Top News Dhageyso: Maxamuud Daahir Qooleey “Waa Ayaan Daro Wasiiro U Ololeenaya In Mooshin Laga Keeno Xukuumadi Ay Ka Tirsanaayeen, Berina Doonaya In Dib Loogu Soo Magacaabo Wasiiro.

0

WarbixinMuqdisho (AGGM): Maxamuud Maxamed Faarax Qooleey oo ka tirsan Mas’uuliyiinta hay’adaha samafalka ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in waxa ka socda baarlamaanku ay yihiin ayaan Daro Wasiiro U Ololeenaya In Mooshin Laga Keeno Xukuumadi Ay Ka Tirsanaayeen, IslamArkaana Beri Doonaya In Dib Loo Soo Magacaabo Wasiiro markii ay bur buriyaan Xukuumada ay hadda ka tirsan yihiin.

Dhinaca kale Maxamuud Qooleey ayaa waxa kale oo uu sheegay in gudoomiyaha Baarlamaanka uu ku dhaqmayo waxii laga bartay Shariif  Xasan islamarkaana uu ku tuntay sharciga sababtoo ah ayuu yiri qof la dacweenayo haddana la oranayo isma difaaci kartid caqli ma uu aha mana ahan sharci.

Isku soo wada duuboo arrintan uu ka hadlay Aqoonyahan Maxamuud Qooleey ayaa waxaa sidoo kale isweeydiinaya dadka Soomaaliyeed ee dalka iyo dibeddiisaba , Seebay suuro gal ku tahay Wasiir Xukuumadi uu ka tirsanaa doonaya in uu rido, R/wasaare cusub markii la magacaabana dib loo soo magacaabo isagi riday Xukuumadi hore ee uu ka tirsanaa..

Halkan Hoose Ka Dhagayso Maxamuud Qooleey

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com