Iyada oo maalmihii u danbeeyey xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya uu ku mashquulsanaa xulitaanka qofkii hoggaamin lahaa xukuumadda cusub ee Soomaaliya ayaa warar ku dhaw Xafiiska Madaxweynaha sheegayaan in hadda gacanta Madaxweynaha ay ku soo hareen laba Musharax oo keliya laakiin, Madaxweynuhu aanu weli go’aan ka gaarin midka noqonaaya Raysalwasaare.
Inkastoo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh maxamuud u soo gabagabeyay dhagaysiga Musharaxiinti u tartamaysay qabashada Xilka Raisalwasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa manta mar qura dar dar culus la soo baxay Musharax Dr Axmed Farax Ducaale oo asagu in mudo ah si hoose u waday ole olaha uu ugu jiray qabashada Xilka Raisalwasaarha Soomaaliya.
Musharax Dr Axmed Farax Ducaale waa Aqonyahan ahna Siyaasi ruug cadaa ah oo in ka badan 40 sano ku noola Qaarada Yurup qaas ahaan Wadanka Danmark.
Sida la soo sheegayo Musharax Musharax Dr Axmed Farax Ducaale waxaa uu garab weyn ka haysta qaar ka mid ah la taliyeyaasha qaaska ah ee Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud qaas ahaan kuwi horay u keenay Raisalwasaarihi hore Dr Abdi Farah Shirdoon Saacid.
Musharax Dr Axmed Farax Ducaale ayaa inta uu ku noola wadanka Denmark waxaa uu ka soo qabtay shaqooyin Dowladeed iyo mid shacab waxaana ka mid ahaa meelaha uu ka soo shaqeeyay.
Professional Experience
Year Employer & Responsabilities
2006 – 2012 Copenhagen Local Government Senior Staff recruitment
officer, coordination officer of the Regional
Public & Private
sectors’ Regional development efforts.
1985 – 2006 Own Private business Consultancy CEO
Project consultant for DANIDA
External Lecturer at the
Defence Academy (Socio Politics of Africa)
Termo Transit of Norway
N & K Denmark
1982-1990 External resource person for training DANIDA’s (Danish
Foreign Ministry) experts to
Africa.
1973 – 1985 Mærsk Line + Aalborg Portland Chief Officer, Master
Xarunta Villa Soomaaliya ee fadhiga u ah Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa waxaa hada ka socda kala saaritaanka labada musharax ee hada iskugu soo haray wareega ugu danbeyay ee tartankii logu jiray qabashada Xilka Raisalwasaaraha 16naad ee Somalia.
Ugu danbeyn Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa waxaa la soo sheegaya in u soo magacaabi doono Raisalwasaaraha Soomaaliya ka dib marka uu ka soo labto Booqasho gaaban oo uu ku tagi doono Magaalada Nairobi ee Xarunta Wadanka Kenya waxana sida aan xogta ku helayno u kala dooran doona labada Musharax ee hada iskugu soo hartay wareegi ugu danbeyay.
Waxaa la filayaa in ugu danbeyn maalinta Jimcada ah lagu dhawaaqo Raysalwasaaraha cusub, inkasta oo uu ka dib dhici karo sida lagu bartey jiitanka siyaasadda Soomaaliya.