Xilli in ka badan boqolaal Somali ay la dhibtoonayaa musiibo rabaani ah oo ku habsataya deeganadooda, naf iyo maalna galafatay ayaa waxa jirin madax ilaa hada ficil la yaqaan ka geesatay u gurmadka marasta ay musiibado heesato, taa badelkeedna ay madaxdii isku mashquuleen xilli aan loo baahneen, dhaartii ay dhaarteena ay baal mareeen.
Isbuuca labaad ee bisha November waxay shacabka somaliyeed ee ku nool deeganada ay galafatay musiibada dufaanta loogu magic daray cyclone ay u ahayd maalin mugdi ah, qadar rabaani ahna ay soo foodsartay, madaxdii ugu sareysay dalka ee ay garabka ka sugayeena midba midka kale uu ku mashquulay xilli xalad adagi jirto.
Madaxweynaha iyo raisal wasaraha oo ah labada masuul ee ugu saraysa dalka ayaa ka badin wayay in midba midka kale isagoo la xifaltamaya ay xafiisyadooda ka soo badin wayaan, madama ay iyaga xurgufi u dhaxayso, dhibanayaasa cyclone inta ka badbaaday ay daryeelo iyo hoy la’aanba iskugu darsantay, halka raga isqabqabsiga ka dhexeyana ay ka soo kacaan qasri aad u wayn, ninkiina neef barkii uu maalintii quuto, balse alle ayaa xaq soore ah.
Away kitaabkii lagu dhaartay, away balanta magaca alle ay ku qaadeen, hadaba jawabta aqristaha baan u danayaaa?
Musiibada Cyclone ayaa tirada la hubo ee ay galafatay iminka ay ku sii dhawdahay ilaa 500 oo qof, gargarkii ugu horeyayna ay ka heleen dowladaha jaarka ah xilli dowladii ka wakiilka ahayd u hadalka ugu dhagay calamka hala soo gaaro gar gar, xilli maalin walba xurunta madaxtooyada lagu sheego lagu shirayo wasiiro ama xildhibaano caqligooda dhuunta wax ka maqla, wax ay u naxayan ama ay ka naxayaan aysan jirin.
Madaxweyne Hassan Iyo Raisal Wasaare Saacid ma waxay hilmameen in maalinta qiyaamo aan la iswaydiinin badilka guryahooda ka soco, horumuudkana ay u yihiin, mise magan alle ayay ku jiraan oo waa MARFUCU QALAM aan waxba loo heysan, miyaysa hilmaamen raga ulul amriga sheegtay in ALLE uu su’aali doono raascaseyr ilaa raaskambooni muwadin walba oo wax ku noqdo, madama ay iyaga wakiil ka yihiin,
Hadaba maxaa madaxdeena u diiday in ay sunnadii nabiga, iyo asxaabtiisa ay raacan, aan idin yara xasuusiyo mid ka mid ah qisooyinka in lagu cimri qato u bahaan.
Habeen habeenada ka mid ah ayaa waxaa dhacday inuu Amiirkii Muslimiita ee wakhtigaas, Cumar Ibn Khattab (ilaahay ha ka raali noqdee) oo dhex qaadayay xaafadaha Madinal Munawarrah si uu ogaado dareenka iyo dhibtaada dadkiisa. Kadib wuxuu maqlay oohin, markaas ayuu ku leexday gurigii ay kasoo baxaysay oohinta. Markaas ayuu arkay haweenay iyo caruurteeda oo oynaya, iyo digsi dabka saran. Kadib ayuu haweenaydii waydiiyay waxa keenay oohinta caruurta. Gaajo inay hayso ayay u sheegtay Amiirka. Hadaba digsiga maxaa saaran ayuu waydiiyay. Biyo caruurta lagu sasabo ayaa saaran ayay ugu jawaabtay. Maysan garan inuu ninka la hadlayo yahay Cumar.
Kadib ayay bilowday inay eed dusha uga tuurto Cumar ayada oo ku eedaysay inuu iska indhatiray dhibka haysta iyada iyo caruurteeda. Cumar oonan wali isu sheegin ayaa markaa waydiiyay waxa uu u qaban karo asaga oo markaas ilin badan ka qubanayso. Haweenaydii ayaa u sheegtay inay waajib tahay inuu ogaado dareenka ummadiisa maadaamo uu yahay Amiirkooda.
Cumar (rc) oo u la socdo gacan yarihiisii Aslam ayaa markaas soo aaday dhanka magaalada ilaa uu gaaray Baytul Maalkii. Markaas ayuu bilaabay inuu soo raro cunto kala duwan, saliid, bariis, subag iyo xogaa lacag ah. Markuu jawaankii buuxiyay ayuu ka codsaday Aslam inuu dhabarka u saaro. Aslam ayaa diiday asaga oo ka xishooday inuu Amiirka Muslimiinta jawaan buuxo dhabarka u saaro. Cumar ayaa ku adkaystay, kuna yiri Aslam: “Ma adiga ayaa Maalinta Qiyaamaha culayska iga qaadi doona. Waa inaan aniga xanbaaro jawaankanmaadaama Maalinta Qiyaamo aniga la I waydiin doono.”
Aslam ayaa markaas Cumar (rc) u saaray dhabarka iyaga oo bilaabay inay aadaan dhankii guriga haweenaydii baahnayd. Markii ay tageen gurigii ayuu Cumar (rc) digsi ka buuxiyay raashin, ilaa uu ka bislaado, hadana u soo riday caruurtii, iyaga oo ka dhargay isla markiina bilaabay cayaar. Haweenaydii oo aad u faraxsan ayaa Cumar (rc) ku tiri: “wallee adaaba ka fiican Amiirka Muslimiinta, Cumar.” Cumar (rc) oonan wali isu sheegin ayaa ku jawaabay: “Hadaad aniga iga soo war doonto, waad arki doontaa Amiirka Muslimiinta insha’Allah.”
Kadib ayuu iska fariistay isaga oo fiirsanaya caruurtii oo cayaar gashay. Intuu Aslam jaleecay ayuu yiri:
“Ma ogatahy waxa igu keenay inaan halkan fariisto? Hadaayey caruurtaan way ooyaysay, iminkana way qoslayaan oo cayaar ayay ku jiraan. Inaan iska fiirsado faraxooda ayaan jeclaystay.”
Hadaba akhriste ma kula tahay ilaa iminka qof raaca iska daaye in aan aragnay qof dhankas xitaa u soo janjeera, marka laga reebo in diyaarad lagu safro wixi la soo helana jeebka lagu shubto, jawabta inta aan la isiin aan iska bilaabo waa “Maya”
Nin walba ujeedkiisa waa nin jecleeysi iyo jeeb buuxsi balse maalinta qiyaamo ayay xisaabi taala, Villa Somalia Iyo Taangi Amisom Maalin Aaan La Xasuusanaynin.
Dhamaan dhibanayasha ku dhintay musiibada rabaaniga ah rabbi ha u naxariisto kuwa dhawaca ahna rabbi ha u dhawac dhayo, badel khayr qabana eebe weyne ha siiyo insha allah….
Qalinkii: Mohamed Abdirahman Ismail “Timo”
Mahamed09@gmail.com
Selangor – Malaysia
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com