Sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo ku dhaw dhaw Madaxtooyada Soomaaliaya ayaa waxa ay sheegayan in kooxda Damjadiid ee ka arrimisa Villa Soomaaliaya ay abaabulayan in Ra’isul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” uu san u waramin Saxaafadda Maalinta barito ah si aysan u fakan Sirta Koox diimeedka damjadiid.
Xubno muhiim ah oo ka tirsan Damjadiid ayaa sheegay in Guddoomiyaha Barlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ay lacag ay sii yeen kooxda Damjadiid, taas oo la sheegay in looga gol lahaa in uu la safto Damjadiid, taasina waxa ay Cadeyn buuxda u tahay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu sharciyaddii ka dhigay Rabitaanka Dam Jadiid , taas oo laga yaabo Rajadii laga qabay Soomaaliya in ay Mugdi Galiso.
Kullankii maanta waxaana si cad Been looga sheegay Xildhibaanada Baarlamaanka ee Xaadir ku aheyd kulanka kuwaas oo lagu sheegay illaa 248 ahaana 128.
Kooxda Damjadiid ayaa xildhibaanda la safan ku qancisay in ay ka dhigayaan R/W am Wasiir haddii xilka laga tuuro Ra’isul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”.
Kullankii maanta waxa si weyn u Cambaareyay midowga yurub oo dowladan ugu deeqay lacago fara badan, waxa ayn sheegeen in kullankii maanta uu ahaa mid sharci darro ah.
Dowlada Norway oo dhawaan ka yimd Maxamed Sh/Cusmaan Jawaari , isla markaana ka mid ahaa guddiyadii madaxa banana ee Dastuurka Dalka wax ka qorayey ayaa eedeyn kulul u soo jeedisay.
Warar hoose oo aynu helayno ayaa waxa ay ku waramayaan in 71-ruux ay kooxda Damjaiid ay u ballan qaaday R’isul Wasaare , halka in ka badan 120-na la sheegay in loo ballan qaaday Wasiiro.
Xildhibaan Feysal ayaa shalay Dooda Idaacadda V O A waxa uu ka sheegay in Mooshinka socda ay wadaan Urur Diimeedka Damjdiid , haddii Baarlamaanka uu ka fulo Mooshinkaan sidii Baarlamaanka loo kala diray ayaa loo kala dirayaa midka Soomaaliya , dadka Soomaaliyeedna Kalsoonida ay kala noqonayaan.
Maxamed Sh/ Cusmaan Jawaari guddomiyaha Barlamaanka Soomaaliya ayaa kullankii maanta hadalo dad badn ka yaabiyay ka soo jeediyay, taas oo aheed KALSOONI KALA NOQOSHDA RA’Isul WASAARAHA SOOMAALIYA, isagoo sii raaciyay waxa idinka codsanayaa inaa Saxiixdaan.
Goobaha lagu qaxweyo ee magalada Muqdisho waxa si weyn loo hadal haayey hadalka ka soo yeeray Jawaari,taasi oo odeyaal iyo Waxgarad ku dhaqan Muqdisho ay ku tilmaameen in Guddomiyaha Barlamaanka uu san dhex dhexaad ka aheen khilaafka ka dhex jira R/W Saacid iyo Kooxda Damjadiid.
Hase’ahaate arrintan ayaa waxa lagu kala ogaan donaa Xildhibaanka Qaranka Matala iyo kan Calooshiis u shaqeestaha ah.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com