Dhageyso: Xukuumadda R/wasaare Saacid Oo Ku Guulaystay Xalinta Khilaafkii U Dhexeeyay Beelaha Ku Dagaalamay Sh/dhexe.

0

gol1Jowhar (AGGM): Xukuumadda uu Hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ‘Saacid’ ayaa xal ka gaartay Dagaal beeleedyo iyo khilaaf soo kala dhex galay Maamulka gobolka Shabellaha Dhexe iyo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Maxkamada gobolka Shabellaha dhexe Axmed Ibrahim Sayid oo la hadlay K24 ayaa sheegay imika inay dagantahay xaalada goobihii ay dagaaladu ka dhaceen isla markaana ay Xukuumadda Soomaaliya ku guulaystay Xalinta Khilaafkaas.

Wuxuu sheegay Wasaarada arimaha gudaha oo kaashanaysa maamulka gobolka inay isku keentay beelihii deeganadaasi ku dagaalamay isla markaana ay arintooda xalisay.

Dhinaca kale wuxuu sheegay deegaanka in la gayn doono Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya si ay ammaanka deeganadaasi qayb uga qaataan.

Halkan Hoose Ka Dhagayso

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com