Kismaayo (AGGM):Wafdi Wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ciidan ayaa goor dhow gaaray magaalada Kismaayo, kuwaasoo horu dhac u ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu wado inuu goor dhow ka dego Kismaayo.
Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in qaban qaabo iyo diyaar garow xoogan oo lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha ay ka socoto, iyadoo ammaanka aad loo adkeeyay.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in duhurta uu gaaro Kismaayo, taasoo noqoneysa markii u horeysay Madaxweyne Soomaaliyeed oo muddo 22-sano ah taga Kismaayo.
Ciidamo ka mid ah ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha, Ciidamada AMISOM ee socda Uganda ayaa goor sii horeysay gaaray magaalada Kismaayo, si ay u xaqiijiyaan ammaanka wafdiga Madaxweynaha.
Wararka ayaa sheegaya in goor dhow garoonka Kismaayo la geeyay ciidamo salaan sharaf ka qaata Madaxweynaha iyo kooxda muusikada baambeyda oo astaanta qaranka u garaaca Madaxweynaha marka uu tago.
Horjoogeyaasha iyo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa diyaar garow ballaaran u galay soo dhoweynta Madaxweynaha, iyadoo wararku sheegayaan in laga yaabo Madaxweynaha loo rido 21-madfac.
Wadooyinka ayaa lagu xardhay sawirka Madaxweynaha iyo calanka Soomaaliya, ciidamo fara badan ayaa la dhigay wado kasta, ilaa xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Kismaayo.
Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com