Madaxweyne Nabad Iyo Horumar Diidan. W/Q.Mahad Farah

0

XASAN SHEEKHWaxaan aragney shaqsinimada dhabta ah ee Madaxweeynaha Soomaaliya Xassan Sh. Maxamuud dhowrkii isbuuc oo lasoo dhaafey. Maxaan aragney? Madaxweeyne nabad iyo horumarka diidan.

Mida koowaad, waxaa dhab ah inuu Xassan Sh uu yahay taliyaha ciidamada wadanka oo ey asaga ka amar qaataan uu na badali karo qofkuu rabo uu na keeni karo cidduu rabo taasna waxaa tusaale u ah inuu badeley Jeneraal Diini iyo Jeneraal Dhagobadan. Labadaa nin oo lagu tilmaamikaro hogaamiya yaal dhab ah oo wadanka ka sifeeyay al shabaab. Waa suaale muxuu ubadelay labadii nin oo wax tareeysey uguna badaley labo nin oo waxba tarin? Wax qabadkii Jeneraal Diini iyo Jeneraal Dhagobadan waxaa kutusaaya dagaaladii lagula jirey alshabaab waa la joojiyey markii la ceyriyay labada Jeneral. Waxaana maqlaayey inuu badalaayo taliyaha ciidamada badda Adhmarol Qare uuna kubadalaayo jeneraal kasocda ciidamada dhulka, waa suaale muxuu ubadalaayaa nin cilmiga badda ku taqasuusey uguna badali nin cidamada badda waxba ka aqoon? Soo ma aha inuu hormarka iyo nabada diidanyahay?

Mida labaad, xaga dhaqaalaha marwadii loosoo magacaabey Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Yusur Abrar waxey wadanka uga caraartey Xassan Sheikh, reerkiisa iyo asxaabtiisa oo ugoodiyay hadii ey usaxiixiweeyso in dhaqaalaha dowlada kudhici weysa akkantigooda. in laweeynaayo.Taasi soo ceeb ma aha? Hadana waxaa kasii daran waxey websiteyada soo galiyeen dacaayed ka dhan ah Yussur Abrar in ey lacag dhacdey si ey magaceeda u fool xumeeyaan.

Mida saddexaad, Xassan Sheikh waxey kuqaadatey ku dhowaad 40 cisho in uu magacaabo reysal wasaare taas oo keentay in uu wadanka wax horumar ah uusameeynin waqtigaas, mantana waxaa cadaatey in uu laaluush ku bixinaayey siduu Reysal.Wasaare meesha uga baxsho siduu ukeeno shaqsi ushaqeey asaga. ee ushaqeeynin umada Soomaaliyeed. Xildhibaanadii ayaa ka qeeyliyay oo dhahaayo waa naloo goodiyay oo hadii an yeelin sida uu madaxweeynaha rabo iyo kooxdiisa waa nala dili waxaana laleeyahay Al shabaab ayaa dishey. Waa ama laaluush dooro ama qabriga dooro.

Soomaaliyey nin sidaas udhaqmaaya ma astaahilaa inuu na xukumo? Waa maya sidey aniga ilatahay.

Mahad Farah – BEng (Mech), MTech
Mahadfarah365@gmail.com  

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com