Muqdisho(AGGM)Allaah ha u naxariistee Xildhibaan Feysal Warsame Maxamed oo ka mid ah xildhibaanada Soomaaliyeed kana mid aha xubnihii ugu fir-firconaa ee daafacayay xukumadii dhacday ee RW Saacid ayaa shalay lagu dilay magalada Muqdisho gaar- ahaan gudha xarunta madaxtooyada Soomaaliya.
Siduu u dhacay Dilka?
Shalay oo ay taarikhda ku beegneyd 6/12/2013 maalin nimo (Jimca) ah ayaa waxaa telfoon u soo diray xildhibaan Feysal madaxda dalka si ay kulan ula qaataan. Waxaa uu daganaa demgada Taleex, si gaari uu lahaa ayuu soo qaatay si uu u tago xarunta Villa Soomaaliya oo looga arrimiyo dowlada dhexe ee dalka ka taliso.
Sida la wada ogsoonayahay madaxtooyada Soomaaliya waxaa ay leedahay dhowr jidgooyin oo lagu baaro dadka iyo gaadiidka galaya xarunta madaxtooyada, gaariga uu watay xildhibaan Feysal waa la baaray oo waliba waxaa uu maray dhowr bar- koontarool oo ay joogaan ciidamada AMISOM ee nabad-ilaalinta Soomaaliya u joogo sidoo kale baro koontarool oo ay ciidamda DFS ay joogaan ayaa lagu baaray gaariga kaddibna waxaa loo fasaxay in uu galo gudaha madaxtooyada.
Wararka aan ka heleyno shaqsiyaad ka ag dhaw marxuumka ayaa inoo xaqiijiyay in madaxweynaha Soomaaiya iiyo Xildhibaan Feysal ay kulmeen shalay ayagoo ka wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin arrimaha mooshinki saacid ee lagu guuleystay in laga rido xilka saacid, Feysal waxaa uu ka mid ah shaqsiyaadka sida weyn kaga so horjeeday Mooshinka laga keenay RW Saacid.
Mar uu ka hadlay kullan baarlamaanka Soomaaliya ay ku yeesheen gudaha Soomaaliya ayuu Xildhibaan Feysal sheegay in magaciisa lagu been abuurtay laguna soo daray liis ay ku qoron yihiin Xildhibaano fara badan oo mooshin ka keenay Xukuumada Saacid isagoo rabbi ha u raxmadee Feysal shegay in nasiib darro ay tahay in lagu been abuurto oo magacisa isaga oo aan ka war hayn lagu darro liis qaldan, arrintan uu ka hadlay ayaa dhabar jab ku noqotay gudoomiyaha baar-lamaanka Soomaaliya iyo madaxweyne Xasan.
Tuhun la galiyay dilka Xildhibaan Feysal
Tuhun weyn ayaa ka yimid dilka Xildhibaan Feysal, dhammaan xubnaha baar-lamaanka Soomaaliya ayaa gooni-gooni isaga wareystay sida ay ku dhici karto in qarax gaari lagu xiro sidoo kale bar-tilmaamedka uu ahado oo kaliya xildhibaan Feysal.
Xildhibaanda qaar oo ka fogaanayay in ay tuhun galiyaan dilka oo ay dusha u saaraan hogaanka dalka ayaa shaki weyn ka muujiyay arrintaan maadama dalka uu lugaha hadda kala baxay xaalad siyaasadeed oo adag taas oo ahayd xaga labada sare ee wasirka koobaad dalka iyo madaxweynaha oo ay xildhibanada la kala safnaayeen.
Tuhunka weyn xaguu ka yimid?
Tuhunka ugu weyn ayaa ka yimi laba meel oo kaliya,
1- in kooxda Al-shabaab oo iyada ugaarsata dadka dowlada ka shaqeya ayaa gabi ahaan websetyadooda iyo bartooda Twitter aan ku sheegan dilka Xildhibaan Feysal, waayo mar walba way sheegan jireen dilka Xildhibaanda qaar ee gacantooda ku baxa.
2- In gaariga walxo qarxa laga waayay oo ay AMISOM baartay marka uu madaxtooyada galayay markii uu saacado ku sugnaa gudaha aqalka madaxtooyada kaddibna uu ilinka madaxtooyada marka uu soo baxay kula qarxay (Maxaa keenay gaari la baaray in haddana uu marka uu soo baxo qarxo talloow AMISOM markii hore ma arki waayeen miinada mise dhagar qabayaal la tuhunsanyahay baa gudaha Villa Soomaliya uga soo xiray miinada.
Nooca Miinada ee lagu fuliyay dilka
Miino ku xiran kursiga gaariga oo uu Xildhibaanka daraw ahaa xiligaas ayaa ay ahayd adeega miino ee hawl-galka lagu fuliyay waxaad moodaa in qof kaliya ujeedku ahaa maadama qofkii kale gaariga saarnaa dhaawac sahlan soo gaaray.
Ilaalada Xildhaan oo si mar-marsiyo loo helo Xasan Sheekh amray in la xiro
Maxamed Cabdiqaadir Guure Faarax oo ahaa ina adeerka Xildhibaan Feysal ayaa xabsiga loo taxabay ayadoo ay sheegtay nabad-sugida Xamar in su’aalo la weydin dono dilka iyo qaabkii uu u dhacay, arrintaan ayaa shaki ku abuurtay dowalda Soomaailya maadama ninka uu walaalkii yahay kama dambeyn karo dilka waayo qof uu ku kalsoonyahay unbuu ka dhigan karaa xog-hayn ama ilaalo, laakin dowlada oo boorka ku qarineyso falka xun ee iyada lagu tuhmay ayaa xabsiga dhigtay walaalka xildhibaanka geeriyooday.
Aaaska marxmuuka waxaa soo xaadiray RW hore Soomaali Cabdi Faarax Shirdoon iyo gudoomiya ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaliya, xubno ka tirsan xildhibaanda Soomaaliya sidoo kale waxaa la waayay oo aan ka soo qeyb gelin xildhibaano ka mid ahaa kuwii mooshinka keena iyo madaxda dalka qaar oo uu ka mid yahay Xasan Sheekh iyo jawaari oo ah afheeynka koobaad ee baarlamaanka Soomaaliya taasna waxaa ay ku tuseysa in wali tuhun cad jiro.
Ma jirto ilaa iyo hadda cadeymo cad oo ay keeneen nabad sugida xamar aan ka ahayn xirida ehelka Xildhibaan Feysal waxaa cad oo marag ma doonta ah in miinada lagaga soo xiray gaariga guriga xasan sheekh Ama Villa Soomaaliya sida aad u taqaan, maxaa yeelay gaariga ammaankiisa wuu sugnaa AMISOM ayaa qalabka miina baarista ku baartay goortii uu galayay guriga Xasan maxaa keenay in markuu soo baxo uu qarxo bal adba is weydii aqristoow?.
W/Q Xamdi Cabdulle Bullo (Xamdi Bullo)
Email- Mehraxp@gmail.com
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com