Dabcan waa hadlaheynta ugu weyn oo ay maalmahaan bulshadu isla dhex qaadeyso, waana kalmad daadsan guud ahaan dalka,gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo in badan lagu soo maamulayay sharci daro iyo in shillinka lagu meel maro magacii la doono ha loo bixiyee, maantase in sharci la soo xasuustaa waxa ay astaan u tahay in dib loo dhisayo Dowladmino iyo in aanuu bini’aadamku noolaan Karin sharci la’aan,hadana waa marag ma doonto in sharciga qudhiisu uu u baahan yahay ku dhaqan iyo in shacabka loogu adeego sida uu u qoran yahay,inkastoo aan weli la gaarin waqtigii sharciga lagu meel marin lahaa rabitaanka shacabka.
Waxaanse la dafiri Karin in dabci ahaan soomaalidu ay tahay inteeda badan umad sharciga ka jecel laaluushka iyo musuq maasuqa oo ah mid lagu soo dhaqmayay tan iyo markii aan xoriyadda qaadanay, waxaadse moodaa in uu waayadaan danbe aad u soo xoogeystay.tusaale, hadii ay ciidamada Amnigu soo qabtaan ruux dhalinyaro ah xiliyada ay howlgaka ku jiraan,suurta gal maaha in ehelku wiilkooda u daayaan sharciga, waayoo waa hubanti hadii aanuu danbiile aheyn in la soo deynayo, balse si aanu wiilkoodu saacad ugu sii jirin gacanta baarista, durba waxa ay qaraabadu ka dhex bilaabayaan ciidanka dhexdiisa gorgortan iyo in ay shillinkooda kaga kalsoon yihiin sharciga,si looga hortagaana waxa ay u baahan tahay in sharciga laf ahaantiisa la baro ciidanka iyo bulshadaba si loo gaaro cadaalad.
Si taa la mid ah inta badan Xaafiisyada loogu adeego bulshada waxaa maalintaa oo dhan is dhaafaya shillimaad sharci daro ah,xataa hadeey wuxu yihiin wax uu qofku xaq u leeyahay waxa uu ku bixinayaa laaluush iyo shillimaad , markaa ayey shaqada oo dhana waxa ay kuula muuqaneysaa wax uu si gaar ah u leeyahay qofka markaa howsha maamulaya.
Tan kale, waa dhab inaad ku jahwareereyso sida ay wax u socdaan iyo waxa la boobayo waxa ay yihiin, marka aad eegto cabashada ka taagan, dacwadaha Maxkamadaha,ducomintiyada muran dhuleedka, xaafiisyada bulshada loogu adeego,sharciyada iyo canshuuraha ganacsatada,shirkadaha, gaadiidka, suuqyada,campaniyada iyo dhamaan wax kasta oo la doonayay in ay sharciga maraan ,oo dadka qaar maanta ay qabaan in howlahaasi aaney u socon si cadaaladda oo sharciga waafaqsan,balse waxa lagu kala muraadsanayo ay tahay shillinka.
Sidoo kale, waxa uu baryahaan danbe Maamulka G/Banaadir, dib dib u soo nooleeyay Ciidankii ilaalada deegaanka ee loo yaqaanay Minushiibiyo,oo sida aad la socotaan sanado badan howl gab ahaa una soo samrayay daryeel la’aan iyo xurma la’aan ka heysatay gudashada shaqadooda, taas oo ay u dheereyd in ay dad badan oo aan dowladnimada arag u arkayeen waraaqaha canshuuraha ah ee ay sitaan xeelado cusub oo shaxaad ah oo la mid ah kan ay suuqyada ka qaadaan dadka aruuriya lacagaha qaaraanka ama taakuleynta ah ,
Balse markaan waxaad moodaa in la soo hubeeyay loona soo dhiibay dhamaan waxii warqadda ahaa ee ay u jari jireen bari samaadkii cid walba oo ay quseyso, waxa aadse la yaabeysaa durbaba dar darta iyo canaanta ay la soo baxeen iyo sida ay u dhaqmayaan oo aaad moodo ciidan xabisnaa 22 kii sano ee fowdada, oo hada un hurdada ka soo kacay.
Waayoo waxaad suuqyada ku arkeysaa iyaga oo hubeysan isla markaana mararka qaar ridaya xabado,ama si aan masuuliyadi ku jirin u gudanaya shaqadooda, markase aad dhex qaado ganacsatada mid weyn iyo mid yarba waxa ay kuu sheegayaan in ay maalmahaan qaati ka taagan yihiin Minishiibiyada oo si toos ah iyo si dadbanba uga qaadata lacago joogta ah oo aan la garan Karin meel ay ka bilaawdaan iyo meel ay ku dhamaadaan, waana arin jahwreer keeni karta oo u baahan in loo hello nidaam iyo jawi dagan.
Si taa la mid ah, Ciidanka ilaalada wadooyinka ee loo yaqaan Tarafikada, iyaguna waxa ay ahaayeen in mudda ah kuwa aan amarkoodu shaqeyneyn oo aan laga heybeysan, balse mudooyinkaan danbe waxa ay bilaabeen dhaq dhaqaaq ka duwan sidii hore,dhankoodana waxaa ka soo baxaya mad madoow dhaawici kara sharciga, mar hadii danbi kasta oo lagu galo wadooyinka ay ku xalinayaan wadadda dhexdeeda.
Saxaafadda qudheeda ma sahlana,marka la eego sharciyada u qoran ee la rabo in uu saxafigu ilaaliyo waxaa ka mid ah Laaluushka oo sida la isku raacay ah haliska koowaad ee saxufiga ku ridda danbiyo,una soo jiidda sharaf dhac iyo in uu ku sifoobo shaqsi daciif ah oo aan la aamini Karin warka uu bulshada u soo gudbinayo.
Hadana, shaki kuma jiro in maanta saxaafadu ay noqotay ganacsi qofkii aan lacag dhiibina uu warkiisu yahay mid liita oo aan la sheegin ama hadii la soo qaato aan loo dhigin sidii uu ahaa, halka la buun buuniyo midka dhiiba lacagta wuxuu doono ha ahaadee, lacagtaas oo loo bixiyay {SHARUUR} mana garan karo halka laga soo min guuriyay ereygaan iyo cidda keentayba oo aan anigu u arko in uu yahay magac lagu asluubeynayo laaluushka Saxaafadu qaadato, balse waxaa cajiiba ah in masuul kasta oo warbaahineed mararka uu ka qeyb galayo doodaha saxaafdeed ee quseeya arimahaan uu dhankiisa si aada u canbaareeyo in wariyuhu laaluush qaato iyo in aysan ka warbaahin ahaan sharcigaba ugu jirin iyaga. wariyihii lagu ogaadana laga joojiyo shaqada, hadana maalinta ku xigta hadii aad u baahato warbaahinta ma heleysid mid aan ku weydiineyn lacag iyadoo weliba lagula gorgortamayo, marka sow arinka saxaafadduna maaha SHILLINKAA SHARCIGA KA WEYN.
Dhanka kale, Golaha Baarlamaankeena oo duruufo jira awgood in muddo ahba lagu soo dooranayay sifa aan aheyn kii loogu talagalay in lagu soo doorto oo ay aheyd in gobolada ama shacabka ay matalaan ay ka yimaadaan, ayaa maadaama kursiga lacag fara badani uga baxaday waxaa la xasuustaa in iyagana loo bixiyay {Fadlan lacag ku shubo} ogowna waa xubnihii u xil saarnaa ilaalinta sharciga balse taa badalkeeda looga bartay marka mooshin loo keeno ama ay is qabtaan madaxda sare in ay dhagsadaan boor uu ku qoran yahay, SHILLINKAA SHARCIGA KA WEYN, waana dhaqan soo socday tan iyo dowladihii KMG ahaa,
Hada, markii ugu horeysay ee la maqlay khilaafka soo kala dhaxgalay madaxda sare ee Dowlada Faderaalka ah,dad badani waxa ay soo xasuusteen wadooyinkii jid cadaha ahaa ee ay ku dhamaan jireen khilaafyadii hore in lagu socdo,inkastoo si ka duwan sidii baarlamanadii hore ee KMG ahaa ay xaaladdan isha ku wada hayeen shacabka soomaaliyeed bal waxa ay falaan doorkaan mudanayaasha baarlamaanku,
Hadana meesha kama marnayn sida lagu xamanayo in ay jireen qaar badan oo ku shaqeynayay hal ku dhiga oranaya,SHILLINKAA SHARCIGA KA WEYN, marka la fiiriyo sida loo dardar galiyay mooshinkii Xukuumadda laga keenay markii ay labada oday is qabteen, sida ay ula kala safnaayeen khilaafka,sida Reysal wasaarihii looga hor istaagay in uu iska difaaco eedaha isaga iyo Xukuumadiisa loo soo jeediyay, sida ay u soo xaadireen fadhiyadaan danbe tiradii ugu badneyd ee ebed timaada kulamada Baarlamaanka, sida loo meel mariyay wixii la wada saadaalinayay ee aheyd in shaqada laga ceyrin doono Reysal-wasaaraha,iyo ugu danbeyntii sida dag daga ah ee uu Madaxweynuhu u soo dhaweeyay go’aankaas uguna hambalyeeyay Baarlamaanka.
Docda kale,inkastoo ay ka xun yihiin khilaafka soo noq noqday ee had walba ka soo dhex muuqda wada shaqeynta Madaxda sare, waxaa jira dadka kale oo qaba in ay guul weyn oo taariikhiya u aheyd Soomaalida shaqada Baarlamaanku qabtay,iyo sida markii ugu horeysay khilaafka madaxda sare loogu xaliyay dalka gudihiisa, iyadoo weliba loo marayo kalsoonida Baarlamaanka,halka waayadii hore xalka loo raadin jiray Dalalka dariska ah, sidoo kalena si weyn u soo dhaweynaya sidii geesinimada lehey ee uu Dr Saacid intii aanuu xilkiisa waayin u cadeeyay in qalad kasta oo jira uusan ku cara baabi’i doonin nidaamka hada jira,isla markaana uu u hogaan sami doono ga’aan kasta oo ka soo baxa fadhiga Baarlamaanka,markii lagu dhaqaaqay go’aankana uu u taageeray uguna baaqay shacabku in ay la shaqeeyaan Reysalwasaaraha badli doona isaga.
Dhanka kale, mar hadii aanu la socono iskaba daa Madax howli ka dhaxeysee, in waalaidiintu xataa maanta marka ay rabaan in ay adeegsadaan caruurtooda ay ku yiraahdaan waxaas ii soo gad inta soo hartana qaado, ama anaa ku qurxinyee maandhoow shaqadaa soo qabo,oo macnaheedu yahay in sharcigii ama xaqii waalidku u lahaa in loo fuliyo amarkiisa in shallinku ka xoog badan yahay,waxaa la oran karaa waa dhaqan guur kale oo u baahan in waalidiintu ka fogaadaan si loo helo bulsho ka nadiifa laaluushka.
Ugu danbeyntii, waxaan qoraalkeyga ku soo gabagabeeynayaa sheekadan oo aanan hubin run ahaanteeda balse aan u xushay oo kaliya warbixinteyda ,””Reer baa wax ay bari ka codsadeen nin wadaada in uu guriga quraan ugu aqriyo weliba si lacag la’aan ah, balse wadaadkii ayaa si uu u bisleyto xoogaagii uu u bartay ee la siin jiray waxa uu yiri, Anigu quraanka waa idinkugu akhrinayaa si bilaash ah, laakiin ogaada Aayaddu lacag la’aan ma ahaan karto, hada maadaama musuq maasuqa iyo wax is daba marinta uu dalkeenu kaga jiro safka hore, waxaa haboon intaa badalkeeda aan is barno sharciga, lagana dhigo xaalka SHARCIGAA SHILLINKA KA WEYN !!!!!
DH A M A A D //
Qalinkii :- A/kadir M. Farah {Dulyar}
Dulyar23@Gmail.com
Dulyar22@hotmail.com
Mogdisho/ Somalia
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com