Dhageyso: Ciidamada Dowladda Oo Duqeeyay Deegaanka Nambar 50 Iyo Odoyaasha Deegaanka Oo Ka Hadlay.

0

madfacNambar 50 (AGGM): Qaar kamid ah waxgaradka ku nool Gobalka Shabeelaha hoose gaar ahaan deegaanka Num-50 ayaa ka hadlay duqeyn ciidanka Milateriga ay saaka ku garaaceen deegaankaasi.

Waxgaradka deegaanka ayaa sheegay in ciidanka Milateriga ay si adag uduqeeyeen deegaanka oo khasaaro kala duwan uu ka dhashay sida ay sheegeen Odayaasha deegaanka.

Mid kamid ah Odayaasha deegaanka Num-50 ayaa sheegay in madaafiic culus lagu soo garaacay deegaanka Num-50 oo dad badan ay ku laayeen deegaanka.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ku eedeeyay xasuuqa dad shacab ah oo ku sugan deegaanka Num-50 ee Gobalka Shabeelaha hoose.

odayaasha N50

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com