Muqdisho (AGGM): Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ka ambabaxay tiradii ugu badneyd ee Garsoorayaal iyo xeer ilaaliyayaal ka tirsan maxkamadaha dalka, iyadoo mas’uuliyiintaasi ay kaga qeyb galayaan shirar iyo tababaro ay ku soo kala qaadanayaan wadamada Jibuuti iyo Kenya, waxaana garoonka ku sii sagootiyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Abuukaate Ceydiid Ilka Xanaf oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in maanta ay u ambabaxayaan dalka Kenya, islamarkaana ay ka qeyb galayaan shir garsoorka looga hadlayo oo loo qabanayo wadamada Geeska Africa iyo dalka Yemen. Waxaana tirada mas’uuliyiinta ka tirsan maxkamadaha Dalka uu ku sheegay Abuukaate Ceydiid in ay yihiin 15 mas’uul oo isugu jira Garsoorayaal iyo xeer ilaaliyayaal ka socda maxkamadaha dalka.
Abuukaate Ceydiid Ilka Xanaf ayaa waxaa uu sheegay 15-kaasi afar ka mid ah in siminaar ay ku soo qaadanayaan dalka Jibuuti 11-kale ay ka qeyb galayaan shir looga hadlayo arrimaha Garsoorka, iyadoo shirkaasi uu qeyb ka yahay Guddoomiyaha Maxkamdda Sare ee Dalka.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dadaaleysa sidii loo kordhin lahaa tayada Maxkamadaha dalka iyo garsoorka, si ay u wajahaan dacwadaha qaab cadaalad ah oo ku dheehan aqoon dacwadaha ay qaadayaan, iyadoo dowladda Soomaaliya magaalada Muqdisho sanadkani ay ku qabatay shir looga hadlayay garsoorka dalka oo ay ka qeyb galeen madaxda ugu sareysa dalka, aqoonyahano, iyo Culumo udin Soomaaliyeed.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com