Boqor Maxamed Jaamac Suldaan Cumar oo kamid ah salaadiinta beelaha Daarood e Puntland ku sugan ayaa ka hadlay Khilaafka soo kala dhex galay madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya sida Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxwaynaha.
Boqorka ayaa ka codsaday Hogaanka sare ee dowladda inay khilaaf kooda dhamaystaan isla markaana ay iskugu yimaadaan meel dhexe.
Wuxuu ka codsaday sidoo kale in la siiyo doorkooda Salaadiinta Soomaaliyeed si ay qayb uga noqdaay xalinta Khilaafka madaxda dowladda.
Boqor Maxamed Jaamac Suldaan Cumar ayaa Xildhibaanada baarlamanka Soomaaliyeed ugu baaqay inay dhex dhexaad ka noqdaan arinta socota isla markaana aysan ku dag dagin.
“Xildhibaanada qaar kamid ah waa danbiilayaal qaran oo si hoose ayay kusoo galeen Baarlamanka laakiin waxaan kuu xaqiijinayaa boqolkiiba Sideetan Xildhibaanada waa Nadiif oo waa dad aqoon leh” ayuu yiri.
Halkaan Hoose Ka Dhageyso Wareysi Boqor Maxamed Jaamac Suldaan Cumar
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com