Marka sharciyan loo eego Baarlamaanku wuxuu xaquuq Dastuuri ah u leeyahay inuu la Xisaabtamo taasoo ku imaaneysa marin Dastuuri ah ,isla markaana waafaqsan Xeer Hoosaadka Baarlamanka. Marka wadadii sharciga aheyd loo soo maro la xisaabtanka Xukuumadda Federalka, dood ka dib waxaa loo qaadayaa Cod waxaayna xukuumaddu shaqada ku weyneysaa ( 50% +1).
Hadda waxaa socda Motion aan waafaqsaneyn Dastuurka dalka u yeela waayo markii uu yimid khilaaf u dhexeeya Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha sidaa awgeed marka la adeegsado caqli iyo aqoontaba iyo lana fasiro sharuucda dalka u yaalla weliba Dastuurka waxaa muuqaneysa inuu Motionku yahay mid aan heysan sharciyad waayo waa mid ka dhashay khilaafka madaxda dalka,isla markaana la isku qabtay arrimo Dastuuri ah ,waayo waxaa iska cad meel walbana talla inuu Madaxweynuhu faraha kula jiro Hawlihii ama shaqadii ay laheyd xukuumaddu.
Kaalinta kaga aadan Baarlamaanka khilaafkaan waxaa waaye mid ah Garsoor waayo wuxuu Baarlamaanku buuxinayaa kaalintii ay laheyd ” Maxkamaddii Dastuuriga aheyd-Constitutional Court” sidaa awgeed arrintu waxaay qasab ku noqoneysaa inuu Baarlamanku qaato kaalin Garsoor. Su’aasha la is weydiin karo weliba dadka barta sharciga lehna aqoon sharci yaqaan sidee Baarlamaanku ku wajahayaa kaalintii Garsoornimo murankaan Dastuuriga ah.
Marka loo noqdo sharciga ah ” Constitutional Law” ama Sharciga Dastuuriga ah marka loo turjumo Af Soomaali ahaan. Waxaan og nahay Dastuurka waxaa “Amendment ” ku sameyn kara Baarlamaanka oo kaliya wuxuuna ku ansaxayaa Seddex Meelood Laba marka loo eego tirada guud ee Baarlamaanku ka kooban yahay.
Sidaa awgeed maadama waxa khilaafka keeney ay yihiin arrimo Dastuuri ah , isla markaana kaalinta Baarlamaanku yahay mid Garsoor ah, waxaa loo marayaa sida habka ama procedure ka loo maro “Constitutional Amendment” laguna ansixiyo Dastuurka marka wax laga bedelayo waayo waxaa la yiraahdaa waa ” Organic Law”.
Sidaa awgeed Motion sharciyad Dastuuri ah heysta ma jiro maadama uusan ka imaan Baarlamaanka balse uu ka yimid dhinaca Madaxtooyada iyagoo doonaya iney habkaas sharci darrada ah,isla markaana mid ah Fadeexad ” Scandal” ku Bililiqeystaan xukuumaddii Dastuuriga aheyd ee dalka ka jirtey.
Marka Fasiraad lagu sameeyo ama Legal Interpretation iyadoo waxa la Fasiraadda lagu sameeynayo yahay sharciga Dastuuriga ah” Constitutional Law” waxaa marnaba aheyn wax la aqbali karo sharci ahaan labadaan qodab ee kala ah :
1 – In Motion sharciyad heysan laga dhigo mid sharci ah.,
2- In arrin dastuuri ah una baaan inuu codku noqdo 3/2 > marka tirada guud ee Baarlamaanka seddex meelood laba meelood codka kala noqdaan xukuumadda hadda jirta,waayo waa arrin Dastuuriga ah, isla markaana ah ” Organic Law”. Haddii meesha la keeno sheeko kale waxaay noqon doontaa mid ah fadeexad weyn iyo sumcad xumo kuna wajahan Baarlamaanka, qaas ahaanna Guddoonka sare ee Baarlamaanka, waana arrin soomaali weyn leh aqoon yahanno, sharciyaqaano iyo beesha calaamku indhaha ku heyso sida uu ku shaqeeyo Baarlamaanka Soomaaliya, inuu yahay mid matalaya shacabka soomaaliyeed ay u dhaarteen iney caddaalad ugu shaqeynayaan isla markaana ay dhawrayaan Dastuurkii ay ku dhaarteen , koleyba hadda waa loo jeedaa Madaxweyne dhaartii uu u dhaartay inuu ilaalin doono Dastuurka iyo Sharuucda kale ee dalku leeyahay laakiin hadda asagu ugu horreeyo kuwa ku tumanaya Dastuurkii ummadda soomaaliyeed ka dhexeeyey.
W/Q. Dr. Dahir Nur Jama ( Dr Truman)
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com