaa ninka xiga ee danta qabiilka baayaca sida cadawga ula diriro.
W/Q: Maxamed Saciid Guuleed
BaledXaawo, Soomaaliya
mohamedsaidhguled@gmail.com
Qoraalkan waa fikirka qoraha marnaba kama turjumayo fikirka warbaahinta Allgalgaduud Media, fadlan waxii dhaliil ah amaba amaan ah kala xiriir qoraha qoraalkan emailkiisa. mohamedsaidhguled@gmail.com
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com