Muqdisho (AGGM); Shirka dib u heshiisiinta Jubooyinka ayaa waxaa uu maanta si rasmi ah ugaga furmay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, iyadoo shirkan uu ka qeyb galayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Ergooyin ka socda Jubooyinka, odayaasha dhaqanka, dhinacyada isku hayay maamulka Jubooyinka ayaa ka mid ah xubnaha shirka ka qeyb galaya, waxaana sidoo kale shirka goob joog ka ah xubno ka socda Beesha Caalamka.
Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa waxaa shirka ku wehliya xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada, sida Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ah Gudoomiyaha shirweynaha, Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba, Xildhibaano iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Wasiirka Arrimaha gudaha oo shirka ka hadlay ayaa ku tilmaamay mid muhiim ugu ah nabadeynta deegaanada jubooyinka, isla markaana xal laga gaaro dhibaatadii ka dhacday deegaanadaas.
Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe ayaa uga mahad celiyay qabsoomida shirka madaxda ugu sareysa dowladda, waxaana uu ku tilmaamay heshiiskii Addis Ababa inuu ahaa mid taariikhi ah, isagoo si gaar ah uga mahadceliyay dowladda Itoobiya oo dadaal ku bixisay miro dhalka heshiiskaas.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xilligan shirka ka khudbeynaya, isagoo kaga hadli doona ujeedada shirkan iyo qorshaha mustaqbalka ee dhismaha dowlad goboleedka Jubaland oo lagu qeexi doono Road Map shirka laga soo saari doono marka la soo gaba gabeeyo.
Shirkan oo wali socda ayaa la ogeyn mudada uu soconayo, waxaana ammaanka uu yahay mid aad loo adkeeyay, iyadoo la xiray wadada isku xirta garoonka diyaaradaha iyo isgoyska KM4.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com