London (AGGM): Guddi hoosaadka arrimaha dalaka Britain ayaa soo jeediyay in aan qaadka cunidiisa iyo ka ganacsigiisaba aan la joojin si aan bulshada cuntaa loo faquuqin isla markaana aan wax yeelo u soo gaarin ka Hawlgalada hortaga Argagixisada.
Guddidan oo aan awood sharci laheyn ayaase leh saameyn mug leh waxaaney sheegeen in joojinta qaadka ee Britain aaney ku saleysneyn cadeymo muujinaya in ay jirto halis Caafimaad iyo mid bulshadeed toona.
Warbixin ay guddidu soo saartayna waxa lagu sheegay in joojinta qaadka ee dalka Britain in ay sababi kareyso iska hor dhex mara Bulshada qaadka cunta iyo ciidamada amaanka Britain.
Warbixintu waxa kale oo ay xustay in loo arki karo joojinta Qaadka ee Britain baal ka dhac Kenya lagula kaco Qaadka ayaa degaano dalkaas ka mid ahi waxa uu yahay dekhliga qura ee dadku helaan.
warbixinta Guddida arrimaha Guddaha ee Britain ayaa lagu xusay dhaawac walba oo gaara xiriiraka labada dal ee Britain iyo Kenya ay sababi kareyso caqabad ku timaada hawlgaladooda lagula dagaalamo xagjiriinta.
Guddi ka socday Baarlamaanka dalka Kenya oo la kulmay guddi hoosaadka arrimaha guddaha ee Britain ayaa dhakooda soo jeediyay in hadii Britain joojiso in qaadku dalkooda tago ay keeni kareyso in shaqala’aan awgeed ay dhalin faro badani ku biiraan Kooxda Al Shabaab.
Gudidu waxa ay dawlada Britain ku eedeysay in aaney dawlada Kenya kala xaajoon Joojinta Qaadka.
Guddidu waxa ay soo jeedisay in aan qaadka la joojin ee loo sameeyo sharci ka ganacsigiisa si Briatain aaney xarun ugu noqon ka ganacsigiisa.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Britain Theresa May ayaa bishii May ee ina dhaaftay shaacisay in Joojinta Qaadka ay timi baaritaano la sameeyay dabadeed iyo in la doonayo in Britain aaney xarun u noqon dadka qaadka geeya dalalka uu mamnuuca ka yahay.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com