Kuwa Wabbigu Wallaalahaa Maahan ? W/Q idiris A. Dooxa-joog.

0

kuwaAlle how ahaysiiyo cawil-celintiisa dadka Soomaaliyeed ee waxyeeladda dhimasho iyo dhaawac maal iyo nafeed sababtay ay soo gaartay , ee ka dhalatay fatahaaddi Wabiga Shabeelle ee Gobolka Shabeeladda Dhexe iyo waxyeeladdi roobabki dabaylaha watay ee saamayntooddu noqotay dhimashadda iyo barro-ku beelidda deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal iyo Bari Soomaaliya.

Dhibku guud ahaantiis waa mid damqaaya damiirkeenna , waynnuna ka xunahay dhacda dhibaateedkaas , Waxayse ka ahaatay Alle Xagiisa , Ka gaashaamasho iyo la Tacaalid waxyeelooyinka dabiiciga ah waxaynnu u nahay dad u dagan oo aan dawlad lahayn .

Intaas ka gaddaal aynnu u daadagno arrinka qormaddu ku saabsan-tahay , Waa kala mudnaysiinta musiibadda ka kala dhacday Gobolka Shabeeladda dhexe iyo midda ka dhacday Bari iyo Nugaal .

Fatahaadda wabbiga .

Waxay waxyeello darani ka soo gaartay dadka dagan aagga wabbigu ku soo fatahay ee Gobolka Sh/ Dhexe ,Fatahaddu waxay burburisay guryahooddi iyo tacabkoodi , Kolkaas waxay soo istaageen cayr cidla taagan oo u baahan Gargaar lala gaaro .
Duufaanta .

Duufaantannu waxay ku dhufatay deegaano ka mid ah goboladda Nugaal iyo Bari Soomaaliya , waxaynna gaysatay waxyeello qur go’ , burbur barreed , iyo maal ka musalaf .

Labadda Dhacdo .

Labadda dhacdo waxay ahaayeen kuwo xagga masuubo-nimadda ka middaysan oo waa dad ay isku si u qaadeen biyo awood muqunin badani, oo halka ay haleelaan faaruqinaaya .

Waxaase mid jirta ah in ay khasaarooyinku kala badan yihiin , Tan fatahaadda wabiga ayaa ka waxyeello yar tan duufaanta Bari iyo Nugaal ku dhufatay , sida la sheegay ..Ase waxaa jirta in ka soo waranku yahay mid dhan u jan-jeera oo aan siyo isku mid ah looga soo wadda war-keenin , sidaas ayaynnu waxyeeladda ugu aqoonsanayn in ay ku kororsan tahay dhanka Roob-duufaaneedka .

Kala Mudnaysiin .

Cadaalad darraddu qofkeedda liibaanta Aakhiro ha seejiso ….

Waxaa tu lala yaabaan ah in dadka Soomaaliyeed ay u kala aqoonsaddeen labadda waxyeello kuwo midna aan loo wadda dalbin gurmad tan kalena badanka dad Soomaaliyeed la dhawaaqaan dhib ayaa dhacay ee Gurmad fiddiya

Soomaalida siyo kala gadisan ayay u kala saameeyeen Fatahaadda wabiga Shabeelle iyo Duufaanta Bari iyo Nugaal .

Warbaahinta Soomaalida ,Dawladda Villa-Somalia , Somaliland , Culli’udiin iyo qaybaha kala duwan ee Bulshadda Soomaaliyeed ee ku kala dhaqan guddo iyo dibbadba waxay si xamaasad iyo u gurmasho ku dheehan tahay ugu dhawaaqeen dhibka ka dhacay Bari iyo Nugaal ,

Halka tan Shabeelladda dhexe aan oran karo saamaynteeddu Soomaalida ma wadda damqin .

Si kale isku si looguma damqasho dhawaaqin labadda dhibaato , Walaalaheenna Puntland u gurmadda ayaynnu maqalay iyadda oo meello badan laga leeyahay , Halka aynnaan maqlin inno le’eg intaas duufaanta ka damqatay ee dad Soomaaliyeed oo sidaas oo kale u yiri Walaalaheenna Wabbigu ku fatahay aan u gurmanno .

Kuwa Wabbigu wallaalahaa maahan ?.

Kuwa wabbiga Shabeelle ku fatahay miyaysan ahayn walaalahaa sida kuwa Bari iyo Nugaal , Illayn kaama maqal walaalahayga Wabiga halloo Gurmaddee ?

Waxaan halkaan ka arkaynaa in Soomaalidu ku kacday Cadaalad darro ku salaysan kala saraysiin dad Soomaaliyeed oo dhibaatooyin wadda halleeleen , Kolkaas waxaan iswayddiinaynaa Maxaa u sal ah kala mudnaysiinta Musiibooyinka ?

Cadaalad daradda muuqata maxaynnu u sababaynnaa ?

Ka wayddiin-celin.

Dhowr si ayaa leh siday illa tahay kala saraysiinta dadka Soomaaliyeed ee waxyeelooyinka ay siyo kala duwan ugu kala qiimeeysnaadeen

⦁ Labadda deegaan oo mid maamul hoosaad leeyahay , taasuna ay sababtay in deegaanka aan Maamulka lahayn dadkiisa loo arko in ay yihiin kuwo ka hooseeya kuwa maamul hoosaadku ka jirro deegaanadda ay dagan yihiin

⦁ Cunsurti kala sooc ee ka soo maaxatay dhimmirka dhiman ee dadka ku kala saraysiiya Odayaal dhintay oo ah fahan nololeed Soomaalida u kala saara gob iyo gun waxay noqon kartaa tu loo celin karo Kala saraysiinta labadda dhib, sidaasna aynnu u leenahay aagga wabiyadda ku teedsan waxaa daga dad Soomaaliyeed oo dhaqanka soo dhiganka ah ee Foosha-xumo ka yaraysiiyo kuwa kale .

⦁ In dadka ku dhaqan Shabeelladda Hoose ee Soomaaliyeed ee wabbiyaddu ku fataheen waxyeeladdana gaarsiiyeen yihiin kuwo baddankoodu ka tirsan dadyoowga loo yaqaano BANTU , halka kuwa ku dhaqan Goboladda Bari iyo Nugaal Soomaaliya ee Roobabku waxyeeleeyeen yihiin kuwo ka tirsan Dadka lagu tiriyo KUSHUTIGA .

Maddama dadka Soomaalidu u badan yihiin kuwa KUSHITIGA Ah waxaynnu oran karaa Yaraanshaha BANTUGU waa mid saamayn ku yeelan karta ase tannu waa fahan ku sii durugsan garashadda oo aan ahayn aqoonsi dhow oo Soomaalida ka dhex jirra , si kale waa hab si dadban u dhici kara .

Dhihid.

Waxyeellooyin kala kor-marintu waxay inna tusinaysaa in dadka Soomaaliyeed yihiin dad Cadaalad darro dugsaddo , Dad is-hoosaysiinta iyo iskala saraysiintu ay tahay Fahan nololeedkoodda fool-xumaanta badan ee badday dhib ku noolaanshaha .

Waxaa mudan in damqashaddaadu ahaato mid ku dhisan Aaminaad Samaawi dad ay iddin xiriiriso iyo mid Qowmiyaddeed ,aynna isku si kuu saameeyaan dhibka ka dhaca dalkaaga meello ka mid ahi .

Dhamayn .

Looma macnayn karo qormadda si ka duwan sida ay u dhigan tahay ee ah , Isku si u arkidda waxyeeladdu waa mid mudan , kala saraysiintuna waa dhaqan fool-xun oo laga dheehan karo Cadaalad darro gaamurtay , Qalbiga dammiirkiisa dadnimaddu ku ridan tahayna dhibta .

Ugu dambayn Alle ayaa leh u gargaar aan u gargaarid kale la mitaal dhignayn ee Alle ha gargaaro gargaariisa fidsan dadkaas wallaalaheena ah ee Soomaaliyeed ee waxyeelooyinku ka soo kala gaareen roob-duufaaneedki iyo Fatahi wabbiga.

W/Q idiris A. Dooxa-joog.

Dooxajoog5@gmail.com Facebook: Halkaan Riix  Bog qoraalleed :Idirism

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com