Kismaayo (AGGM): Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa xalay kulamo la yeeshay ganacsatada beel kamid ah beelaha daga gobollada Jubbooyinka.
Kulanka ayaa ahaa mid looga hadlayay arrimo khuseeya ganacsiga iyo horumarinta beeshaasi.
Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu maanta booqdo xarumo dhowr ah oo ku yaalla magaalada Kismaayo.
Shalay ayuu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud gaaray Kismaayo, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen Horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni iyo odayaasha dhaqankooda.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com