Waxaa jira khilaaf madaxda somaliyeed ka dhex aloosmay.
Waxay u egtahay in khilaafkaasi, hadduusan helin cid kalo oo wax ka qabata usan hurayn in lagu kala baxo Barlamaanka.
Barlamanka laftigiisa waxaa hortaal in u si fiican oo sharci waafaqsan u geexo waxa la isku hayo oo asaga looga doonayo in u mowqif ka qaato. Suurto gal iyo mas’uuliyad ma aha wax kasta oo la soo hordhigo in u hawtulhamag u galo asago an uga fiirin xagga sharciga dalka iyo sida ay ku yimaadeen.
Barlamanku waa in u isweydiiyaa:
Ma asaga dhaliilay xukuuadda oo curiyey arrinta kalsoonida ?
Ma madaxweynaha yaa iski u curiyey oo u bogi waayey hawsha xukuumadda ?
Ma isqabad madaxweynaha iyo raíisulwaruha(RW) yey ku timid ?
Waxaa la wada ogyahay in arrintani ku timid qaabka seedexaad oo ah in madaxweynuhu ka dalbay RW in u iscasilo.
Haddiiba waxaa imaanaysa su’aasha ah dalabka madaxweynaha ee iscasilaadu ma waafaqsan yahay dastuurka?
Haddu waafaqsan yahay waa in barlamaanku u codeeyaa oo go’aankii sax u moodo ka gaaraa.
Hadduusan waafaqsanayn dastuurka maxaa barlamaanku ka yeelayaa?
Haddii dalabku noqdo mid an sharciga waafaqsanayn, waxaa barlamaanka la gudboon maslaxada dalkuna ku jirta in u dib ugu celiyo dalabka iyo dhibkii ka dashayba cidii dalabkaa keentay kana yeelo dalabkaas oo idil wax habayaraatee an wax ka soo qaad lahayn. Ma in xubno barlamaan loo xambaarsiiyo wax an sharci ahayn lana doono in wax sharci ah dariiqaas lagu gaaro. Waa qaab shuftonimo.ma aha qaab dowlonimo.
Arrintu waxay ku soo ururaysaa barlamaanku in u jideeyo maanta ku dhaqan ama ku dhaqan la’aan dastuurka. Dastuurku waa dabbarka dadka oo idil, waa xariga wada jirka iyo is-aaminka. Madaxdu waxay ogaanaysaa in ku dumashadiisu ay tahay jidayn kala tag iyo qofba in u ku kaco wixii u awoodo oo dan moodo.waa ugu yeerid dadka fowdo. Arrintu waa ka dhumuc weyn tahay kana saamayn fogtay Saacid iyo Xasan Sheikh.
Aniga Ilama aha in la jideeyo sharci darro iyo in dastuurka markii la rabana lagu dhaqmo markii la rabana la yiraahdo hadda ma habbona sida u isku dayo in u dadka dhaadhiciyo wasiirki hore ee dastuurka oo nasiibdarro laga filayey in u ka mid noqdo dadka ugu horreya dastuur dhawridda.
Waxay ayaamaha dambe ku wareegaaleysanayeen masalleyareyaal badan(aqoongaab) iyo xabgaysteyaal kala duwani(daneysteyaal) oo u jid been ah u jeexay Mr Xoosh in madaxweynaha barlamaanku asagu doortay asaguna RW shaqaaleeyey.waa isku day indho sarcaadin, xaqiraad garashada shacbiga iyo habaabin bareer ah. Xilka Rw ma aha mid jaariyad madaxweynuhu qortay ee waa xil dastuuri ah, qofka qabtaana uma shaqeeyo madaxweynaha(umana ah kaliye) ee wuxuu u shaqeeya ummadda waxaana kontarool iyo shaqo ka daridiisa iyo ku hayntiisaba iska leh barlamanka oo kaliya oo shacbiga somaliyeed oo idil wakiil ah.
Waxaan halka ugu xasuusinaya dadka somaliyeed sii aad u kooban waxa u dastuurku qabo:
Dastuurka somalia ee hadda jiraa iyo kii 60kii waxay labaduba salka ku hayaan oo looga dayday dastuurka talyaaniga oo ah jamhuuriyad awoodii shacbiga oo idil loo wakiishay barlamaanka oo asagu leh awooda dalka ugu sarraysa. Barlamaanku wuxuu doortaa madaxweynaha, madaxweynuhuna wuxuu soo magacaabaa ra’iisulwasaraha..
Rw iyo xukuumaduu soo xushay yaa fuliya dhammaan hawlaha dowladda markay barlamaanka ka helaan kalsooni, ayagoo wax qabadkooda iyo wax qabad la’aantoodaba uga jawaabaya barlamaanka oo kali ah.
Madaxweynuhu wuxuu dammaanad u yahay oo kali ah in waxa: dowladdu fulinayso, sharciyada barlamaanku dejinayo iyo go’ammada maxkamada dastuuriga ahi ay ku wada salaysan yihiin dastuurka.
Haddayna arrimahaasi ku salaysnayn dastuurka, madaxweynaha waxaa xaq iyo waajib ku ah in u dib ugu celiyo arrinta hey’adi ka bayrtay dasturrka. Waxaa saa loo yeelay in seddex tiir ee dowladdu isxisaabiyaan oo waardiye iska hayaan ayadoo midiba si buuxda oo madax bannaan hawsheeda ugu gudanayso si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda. Xataa meelaha madaxweynaha tooska looga doorto sida France iyo USA oo ay ayagu leeyihiin awooda fulinta ma aha in madaxeynuhu ku dhaqaaqi karo wax an dasuurku si cad awood ugu siinayn ama u awoodooda cid kale siinayo.
Waxay u egtahay in madaxweyne Xasan ku riyonayo, si la mid ah siday ku wada fashileen kuwi asaga ka horreyeyba waayahan dambe, in u jilo Maxamed Siyaad Barre oo usan waqtigiisii joogin, xoogiisii iyo waxtarkiisiina midna usan la lahayn.
Waxaa runtii hungow, nasiib darro iyo xumaato horseed ah in dad sida mr Xoosh aqoon u lihi nidaamyada dimuqradiga ee kala duwan, arkay dastuurki 60dii ee somaliya, yaqaanna dastuurka hadda jiraa ay u bareeraan in ay dadka somaliyeed been uga sheegaan dastuurka(xeer la wada dhigtay), mugdi galiyaan wax an mugdi ku jirin una tafaxaydtaan horseedka in usan dalka shaqayn wax sharci la yiraahdaa ilaa heer ay yiraahdaan dastuurka dib ha loo saxo si awooda hoggaaminta dalku hal qof gacanti kaliyi ugu ururto(kaligitalisnimo).
Somali, ogow oo isu qaabee: waxaa dhammad ah waqtigii warlord-yada qoriga ku hubaysnaa waxaana si buuxda loo galay mid ka adag oo ah kii af iyo qalin u-dhiigle. Waa kuwii horay booska uga waayey warlord-ismihii oo erayo culculus iyo labtop-yo wata meeshii qoriga lakiin isla wixii doonaya..
Xasan D.Xalane
Muqdisho, Soomaaliya
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com