Sida aan la wada socono degmada wadajir ee gobolka banadir waa degmo ka mid ah 17 degmo ee gobolka banadir, waana degmada kaliya ee ilaa iyo iminka aysan kooxda alshabaab ka talin, waxaana ka taliya maamul ay dowlada u soo magacawday degmadas, oo aan dhicin waana degmada ugu badan ee lagu ugaarsado wariyayasha somaliyeed, oo uu ugu danbeeyay rabbi naxariistisa jano ha siiye wariye mahamed mahamuud timo cade oo ka mid ahaa shaqalada television universal xaruntiisa muqdisho, oo ay dhagar qabayaal weerar u geesteen xilli uu goobtiisa shaqo u socday.
Gudoomiyaha degmada wadajir axmed xasan cadow “Daaci” oo shaqsi ahaantiisa ka badbaday isku day dil, oo uu ku wayay mid ka mid ah lugahiisa, ayaa ilaa hada wax muuqda ka qaban amaanka degmadaas waxaana sida muuqada degmada ay noqotay mid lagu ugaarsado maskax maalka somaliyeed, mamulka degmada ka jirana uu ku ekaado cambarayn.
Waynu cambaraynaynaa, waynu ka xunahay, waynu baarayna, waynu u tacsiyeynaynaa, waynu soo qaban doona waa hadalada ugu badan ee madaxda dowlada iyo sarakiisha ciidanka ay ku halqabsadaan iyadoo ilaa hada aaan cadalada la horkeenin shaqsi fal dambiyeedkaas ku eedaysaan, ama loo soo qabtay, malmo ka bacdina aan dib la isku waydiin dhagar qabayashana ay dhex boodayaan magalada iyagoo shirqoole kale maleegaya.
Saxafiyada Somaliyeed ee marxalada adag ku shaqeeya ayaa noqday kuwa dareen ku joog ah madama ay noqdeen kuwo u nugul dhagar walba oo la abaabulo haday ahaan lahayd mid ka timi kooxda mayalka adag ee al-shabaab ama mid ka timi dhanka dowlada oo dhankeda wax ka handada saxafiyiinta somaliyeed.
Sanadkii tagay ee 2012 ayaa noqday sanadkii waxyeelada ugu badan ay soo gaartay saxafiyiinta somaliyeed iyadoo ku dhawaad 20 saxafi lagu dilay gudaha wadanka somaliya, halka qaar kalena lagu dhawacay ilaa hadana aan qofna loo soo qaban dhagartaas baahsan ee ka dhanka ah saxafiyinta somaliyeed.
Sanadkaan aan iminka ku jirno ee dhamaadka ku dhaw oo la islahaa wuu dhaami doonaa sanadadii hore ama dowlada wax bay ka qabanaysaa falalka lagu ugaarsanayo saxafiyiinta somaliyeed ayaa riyadaasi beenowday ka gadaal markii falalkii beegsiga ahaa ay meeshoodi ka sii socdeen dowladana ay afka baarkiisa dhaafi wayday.
Gunta iyo gabagabada qoraalkayga waxaan dowlada somaliyeed ugu baaqaya in muhiimad gaar ah ay siiso saxafiyiinta somaliyeed, si dowlada u noqoto mid hanata kalsoonida saxafiyiinta somaliyeed, sidoo kale saxafiyiinta ayaan dhankooda ugu baaqaya in ay muujiyaan karti , dhagna jalaq aysan u siin dhagar qabayasha isku dayaya in ay amusiiyaan saxafada xorta ah ee ka hana qaday gayiga somaliyeed, waxaana eebe ugu baryaa dhamaan inta sida xaq darada ah ugu baxay gacanta arxan lawayasha in rabbi u naxariisto, kuwa la jiifa iminkana uu rabbi caafimaad buuxa u siiyo, kuwa marxalada adag ku shaqeeynayana uu eebe weyne ku badbadsho dhagar walba oo loo maleego.
Qalinkii: Mohamed Abdirahman Ismail “Timo”
Mahamed09@gmail.com
Selangor-Malaysia
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com