Xasan Sh. Maxamuud: Haatan iyo Dan! W/Q. Mahad Kooshin

0

urlSannad ka hor ayay ahayd markii la dhaariyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh. Maxamuud. Inkasta oo aan aqoon badan bulshadu u lahayn hoggaamiyaha cusub doorasha ka hor, hadda na aad ayaa loogu hanweynaa isbeddelka uu la imaan doono.

Taasu waxay ku salaysnayd dhawr qodob; waxaa bulshadu ka daashay wax-qabad la’aantii, ku-meel-gaarkii, bililiqaysigii hantidii yarayd ee dalka iyo isqabqabsidii madaxweyneyaasha iyo wasiirradii koowaad ee tirada badnaa. Runtii rajadu sidaas uma buurnayn ugu horrayntii.

Hayeeshee dawladda Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud halkii gu’aad ee ay jirtay waxqabad iyo himilo weyn ba waa xaqiijisay. Halkaas gu’ ayay taabsatay guulo aan ummaddda Soomaaliyeed soo marin teer iyo waagii hoggaankii militariyeed ee Xisbigii Hantiwadaaggii Kacaanka Soomaaliyeed ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ee dalka hoggaamiyay toddobaatameeyadii iyo siddeetameeyadii.

Meeqaam dawladeed iyo yididdiillo qarannimo ayuu bidhaamay sutiga haatan. Dawladihii ku-meel-gaarka ee rajada dadka tumaatiyay oo musuqmaasuqa lagu bartilmaameedsaday ayaa sannadkii tegay laga raystay oo loo riyaaqay taliska cusub ilaa heer. Taageerada dadku se waa geed harkiis oo kale.

Dhanka ay waabberiga joogto maahee dhanka kale ayay gelinka dambe u weecantaa. Madaxdu dhabtaas waa u marti had iyo goor. Dhammaan wixii dadka Soomaaliyeed waxyeello gaaray Soomaali ayaa u geysatay ama horseedday oo ka wada masuul ah.

Odayaal dareen laran la cirraystay mooyaane guud ahaan bulshadu waxay garwaaqsatay iscafis iyo saamax baa looga kabtaa dhacdooyinkii labaatankii sano ee burburka iyo labaatankii Kacaanka iyo sagaalkii ka horreeyay ba.

Waayo’aragnimada qaangaartay ayaa weylaalis-dhigashadii dhaqan Soomaaliyeedkeennii shalay ka-sokow tisqaadday hab-fekerka cusub oo dunida maanta manaafacaaday oo dadka Soomaaliyeed u oomman yahay si looga waabto muran iyo maneeno.

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud waxaa uu muujiyay intii uu shaqada hayay nuglaan dheehan garashada duruufaha Soomaali ku gedaaman.

Hayeeshee sannad ka dib waxaa dho’ soo yiri khilaafaadka asaga iyo wasiirkiisa koowaad. Wuxuu ummadda ku soo godlay xasuus ay doorbidday in ay iska illoobaan. Guulihii geeddiga hagaagsan iyo hibada rajo ayaa durba mur iyo deebaaq bulshada ku noqday.

Yaab iyo amakaag ayaa dhabannada gacanta la la saaray oo beddelay “dawlad baa noo dhalatay.” Waa maxay sakalahaan isdhaafsamay durba? Maxaa dib-u-noqoshada? Haatan iyo dan!

Taxanaha kontonkii gu’aad oo xigay gobannimadii loo soo dhiigbaxay ayaa caddaysay in dawladnimadu Soomaalida ku cusub tahay oo ay weli barasho buuxda u yeelan hay’addaan.

Milgaha masuuliyadeed ayaa dheehan degganaan siyaasadeed oo dalku yagleelo oo Madaxweynuhu guudka saartay markii la dhaariyay. Sidaas awgeed haddii uu gudan waayay waajibaadka – ama magacaabay Ra’iisal Wasaare shaqada ku guuldarraystay – halkaas waxaa cukan talo-xumadiisa.

Tayada jagada ayaa tebaysa soof-aragnimo lagu tanaado. Isqabqabsigu se suul-aragnimo Soomaali ceebeeyay ayuu bidhaamiyay. Dhimaalka intaas le’eg ee dalka ku dhacay waxaa ka masuul ah Madaxweynaha. Asagu na dalka ayuu u shaqeeyaa oo kama sarreeyo. Sidaas darteed waxaa habboon oo sharafku ku jirtaa in Madaxweynuhu iscasilo.

Huboonto weeyaan haddii jagadu shirkad gooniyeed tahay Mx. Xasan Sh. Maxamuud waxa uu bixin lahaa faahfaahin sharad ahaan iyo shuruud la’aan. Bulshada Soomaaliyeed na intaas in ka badan ayay mudan tahay.

Hayeeshee Madaxweynuhu wuxuu ka gaabiyay oo dadku u dulqaatay afgaabni oo warbaahinta kalama xiriiro bulshada. Tusaale ahaan markii bishii Maarjo ee sannadkaan sabab iyo war la’aan la beddelay jeneraalladii XDS, jeneraal C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo abaanduulihii hore ee XDS, jeneraal C/Kariin Yuusuf Aadan “Dhaga Badan” oo dagaalkii Al Shabaab hakadsamay.

Waxaa xigay iscasilaaddii Guddoomiyihii Bangiga Dhexe, Yusur Abraar, oo ahayd Guddoomiyihii labaad ee galaalay hawshaas sannad gudihiis (Cabdisalaam Cumar Hadliye ayaa horraantii sannadkaan ilaa Sebtember hayay jagada) oo haysay bil iyo bar ka hor intii ay nafteeda u baqin oo carartay.

Waxaa kolkaas Madaxweynuhu carrab-baabay in uu la dagaallami doono musuqa oo soo kiraystay shirkadda dhaqaalaha ee Shulman Rogers. Hayeeshee waxaa qiimo dhacay gumarrada kalsooniyeed ee bulshadu hadiyaysay dawladda oo beec ahaan suuq beelay.

Liibaan Obsiiye iyo Sakariye Xuseen ayaa ka talo bixiyay shibbanaanta Madaxweynaha oo HiiraanOnline ku dabaacay maqaal af Ingiriis ah 26kii Oktoobar, 2013, halkaan ka akhri: (http://hiiraan.com/op4/2013/oct/41749/speak_up_mr_president.aspx).

Aftahannimo se waa hibo loo dhasho waa [na] haybad la kirasyto oo qofka hoodo u leh ku shaqaysto. Soomaaliyi waa war-ku-nool sidaas awgeed intaas oo godob ayaa lagu hadaltiray in kalkaaliyeyaasha abaaniya Xasan Sh. Maxamuud ka dambeeyaan.

Geesta kale Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon (Saacid) ayaa ku tiraabay “Khilaafku waa mid Dastuuri ah…” – oo haddii arrintu sidaas u fududdahay waa maxay qaloonbiga iyo bullaanku? Dastuurku soo uma dhigna surgoynta dhammaan wixii goondhabada iyo goolaaftanka ballaysima? Sidee Dastuurkii xalin halaa khilaafaadka oo ka sarreeyay aragti iyo dan shaqsiyeed u yahay khilaaf? Bal Adba!

Xal yimaada waa suurogal, waa na suurogal in xalku ka wanaagsanaado mushkiladda, waa se aakib oo gabbaati noqon karo dhaawaca gaaray haykalka dawladeed ee hoggaamiye Xasan Sh. Maxamuud. Marxaladdaanu waxay iridka u ballaqday tijaabo lagu kala shaandheeyo oo lagu xadeeyo awoodaha wasiirka koowaad iyo ta Madaxweynaha ee booranta aloosan mar wal ba. Isla mar ahaantaas ceebta oo dood albaabbadu u xiran yihiin lagu dhammeeyo ayaa ka wanaagsan warar codbaaniyaha la isu mariyo.

Mahad Kooshin
Mahadkooshin@hotmail.com

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com